Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya – Qaybtii 1aad

(Somaliland waxaa ka muuqda  deg deg aad u weyn,kaasoo u muuqda in uu la mid yahay kii 1960,lagu waayey xoriyadii)

“Aynu wada hadalo–waa aynu heshiino,  wada hadalku waa habka ugu fudud ee lagu dhameeyo mushkiladaha dhex mara baniaadanka ku nool dunidan guudkeeda.Marka laga hadlayo  erayga wada hadal,wuu noocyo badan yahay,laakiin kan hadda aynu ka hadlayaa waa “wadahadka Siyaasadeed” (political dialog)oo dhex maraya labada wadan ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Guud ahaan ummadda ku abtirsata  magaca Soomaali,waxay hide iyo dhaqan soo jireen ah u leedahay wada hadalka,waa habka ugu fudud ee ay isku afgarato,waa habka ugu wanaagsan ee ay ku  xaliso dhamaan noocyada khilaaf ee soo kala dhex gala,Somaliland iyo Soomaaliyana way ku saxsan yihiin in ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafka Siyaasadeed  eev ka dhexeeyey in ka badan 21 sanadoon,waa wado sax ah,laakiin mar kasta ogsoonoow khilaafkani waa mid Siyaasadeed,wuxuuna leeyahay wejiyo aad aad u kala duwan  ,aad u kala fog,oo intooda badani qarsoon tahay.

Shirkii London:-

Go,aanadii ka soo baxay Shirkii ka dhacay London 23 Feb 2012 ,waxaa ka mid ahaa Qodobka 6aad  oo dulucdiisu ahayd in ay Soomaaliya iyo Somaliland ,wadahadal Siyaasadeed yeeshaan,Q6 ma sheegayn xilliga ay wada hadlayaan,meesha ay ku wada hadlayaan, waxa ay ka wada hadlayaan iyo cida goob joog ahaan uga qayb qaadanaysa wadahadalka midna

Shirkii  Feb 23 dii 2012 , London  loogu qabtay dhamaan  Dowladaha iyo Maamulada  ka jira dhulkii hore Soomaaliya laysu odhan jiray,markii uu dhamaaday  isla maalintii 23kii Feb ,waxaa laga soo saaray war murtiyeen ka kooban 26 qodob lana odhan karo  dhamaantoo waxay ahayeen  qaar quseeya guud ahaan dhulkii Soomaaliya laysku odhan jiray  xilliyadii hore.

Dhamaan  ergooyinkii ka qayb galay Shirka oo ka kala socday Soomaaliya , Somaliland, Puntland, Galmudug iyo Ehlu Sunna Wa Jamaaca, dhamaan waxay muujiyeen farxad iyo rayn  rayn badan,waxay dhamaantood ku celceliyeen in Shirkii  London ka dhacay ay guulo waaweyn,wax ku ool ah,la taaban karo,waxtarweyn u leh bulshadooda ay ka soo hooyeen,kalana soo guryo noqdeen,waa lagu soo dhoweyeey,waana loogu  dabaal degay dhamaantood.

Haddaba waxaan intii ka dambaysay 23 kii Feb ,aad iyo aad  u isu deyey in aan xog buuxda ka helo,sababta  cid kasta oo Shirkii London ka qayb gashay ay u sheeganayso in ay guul weyn ka soo hoysay,waxaa doonayey in aan ogaado  bal noocyada guulaha  Shirka ka soo baxay,waxaan la sheekaystay shaqsiyaad dhowr ah oo  runtii waayo aragnimo weyn u leh xalada siyaasaeed ee Geeska Afrika  xilligan.Marka laysku soo wada duubo guulaha   cid waliba ka  sheegtay  Shirkii London  23.Feb 2012  waxaa lagu soo koobi karaa :-

  1. Somaliland:-

Somaliland waxaa  loo sheegay,,si fiican loogu tilmaamay wadada ay u marayaan,halka laga helayo ee uu yaalo  aqoonsigii 21 sanadood  ay  badi doonka  ugu jiray.Waxaa loo tilmaamay wado dhow oo ay u mari karaan  aqoonsi buuxa iyo  midnimo Soomaaliweyn hadba kii ay doonayaan,waa sababta keentay in Waftigii Somaliland uga qayb galay Shirkii   23 Feb 2012 ka dhacay  London ay  inoo sheegaan in ay ka soo hooyeen guulo waaweyn Shirkaa, laakiin  Waftigii Somaliland  may fahmin in Soomaaliya la siiyey,gacanta loo geliyey  awood  aad u weyn oo  aanay hore u haysanin “taas oo ah in aqoonsigii Somaliland ay iagu hayaan”.

  1. Soomaaliya:-

Soomaaliya iyana  waxaa si fudud oo Siyaasadeysan loogu tilmaamay ,wada ugu dhow ee ay u mari karaan  midnimada Soomaaliya ee ay had jeer ka dhawaajiyaan in ay tahay mid “muqadis ah”,,waxaa Soomaaliya la tusay in aqoonsigii Somaliland ee ka soo horjeedeen uu gacmahooda ku jiro,waa sababta  keentay  farxada iyo  dabaal  degii ka dhacay Muqdisho,waa sababta keentay in ay  sheegtaan in ay guulo  la taaban karo ka soo hooyeen Shir London ka dhacay 23.Feb2012 .

2.1 Puntland/Galmudug/Ehlu Suna Wajamaac:-

Waa run oo  saddexda Maamul ee Puntland,Galmudug,Ehlu Sunna  waxay ka soo hooyeen guulo aad u waaweyn Shirkii  lagu qabtay London 23 Feb 2012,waxaana ka mid ah guulahaas:-

  1. Waxay ku qasbeen Dowlada TFG,in ay garab fadhiistaan Shirarka Caalamiga ah ee ay ka qayb gelayso,si ay  indhaha ugu hayaan heshiis kasta oo ay gelayso.
  2. Waxaa  la meel mariyey heshiiskii ,hirgalay dhamaan qodobadii   Shirkii  Garoowe,taasina waxay guul  weyn u tahay Maamulka Puntland.
  3. Waxay magacoodii gaadhsiiyeen,oo ay isbarteen   Dowladihii  shirka ka soo qayb galay.
  4. Waxay gudihiisa galeen N0.10 Down street,halkaas oo ay ku kulmeen Raiisal Wasaaraha Dalka Ingiriiska,runtii waxay u hayd fursad qaali ah iyo guul weyn oo u soo hoyatay.

Isku soo wada duub oo Somaliland waxaa loo sheegay in  aqoonsigooda ay ka  baryaan Soomaaliya,Soomaaliyana  waxaa loo sheegay in ay awooda aqoonsiga Somaliland uu gacantooda ku jirto, waxaa odhan karaa waxaa la siiyey awood weyn oo aanay hore u ogeyn.

La soco  qaybaha dambe oo ay sii fiicaan uga hadli doono   wada hadala Soomaaliya iyo Somaliland.

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

Political Analyst

abdi_saleiman@hotmail.com