Wadamada Sookoraya Oo Loogadigay Dulsaarka Bangiyada Maraykanka

 

US(SLpost)-Bangiga adduunka ayaa u digay waddamada soo koraya inay isku diyaariyaan dhib dhaqaale markii Maraykanka uu kordhiyo lacagta dulsaarka.

Bangiga dhexe ee Maraykanka ayaa qabanaya kulan siyaasada lacagta toddobaadkan, wuxuuna qaadi karaa talaabadiisii ugu horaysay ee lagu kordhinayo dulsaarka Khamiistan, iyadoo hadda uu dulsaarka yahay meeshii ugu hoosaysay.

Dulsaarka Maraykanka ayaa ahaa ebar in kabadan lix sanno, iyadoo dhaqaalaha uu soo kordhayo, bangiga dhexe ayaa huba inuu kordhinayo dulsaarka lacagaha.

Arrintan ayaa walaac ku haysay suuqa lacagaha sanadkoo dhan. Waddamada soo koraya ayay saamayn doontaa markii la kordhiyo dulsaarka. Bangiga Adduunka ayaa warbixin cusub uga digaya in hoos u dhac ku yimaada lacagta soo galaysa waddamada, ay keeni karto hoos u dhac kororka dhaqaalaha iyo deganaansho la’aan lacagaha.