WADDANI Muxuu Ka Yidhi Gogosha Wada-hadal Ee Ay Xukuumaddu Sheegtay Inay U Fidisay Mucaaradka?

Hargeysa, (SLpost)- Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa ka fal-celiyay dhawaaq ay xukuumadda talada haysaa ku sheegtay inay gogol wada-hadal oo lagaga xaajoodo khilaafaadka siyaasaddeed ee ay sababtay muddo-kordhintu u fidinayso axsaabta mucaaradka ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo maanta warbaahinta kula hadlay madaxtooyada ayaa shaaciyay inay xukuumad ahaan gogol wada-hadal ah u fidinayaan xisbiyada, taasoo uu sheegay inay u qoondeeyeen, ka dib dabaal-dega xuska 18-ka May.

Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa war-saxaafaddeed uu ku saxeexan yahay guddoomiyaha xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo ay kaga jawaabay dhawaaqa xukuumadda ee fidinta gogosha wada-hadal waxa uu u qornaa sidan:-
Waddani communicee