Wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya oo la muddeeyey

Maxamed Biixi YoonisHargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa tafaasiil ka bixiyey natiijada shir gogol-xaadh u ah wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya oo magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku dhexmaray Madax ka socotay dawladda Soomaaliya, kaas oo lagu jaan-gooyey ajandayaasha lagaga wada-xaajoon doono wada-hadallada labada waddan oo la filayo inay dhowaan ka furmaan dalka Turkiga.

Shirkan oo dawladda Turkigu goob-joog ka ahayd isla markaana ay labada waddan uga qaybleen midkiiba laba xubnood, waxa dhinaca Somaliland uga qayb-galay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxaana lagaga wada-hadlay ajandayaasha lagu soo qaadi doono wejiga shanaad ee wada-hadallada labada waddan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis oo maanta war-fidiyeennada kula hadlayey magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in shirkaasi is-garad ugu dhammaaday isla markaana lagu muddeeyey wada-hadaladii labada waddan wakhtiga ay qabsoomayaan oo uu sheegay in laysla qaatay 15-ka bisha January ee sannadka soo socda inay ku qabsoomaan dalka Turkiga muddo laba maalmood ahna wada-hadalku socon doono.

HALKAN KA DAAWO