(Gooni isu taaga Somaliland waa muqadis iyo Midnimada Soomaaliya waa muqadis,waa labada qodob ee ay isula imanayaan laba wafti ee Somaliland iyo Soomaaliya.)
Tanaasulka (Compromise):-
Isu tanaaulka waxaa loola jeedaa isfahan dhex mara labada garab ee wada hadlaya,waxaa loola jeedaa in go,aan laga gaadho qodobada lagu kal duwan yahay,waxaa loola jeedaa in ay isu soo debcaan labadii garab,dhinac isaga riixaan wixii ay ku kala duwan yihiin.
Qaybtan aynu kaga hadlayno “isu tanaasulka “,waa qaybta ugu adag wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya,waa qodobada keeni kara in la heshiiyo iyo in lagu kala kaco wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, waa meelaha loo baahan yahay in aad iyo aad looga taxadiro,waa meelaha u baahan in ay rogrogaan shaqsiyaad aqoon iyo waayo aragnimo fiican u leh Siyaasada Soomaaliya iyo tan Geeska Africa,waa qoodobada aad guul waarta kula soo noqon karto shacabkii ku dirtay amase guul daro aanad ka soo waaqsan.
Qodobkan tanasulku waa furaha is afgarashada labadii dhinac ee wada hadlayey, haddii uu tanaasul yimaadana qodobka ku xigaa waa in aynu heshiis rasmi ah kala saxeexano,halkaasna waxaa ku dhamaanaya dhamaan wixii la kala tirsanayey,la kala tabanayey,kala haystay iyo dhamaanba xurgufihii jiray.
Qodabada tanaasulkoodu aad u adag yihiin waxaa ka mid ah:-
- “Gooni isu taaga Somaliland waa muqadis iyo Midnimada Soomaaliya waa muqadis”—labadan keebaa laga tanaasulayaa, ma Somaliland baa tanaasulaysa mise Soomaaliya ?
- Wixii dhib soo kala maray Somaliland iyo soomaaliya 1960 ilaa 1991 sidee looga wada hadlayaa,yaa ka bixinaya garowsho ma shicibka mise Dowladaha hadda jira ?
- Federaalka maxaa loola jeedaa ma Somaliland iyo Soomaaliya ayaa federal nooqonaya mise Koofurta Gaalkacayo iyo Woqooyiga Gaalkacayo ?,Jowhar iyo Marka,Bedelweyn iyo Dhuusa-ma reeb iwm
- Ma Somaliland iyo Soomaaliya ayaa wax loo qayb sanayaa mise 4.5 amase 5 ?
- Astaamaha Qarannimo sida “ Dowladnimada – Shuruucda- Jinsiyada – iyo dhamaan astaamaha ay leeyihiin laamaha Dowladu, suaashu waxay tahay ma waxa la qaadanayaa Astaanta Somaaliya mise Astaanta Somaliland ?
- Gobolada dalka ,misa gobol ayuu dalku noqonayaa ,xagee Caasimad u noqonaysa,shuruucda Caasimada,markaa Somaliland ma 6 gobol bay noqonaysaa mise 2 Gobol iwm ?
- Hayadaha sharciga sida Baarlamaanka iyo Maxkamadaha sidee loo qaybsanayaa ma Somaliland iyo Soomaaliya mise si ka duwan ?
- Awooda Dowlada –Madaxweynaha –Ku xigeenka—Gudoomiyaha Baarlamaanka –Maxkamadaha— Ciidamada— Wasaaradaha muhiimka ah side loo kala qaadanayaa ma Somaliland iyo Soomaaliya mise si kale oo ka duwan ?
- Mashaariicda horumarinta side loo qaybsanayaa ?
Intaas oo qodob iyo runtii qaar kale oo badani waxay u baahan yihiin shaqsiyaad aqoon dheer u leh sidii loo rogrogi lahaa,waxaa aad iyo aad u adag sida tanaasul looga samayn karo , waana qodobada ugu adag wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya.
Hadal iyo dhamaan dad badan ayaa qaba in ay fudud yihiin wada hadalada dhexmari doona Somaliland iyo Soomaaliya,dad badan ayaa qaba in ay si fudud ku dhamaan doonaan,dad badan ayaa aaminsan in aanay muhiimba ahayn qodobadan aan ka hadlayaa,qaar waxay rumaysan yihiin haddii Soomaaliya hagaagto in Somaliland si dhaqso ah ugu soo biiri doonto Soomaalida kale –ILLAHAY ayuun baa og sida arimuhu ku dhamaan doonaan.
—–La soco qaybta ugu dambaysa ee Somaliland iyo Soomaaliya maxay ku kala duwan yihiin—
ALLAA MAHAD LEH
———–la soco qayb ta dambe —–
Abdi M. Saleiman (Mingiste)
abdi_saleiman@hotmail.com
Political Analyst