”Wadaaddu beerka xaydha leh way cunaane, Ilaahay maad ka yaabtaanoo na siisaan?”

 

Mid suufi ah ayaa beri safar galay, sida la soo wariyey. Sheekh wayn oo laga barakaysto iyo mid yar oo soo alaamiitayna toona muu ahayn ee arday ayuu ahaa. Mawliidka iyo shallaadka iyo ammuurahaa wali muu gaadhin laakiin farsamada wuu hayey. Laba habeen iyo laba maalmood, afartaa caana maal ayuu sii socday oo lugaynayey. Sidan iminka dadku u baaba’eenee jaadku u dishoodayna raggu ma ahayne hilib cun iyo caano dhan ayey ahaayeen dadkii hore. Maalin saddexaaddii isaga oo aan waxba ku noolayn, ayuu ku soo baxay reer Alla baryaya. Odaygii reerka dambaabayey oo beri hore Allaystay ayaa la xusay oo loo ducaynayey. Markii uu soo gaadhay ee uu xaaladdii indha-indheeyey ayuu gartay caawa halkan in ay ka bisishahay. Dabadeed, intuu dib u gurtay, ayuu kayn guriga u dhawayd xagga shisha ka maray. Kiish yar oo uu sahay iyo waxoogaa calal ah ku sitay ayuu furay. Khamiis ayuu kala soo baxay iyo cumaamad, oo daf isa siiyey. Kitaab yar oo waxa ku qoran uu isagu uun akhriyi karana wuu kala soo baxay. Saacaddaa laga bilaabo, sidaas ayuu ku yahay wadaad wadaad aan dabadii la hadlin. Reerkuna, waa meel Ilaahay ninkan wax ka arsaaqayaaye, maba ay haysan cid mawliidka ugu dhufata, wadaadkii beeshuna wuu maqnaa. Soomali waad taqaane, khamiiska markii ay arkeen ayey hor boodeen oo la yidhi wadaadka ha la soo dhaweeyo, waa laylatal khadare.

Markii hilibkii iyo bariiskii laga dhergay, ayuu ula soo kala baxay. Suugaanta ayuu ku wanaagsanaa baa la yidhoo wax buu isku toostoosin jiray wadaad la moodka yari. Wixii ay yaqaaneen uun buu uga dhigay shallaad caynkiisii ah.

”Wal baastadii wal bariiskii calal tamaandho gurgurtii,
Wal biyihii wa kildhigii calal xawaashi sonkortii,
Wal riyihii wa idihii calal baraari maqashii,
Wal qudhacii wa sogsotii calal maraa’i qudhacii,
Wal diracii wa googaraddii calal furaashi barkintii”

Dam dam dam, salliga Nebiga iyo sacabka giijiya. Allaaa! Dhididka dadkii ka dhacayaa ma waxbaa, waa la qiirooday. Islaamaha shaaha laba dhigaya, afada cadarka furcaddaha la boodaysa iyo gashaantimaha mushxaradayaa kala daran. Sidii bahashii meel macaan u maraysay, ayuu, illayn waa ninkaa aan waayo-aragga ahayne, labadiisii kabood, oo meel uu ka arkayo soo dhigtay, saa waa musaafur oo daba-ka-warwar ayuu qabaaye, mid la taabtay kabihii – calashaan kabbaa laga xaday. Isaguna geerkii shallaadka ee uu tiriiga ku waday ayuu ka beddelay oo foor ugu tuuray.

”Marxabbay maarxabbay kabtaydii,
Marxabbay maarxabbay tii halkaa taallay,
Marxabbay maarxabbay waa la taabtay”

Dadku maba ay fahmayn ”maraxabbay maarxabbay” waxa ka dambeeya ee ninba waxbuu iskaga buuxsanayey; mid yidhaahda kubkayga iyo mid yidhaahda kurkayga. Ninyahow, anna waxbaan is idhi sameeyoo, wax noocaas oo kale ah ayaan malmalluuqay, laakiin iminka indhaha ayaa innagu badane waa inoo mar kale.

Khadar Cabdi Cabdillaahi
Bahda Hiil Qalin