Wadaadka hoggaamiya Kiristaanka Adduunka oo kaga dhawaajiyey Hadal Dunida Reer Galbeedka falaadh ku noqday

Hargeysa (SLpost)- Wadaadka ugu sareeya Mahdabta Kaatoliga ee Diinta Kiristanka, ayaa markii u horeysay ka hadlay weerar 12 Qof ku dhinteen oo koox Dabley ahi ku qaadday Xarunta Wargeyska Charlie oo daabacay sawirro lagu aflagaadeeyey Nebi Muxumad (NNKHA) iyo Diinta Islaamka.

Pope Francis oo saxaafaddu waydiisay sida uu u arko weerarka lagu qaaday Wargeyska Charlie, waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in la kala garan waayo Xorriyatul-qawlka iyo Mudnaanta ay leedahay in la ilaaliyo lana ixtiraamo Diimaha ay dadku Haystaan.

qaqaWadaadka xaruntiisu tahay degmada Vatican-ka ee dalka Talyaaniga, waxa uu arrintan mar uu war-fidiyeennada kula hadlayey magaalada Manila ee dalka Philipines oo uu socdaal ku joogo, waxaanu xannuunka dhacdadan iyo dareen-celinta ay leedahay tusaale ugu soo qaatay isaga oo farta ku fiiqaya Gacan-yarihiisa in haddii uu hooyadii Aflagaaddeeyo uu kaga jawaabayo feedh ama dhirbaaxo uu mudan yahay ninka Hooyadii caayay, taas oo loo fasiray in kooxaha weerarka ku qaaday Wargeyska Aflagaaddeeyey Nebi Muxamed ay ku saxsanaayeen.

Isagoo ka hadlaya weerarkaas waxa uu saxaafada u sheegay in uu difaacayo xaqa iyo xoriyadda madaxbanaanida hadalka iyo cabiraadda oo ah xuquuqda aasaasi ah oo uu aadamahu iska leeyahay, balse waxa uu hoosta ka xarriiqay in xoriyadda hadalka iyo cabiraadu leedahay xuduud tilmaamaysa ilaa xad heerka ay fidsan tahay.

“Waxa jira dad badan oo si xun uga hadla Diimaha, kuwaasi oo ku dheeldheelaya diimaha dadka kale kuna ciyaaraya, waana nasiibdaro,” ayuu yidhi Pope-ku.

Pope Francis waxa uu tusaale u soo qaatay, “Haddii kani (gacan-yarihiisa) uu caayo hooyaday markaasi waxa uu sugaaba waa inaan feedh ku bilaabo, ruux ma aflgaadayn karo diinta dadka kale, ruuxna kuma dheeldheeli karo diimaha,” ayuu yidhi Pop-ka oo warbaahinta reer Galbeedka siyaabo kala duwan u qaadaa-dhigtay hadalkiisa, iyaga oo ku micneeyey in hadalkiisu ka dhigan yahay in koooxaha weerarka ku qaaday xarunta Wargeyska ay ku saxsanaayeen fal-celinta ay ka sameeyey aflagaaddada loo geystay Nebi Muxumad.

Hadalka Wadaadka hoggaamiyaha Mahdabta Catholic ee Kiristaanka, ayaa ku soo beegmaya iyada oo dunida Islaamka intiisa badan ay maanta ka dhacayeen mudaharaaddo lagaga soo horjeedo sawirro lagu aflagaadaynayo Nebi Muxamed (NNKHA) oo uu shalay daabacay Wargeyska Charlie ee 12-ka qof lagu dilay. Waxaana arrintaas cambaareeyey madaxda dalalka Islaamka intooda badan, sida boqorta dalka Urdun, madaxweynaha Turkiga, wasiirka Diinta iyo Awqaafta dalka Pakistan iyo Culimada Islaamka intooda badan.

Somalilandpost.net