Wadaaddada Diinta ee Ruushka oo sababeeyey Dhagxaan Cir ka-soo-dhaceen ah oo Khasaare Geystay

Moscow (SLpost)- Ku-dhawaad Dad tiradoodu gaadhayso Kun qof oo laba boqol oo Carruur ahi ku jiraan oo badankoodu ku nool yihiin gobolka Chelyabinsk ee dalka Ruuska, ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaadheen Dhagxaan boodh iyo holac wata oo cirka ka soo daatay gelinkii hore ee Jimcihii maanta.

Dadka ku dhaawacmay dhagxaanta cir-ka-soo dhaceenka ah, ayaa intooda badani ku waxyeelloobeen muraayada daaqadaha guryahooda, waxaanay sidoo kale khasaare ka soo gaadhay in ka badan 3000 oo guri, sida ay sheegeen saraakiisha gobolka Chelyabinsk.

Masuuliyiinta saadaasha hawada ee dalka Ruushka, ayaa dhacdadan ku sheegay mid dabiici oo meelo badan oo adduunka ka tirsan lagu arko, kuna timaadda xaaladaha hawada ee dalalka ku dhereran kuleylaha Woqooyi ee adduunka.

jHaseyeeshee, qaar ka mid ah wadaadda Diinta Kiristanka, gaar ahaan mahdabka Orthodox, ee dalka Ruushka, ayaa dhacdadan ku tilmaamay farriin Eebbe ugu digayo bani’aadamka.

Wadaadka ugu sarreeya Kiniisadaha gobolka Chelyabinsk oo lagu magacaabo Zlatoust Feofan, ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay. “Sida aanu ku hayno Kutubta, masiibooyinka dabiiciga ah ee dunida ka dhaca, waa farriimo uu Illaahay digniin ugu diro Bani’aadamka.

Waxaan filayaa inaanay dhacdadani gaar u ahayn dadka ku dhaqan gobolkan, laakiin waxa ay ku socotaa bani’aadamka oo dhan, dhagxaantanina waxa ay ina xusuusinayaan inaynu ku nool nahay adduunyo sii dhammaanaysa,” ayuu qoraalkiisa ku sheegay wadaadkaasi, waxaanu intaas ku daray baaq uu dadka ugu jeediyey inay istaageeraan, Illaahayna caabudaan.

SOMALILANDPOST.NET