Wadanka Turkiga Oo Beeniyay Inay Aqoonsadeen Baasboorka Somaliland Sidoo kalena Cadeeyay Mawqifkooda Midnimada Soomaaliya

Flag_of_Turkey.svgMuqdisho (SLPOST)=Safiirka wadanka turkiga ujooga  magaalada muqdisho ayaa kulan saxaafadeed u ku qabtay xafiiskiisa  waxa uu kaga hadlay siday dawladoodu uga hortagtay afganbigii fashilmay ee badhtamihii bishan ka dacay dalkaasi isagoo sheegay in falkaasi ay soo abaabulee koox argagiso ah oo magacooda layidhaahdo ‘Feto’ isagoo dawlada somaliyana uga mahad celiyay sidii ay u cambaareeyeen isku daygaas.

Dhankalena waxa uu safiirku waxba kama jiraan ku tilmaamay warkasoo baxay qunsulka turkiga ee magaalada hargaysa kaas oo ahaa in turkigu aqoonsaday baasboorka Somaliland sidoo kalena waxa uu cadeeyay in dalka turkigu ka shaqaynayo sidii uu u midaynlahaa Somalia iyo Somaliland waxaa hadalkiisii ka mid ahaa,safiir

MA AQOONSAN BAASBOORKOODA ,MANA AQOONSAN  SIDAAD LA SOCOTAAN WAXAAN WADNAA HESHIISKII SOMALIA IYO SOMALILAND ,ANAGA SOMALIYA HAL WAJI AYAAN ISKU FIIRINAA,WAXAAN KA SHAQAYNAYNAA IN SOMALIYA WANAAG SANAATO OO AY MID AHAATO.QUNSULIYADEENA HARGAYSA WAXA AY FIISAHA KU BIXISAA WARAAQ  BAASBOORNA LUGUMA QAATO.

 

Sikastaba ha ahaatee dawlada Turkiaga ayaa u tafaxadan sidii ay meel uga tuuri lahayd qadiyada qooni isu taaga Somaliland  oo ka dhalatay dhiigii maatada ee ay daadisay xukuumadii macangaga ahayd ee somaliya .

 

Sidaas oo ay tahay hadana madaxda somaliland waxa ay u bakhoolaan wadnkaasi iyagoo sheega inuu turkigu dhexdhexaadiya u yahay wadahadalada u dhexeeya Somaliland iyo somaliya lamana soo laabtaan wax natiijo ah marka laga reebo qodobo maaweelo ah oon wax macno ah u samaynayn qadiyada shacbigu leeyahay ee sanadkii shan iyo labaatanaad ay dhul sugayaan inay midho dhasho.

SOMALILANDPOST.