Waddamada Bariga Afrika Oo Wefti Xaqiiqo Raadin Ah U Diraya Burundi

Arusha, (SLpost.net)- Waddamada bariga Afrika ayaa wefti u diraya dalka ay mudaharaadada rabshadaha wataa hadheeyeen ee Burundi.Burundi

Kulan degdeg ah oo ay yeelan doonaan waddamada bariga Afrika ayaa la filayaa inay ku go’aamiyaan in wefti ka kooban wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalkaas loogu Burundi, halkaasoo banana-baxyo muddooyinkii u dambeeyay ka dhacayay ay ku dhinteen ilaa 10 qof.

Af-hayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Tanzania ayaa sheegtay in weftigaasi yahay mid xaqiiqo raadin ah, ka dibna warbixintiisa uu u gudbin doono madaxda bariga Afrika oo la filayo inay kulan degdeg ah ka yeeshaan xaaladda siyaasaddeed ee dalka Burundi.

Waa markii ugu horeysay ee waddamada bariga Afrika uu wefti isku dayaya dejinta xaaladda siyaasaddeed Burundi uu u dirayo Bujumbura.

Somalilandpost.net