(Marka runta laga hadlayo, culayska arimaha laga wada hadlayo iyo Wasiirada Somaliland iyo Soomaaliya u soo dirteen wadahadalka aad iyo aad ayey u kala miisaan weyn yihiin .)
Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,waxaa qayb muhiim ah ka qaadanaya Shuruucda amase Dastuurada (Axdi qarameedyada ) ay kula dhaqmaan labada waadan .Qaybtana waxaan idiin idiinklu soo gudbin doonaa qaar ka mid ah qodobada ugu adag Dastuurada Somaliland iyo Soomaaliya,kuwaas oo aan isleeyahay waxay caqab ku yihiin wada hadal kasta oo dhexmara Somaliland iyo Soomaaliya,waxaana ka mid ah:-
Dastuurka Somaliland:-
(Dastuurka Somaliland ,waxaa Shacabka reer Somaliland cod buuxa ku ogolaadeen May 2001,waxaa ogolaaday in ka bada 95%,qoodobadiisa waxaa ka mid ah :-
QODOBKA 1AAD
QARANKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
1. Dalkii Maxmiyadda ahaa ee 26kii Juun 1960kii gobanimadiisa ka qaatay Boqortooyadii Midowday ee Ingiriiska iyo Waqooyiga Ayrland (United Kingdom of Great Britain and Northern Ireland), lana odhan jiray Maxmiyadda Somaliland, kuna biiray Soomaliya 1dii July l960kii si ay u wada curiyaan Jamhuuriyadda Soomaaliya [Somali Republic] ee kula soo noqday gooni-isu-taagiisa Go’aankii Shirkii Beelaha Somaliland ee Burco 27kii April ilaa 15 May l99lkii, waxa uu halkan ku noqonayaa sida waafaqsan Dastuurkandal madax bannaan oo leh xaqa iyo karaamada Qaranimadusa, kuna magacaaban “Jamhuuriyadda Somaliland”.
2. Awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga; wuxuuna u adeegsanayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale.
QODOBKA 2AAD
DALKA JAMHUURIYADDA SOMALILAND
1. Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed (Area) ahaan dalkii Ia odhan jirey Maxmiyadda Somaliland oo tilmaan ahaan ku yaalla dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30′ Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45′ ilaa 490 Bariga; waxaanay soohdimihiisu ka kooban yihiin berriga1 jasuradaha, biyaha gobolleed, dhulka iyo badaha hoostooda, hawada sare iyo xeebleyda (Continental shelf).
2. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad Ia wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti.
3. Dhulka Qaranku waa muqaddas; waana laguma xad gudbaan.
QODOBKA 3AAD
MAGALO-MADAXDA
Magaalo-madaxda Jamhuuriyadda Somaliland waa Hargeysa
QODOBKA 7AAD
CALANKA, ASTMNTA & HEESTA QARANKA
1. Calanka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ka kooban yahay saddex midab oo isle’eg oo ballaadh u goglan. Midabka sare waa Doog, dhexdiisana ay ku qoran tahay Laa-llaaha llla-Lahu Muxamedu Rasuul-Allaah oo Far-Carabi ah, oo midab cad ah; midabka dhexe waa caddaan ay badhtanka kaga taallo xiddig madow oo shan geesley ah, madaxyo simanna leh; midabka hoose waa casaan saafi ah.
2. Astaanta Qaranku waa Galaydh Bunni ah oo ay laabta kaga qoran tahay “ALLAAHU AKBAR” oo Far Carabi ah; kuna taagan laba gacmood oo is-gacan qaadaya, miisaana ka sarreeyo ay labadusa kafadood hareeraha Galaydhka ka laalaadaan. Laba caleemood oo doog ah ayaa hoosta iyo hareeraha kaga wareegsan Galaydhka; labada caleemood baarkooda inta u dhaxaysa waxa ku qoran “Bisinka” oo Far Carabi ah.
3. Heesta Qaranku waa mid muujinaysa bartilmaameedyada Dastuurka,caqiidada ummadda, hab-dhaqmeedka wadatashi; waxanay yeelanaysaa miyuusik u gaar ah oo ka duwan kuwa dalalka kale; waxaana lagu soo saarayaa xeer.
4. Wax-ka-beddelka ama bedelaadda calanka, astaanta, iyo heesta qaranka, waxa jidaynaya go’aan Golaha Wakulada.
DastuurkaSoomaaliya:-
Soomaaliya waxaa ilaa maanta laga dhaqmaa Dastuuro ay ka mid yihiin kii 1960kii,kii Embagatti, iyo Dastuurka federalka (qabyo qoraalka ) oo sanadihii ugu dambeeyey howshii iyo murankiisuba socdeen,ilaa hadda aan la ogeyn in la ogolaan doono iyo in la diidi doono.Qodobada ugu horeeyana waxaa ka mid ah:-
Qodobka 4aad – Gobannimada Jamhuuriyadda
1. Soomaaliya waa Jamhuuriyad Federaali ah oo gob ah, kuna dhisan matilaad dadweyne loo dhan yahay oo dimoqraaddi ah.
2. Shacbiga Soomaaliya waa hal, lamana kala qaybin karo.
3. Gobannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya waa muqaddas laguma-xadgudbaan ah.
Qodobka 6aad – Astaanka Qaranka
1. Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu muujiyay qaybta A ee jadwalka koowaad, waalaydi buluug furan ah oo dhexda kaga taal xiddig cad oo shangees ah, madaxyo simanna leh.
2. Astaanta Jamhuuriyadda Soomaaliya, sida lagu muujiyey qaybta B ee jadwalka koowaad, waxay ka kooban tahay gaashaan buluug ah oo leh xiddaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shangees ah oo dheeh qalin ah leh. Gaashaanka dushiisa waxaa ku yaal rurkumo carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo dahabi ah oo labada geesba ku yaalliin ay kala qaaran yihiin. Hareeraha waxaa ka haya laba shabeel oo isu tusmaysan, kuna kala taagan labo waran oo isku weydaarsan caaradda hoose ee gaashaanka, ayna weheliyaan laba caleen-cawbaar, diillin cadna ay ku qoofalan tahay.
3. Sharci gaar ah ayaa laga soo saarayaa Heesta Qaranka.
4. Sharci gaar ah ayaa laga soo saarayaa billadaha sharafta.
5. Baarlamaanka ayaa soo saaraya sharciga maamuuska ay mudan yihiin calanka, heesta qaranka iyo billadaha sharata ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya.
Qodoboka 7aad Dhulka Dowladda
1. Gobannimada Jamhuuriyadda soomaaliya waxay koobeysaa dhulka Jamhuuriyadda oo idil, oo ay ku jiraan berriga, jasiiradaha, biyaha goboleed, ururkooda, hawadooda iyo geyi-qaaradeedka.
2. Dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya waa laguma xad-gudbaan lamana qaybin karo.
3. Guddoon afti Qarameed oo keliya ayaa lagu oggolaan karaa waxkabeddelidda dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Qodobka 8aad – Magaalo Madaxda Qaranka
1. Muqdisho oo loo yaqaanno Xamar waa Magaalo Madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya. Maqaamkma Magaalo madaxdu ay ku leedahay qaabdhismeedka federaalka ee Jamhuuriyadda wuxuu ku xusan yahay Cutubka 7-aad ee Dastuurka.
“GOONI ISU TAAGA SOMALILAND WAA MUQADIS”
“MIDNIMADA SOOMAALIYA WAA MUQADIS”
Haddal iyo dhamaan Dastuurada Somaliland iyo Soomaaliya ,waxay sii adkeynayaan wada hadal iyo isu soo dhowaansho kasta oo dhexmari lahaa Somaliland iyo Soomaaliya.
ALLAA MAHAD LEH
———–la soco qayb ta dambe —–
ALLAA MAHAD LEH
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Political Analyst