Wada-hadallada U Dhexeeya Taalibaan Iyo Dawladdaha Pakistan Iyo Aghanistan Oo Burbur Looga Baqayo

Islamabad, (SLpost)- Dalka Pakistan ayaa waxa cabsi laga qabaa inay fashilmaan wada-hadallada dhawaan ay dawladaas iyo Afghanstan ay la galeen Taalibaan.Mullah Mansor

Kooxda ayaa hadda u muuqata inay laba garab ay u kala jabtay, ka dib markii golaha sare ee Taalibaan ay sheegeen inaan lagala tashan doorashada hogaamiyaha cusub ka dib markii uu dhintay Mullah Cumar.

Farriintii ugu horeysay ee cod ah ee uu soo duubo hogaamiyaha cusub ee Taalibaan, Mullah Akhtar Mansour, waaxa uu ku sheegay inay tahay olole dacaayad ah, wada-hadallada nabadda ee uu sheegay inay wadaan wax uu ku tilmaamay cadawga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in Taalibaan ay sii wadi doonto Jihaadka.

Mullah Mansour ayaa la aaminsanaa inuu taageerayay wada-hadalladii dhawaan ay dawladda Afghanistan iyo hogaamiyeyaasha Taalibaan ay ku yeesheen Pakistan bishii la soo dhaafay.

Waxay wararku sheegayaan in hadallada Mullah Mansuur hadda ka soo yeedhay ee nabadda ku baaqaya ay calaamad u yihiin sida uu u doonayo inuu taageero uga helo qeyb ka mid ah kooxda oo kasoo horjeedsatay wada-hadallada, si uu u xejisto hogaanka cusub ee loo doortay.

Shiinaha iyo Mareykanka oo kulamadaasi riixayay ayaa waxa ay sheegayaan inay weli rajo ka qabaan in kooxdu ay ka qeybgali doonto wada-hadalka Jimcaha soo socda.

Dowladda Pakistan oo dhankeeda ka faa’iideysanaysay kulamada oo wejigii koowaad dalkeeda lagu qabtay ayaa weli rajo ka leh in kooxdu ay aqbaleyso shirarka.

Sida ay BBC-du qortay garab ka mid ah Taalibaanka Afghanistan ayaa waxay ka soo horjeedaan Mullah Mansuur oo ay uga shakisan yihiin inuu u nugul yahay wax ay ugu yeedheen cadawga Taalibaan.