Waddamo Somaliland ku jirto oo Shir dhibaatada tahriibta lagaga hadlay ku yeeshay dalka Talyaaniga iyo natiijada ka soo baxday

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Somaliland, ayaa markii u horeysay lagu marti-qaaday shirweyn waddamo badan isugu yimaaddeen oo lagu qabtay dalka Talyaaniga, kaas oo lagaga xaajooday sababaha horseedka u ah muhaajiriinta qaaradda Afrika uga tahriibaya Yurub iyo qaabka ugu habboon ee lagu xakamayn karo.

Shirkan oo lagu soo gebo-gabeeyey shalay magaalada Sanremo ee dalka Talyaaniga, waxa qaban-qaabidiisa iska lahayd isla markaana dawladda Somaliland ku marti-qaaday Ururka Caalamiga ah ee Mujaahiriinta Adduunka (IOM), waxa lagu lafo-guray khataraha tahriibka, shuruucda Caalamiga ah, sharciyadda badaha, dambiyada ka dhaca badaha ee ay tahriibayaashu la kulmaan iyo sida dadka looga Wacyigelin karo waxyeeladooda.

Shirkii Agaasimaha Guud ka qayb galayDawladda Somaliland waxa shirkaas uga qayb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilka-case), ayaa markii maanta la soo gebo-gabeeyey waxa uu natiijadiisa uga xog-warramay Wakaaladda Wararka ee SOLNA isaga oo ku sugan dalka Talyaaniga.

“Shirkaas waxaa lagu soo bandhigay Xog-ururin laga sameeyay Tahriibka iyo Talyaaniga oo noqday meesha culayska ugu weyni ku dhaco ee soo-galeetiga Yurub u socdaa marinka ka dhigteen,” sidaa waxa yidhi Agaasimaha Guud ee wasaaradda Warfaafinta Somaliland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafintu waxa uu ka hadlay in doorka ay Wasaarad ahaan gudanayaan uu la xidhiidho sidii wacyigelin balaadhan loogu samayn lahaa Bulshada Somaliland oo ka mid aha meelaha ay dhallinyaro badani ka tahriibto iyagoo safar halis ah sii maraya.Waxa uu Agaasimuhu intaas ku daray in dhammaan ergadii ka qayb gashay Shirkaasi ay aragtki siman ka aaminsanaayeen inay tahriibtu tahay khatar ku soo korodhay adduunka loona baahan yahay in xalka laga eego is waafajinta shuruucda kala duwan ee la xidhiidha Muhaajiriinta.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey noociisa ee Xukuumadda Somaliland lagu marti-qaaday si loogu daraaseeyo kaalinta ay dawladuhu ka geysan karaan xakamaynta muhaajiriinta qaaradda Afrika ee u tahriiba Yurub.

SOMALILANDPOST.NET