Waddamada Ugu Qaxoontiga Badan Adduunka Oo La Shaaciyay

Istanbul, (SLpost)- Waddamada Suuriya iyo Agaanistaan ayaa noqday halka ay ka yimaadaan qaxoontiga ugu badan adduunku sannadkii hore, iyadoo tirada dadka ay colaaduhu ay ku qasbeen inay guryahooda ka qaxaan adduunka ay kor u kacday 59.5 milyan, sida ay sheegtay hay’adda qaxoontiga ee qaramada midoobay.

Sarkaalka ugu sareeya UNHCR Antonia Guteress isagoo tilmaamaya waddamada Suuriya, Afgaanistaan, Ciraaq iyo Burundi inaanu rajo ka qabin in sannadkan 2015 ay wax hagaagaan, waxa uu sheegay inay jiraan colaado is-huwan oo cusub, kuwaasoo Suuriya iyo Ciraaq ka dhigay kaalinta koowaad, iyadoo aan xal loo hayn colaadihii hore.

Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa waqti ay Yurub ku hawlan tahay la tacaalida muhaajirihiin kaga soo qulqulaya waddamada Afrika iyo Aasiya.

Hayadda UNHCR ayaa tirada ku qiyaastay 59.5 milyan oo qof dunida oodhan in dagaaladu ay barakiciyeen dhamaadkii sannadkii hore, waxaana ka mid ah 32.2 milyan oo ku barakacay gudaha dalalkooda, taasoo ka sareysa tirada sannadkii 2013-kii oo ay ahayd 51.2 oo qof, tiradaas oo ah tii ugu badnayd taniyo intii ay qaramada midoobay bilawday ururinta tirada qaxoontiga adduunka horaantii sannadkii 1950-kii.

Somalilandpost.net