Wada-hadalladii Dhinacyada Siyaasadda Yemen Uga Socday Geneva Oo Burburay

Geneva, (SLpost)- Wada-hadalladii dhinacyada isku haya Yemen ee ka socday caasimadda Switzerland ee Geneva oo burburay, iyadoo wasiirka arrimaha dibadda ee dawladda Yemen ee reer galbeedku taageeraan uu cambaareeyey wakiilka Xuutiyiinta oo qaadacay inay kulmaan is-horfadhiistaan.Yemen foreign minister

Wasiirka arrimaha dibadda Riad Yassin oo shalay la hadlay Al Jazeera ayaa sheegay in isaga iyo weftigiisuba ay u qorsheysan tahay inay ka baxaan wada-hadalka, isla markaana ay maanta oo Sabti ah u duulayaan Sucuudiga.

“Ilaa waqtigan oo aanaan weli gaadhin wax heshiis ah, waa nasiib-darro, iyadoo Xuutiyiintu aanay waxba qabanin ama aanay buuxinin shuruudihii wada-hadalka.” Ayuu yidhi wasiir  Yassin.

Somalilandpost.net