Wada hadalka Somaliland iyo Soomaaliya – Q. 6aad –W/Q: Mingiste

(Marka runta laga hadlayo, culayska arimaha laga wada hadlayo iyo Wasiirada Somaliland iyo Soomaaliya  uga qayb gelaya  wadahadalka    aad iyo aad ayey u kala miisaan  weyn yihiin .)

Marka laga hadlayo wada hadalo dhex maray  laba Ummaddood  ama laba Dowladood  waxaa jira qaar tusaalle loo soo qaato. Qaybtan waxaan jecelahay in  ku soo qaato,qaar ka mid ah wadamada  amase Dowladaha  ugu caansan dunida  ee ay wada hadalo dhexmareen   iyo weliba hadaladii ay yidhaahdeen   hogaamiyayaashii  Wadamadaasi,kuwa ugu caansana waxaa ka mid ah:-.

  1. Madaxweynihii Masar :-Madaxweynihii  hore Dalka Masar Md. Anwar  Sadat  –wuxuu yidhi  mar uu la hadlayey Baarlamaanka (Knesset) wadanka  Isreal  :-“lacagta aynu hubka  ku soo iibsano, waxaa fiican in aynu ku iibsano qalabka caafimaadka iyo qalabka Beeraha”. “ In aynu colaad ku wada noolaano waxaa ka fiican ,in aynu nabad ku wada noolaano. “Inaga ayaa heshiin karna—ee ma jirto cid kale oo ina heshiisiin kartaa”  “ Nabad ayaa idiinku imid  ee idina iga aqbala nabada aan sido”

“ Idinkama yeelayno in aad sii haysataan taako ka mid dhulka reer Masar”

  1. Madaxweynihii  South Africa:- Madaxweyihii hore  ee dalka South Africa Md.Nelson Mandela  wuxuu yidhi—“ Dadka cadaanka ah ee ku dhaqan  South Africa, waxay jeclahaayeen Midab kala sooco ,anaguna waan ka soo horjeednay,waanu diidnay”  “anaguna waxaanu doonaynaa in Demuqraatiyada  lagu kala baxo,laakiin cadaanku ma ogalayn sababtoo ah waxay ogaayeen in guushu anaga na raacayso”  “Waxaa  doonaynay in  aanu si nabad ah ugu wada noolaan South Africa,horumarka  shacabkayagana ka  wada shaqayno”.  “ Waxaanu ugu dambayntii isla garanay haddii aanu  nahay  Ummadda reer South Africa,ee midabada kala duwan leh,in  dantu tu ku jirto wada noolaasho iyo nabad waarta”
  2. Hogaamiyii hore ee reer   Palestine (Falastiin) :-Hohaamiyii hore ee Falastiin Md. Yaser  Arafat  wuxuu yidhi —  “ Israel waxay diidan yihiin in ay   ka kacaan dhulkii ay sida shrci darada ah ku qabsadeen —“Isreal waxay diidan tahay  in ay bixiyaan wixii ay geysteen”,–Waxay Israel diidan tahay in aanu noqono, laba dal oo deris ah,kuna wada nool Bariga dhexe”—“ Marka aanu wada hadlayno Isreal (Yuhuuda),waanu ognahay in aanu wada hadlayno Wadanka dunida ugu xooga weyn oo U.S.A” “Haddii cida wada hadlaysaa ay yihiin Isreal iyo Palestine , beri hore ayaanu heshiis gaadhi lahayn—- waa nalagu dhex jiraa”.
  3. Madaxweynaha Isreal :-  Madaxweynaha  Isreal Shimon Peris  wuxuu yidhi —“ nabada  Isreal iyo Palestine  ay raadinayaan– waxay saran tahay Buur  aad iyo aad u dheer  dusheeda – anaga iyo reer Palestine  qolaba dhinac ayey ka koraysaa ,si  nabada looga soo qaado Buurta dusheeda–  marba  qaar inaga mid ah ayaa soo dhacaya ,iyagoon  aan gaadhin halkii nabadu taalay—waxaan rajeynayaa in aynu maalin uun gaadhi doono”  —“Isreal nabad bay rabtaa , Palestina nabad bay rabtaa laakiin haddana waxbaa naga qaldan—waanu garanaynaa ee waanu is yeelyeelaynaa”!!!
  4. Madaxweynahihii hore ee Cuba :- Madaxweynihii hore ee dalka Cuba Md. Fidal Castro ,mar la weydiiyey   “Haddii uu la kulmi lahaa Madaxweynaha Mareykanka,Wasiiradiisa  Arimaha Dibada,Gaashaandhiga  iyo la taliyaha Amaanka  wuxuu yeeli lahaa,wuxuu ku jawaabay —-“marka hore waan soo dhoweyn lahaa , waanu wada fadhiisan lahayn ,shah ayaanu wada cabi lahayn—inta aanu shaaha  cabayno waanu kaftami lahayn—markaanu Shaaha dhamaysano waxaanu shidan lahayn  –Sigaarka Cuba caanka ku tahay—intaa ka dibna waxaanu ka wada hadli lahayn  dantii ay iigu yimaadeen” “ Shacabka Cuba ayaa doortay sida ay u noolaanyaan—Maraykankuna nooma sheegi karo sida aanu u noolaanayno”.
  5. Wasiirkii hore ee Arimha Dibada ee USA:- Wasiirkii hore ee arimaha dibada   wadanka Maraykanka Md.James Baker  mar la weydiiyey sababta Bariga dhexe nabad waarta  loo waayey ,wuxuu yidhi “Anaga iyo dunida Carabta inteeda badani waxaanu isla fahmi weyna labada eray ee “ARGAGIXISO  IYO XAQ U DIRIR– waxaanu   ARGAGIXISO u naqaano ,wadamada Carabta qaarkood waxay u yaqaanaan   XAQ U DIRIR”–  halkaas ayaa ugu adag oo aanu is fahmi waynay—waan hubaa haddii  eraygaa anuu isla fahmi lahayn in aanu hore u socon lahayn. —  “Marka aan wada hadal ka qayb galayo waxaan jecelahay in  aan  marka horeba garanayo wixii aan doonaayey,– waxaan la soo tashaday Dowladayda ,–waa in aan  go,aan qaadan karo—ma jecli in aan marba Telefoon diro amase  dib ugu noqdo  Washington”—“ Waxaan sii ogaadaa  shaqsiyaadka iga soo horjeeda ,aanu wada hadlaynaa kuwa ay yihiin—aqoontooda –Siyaasadooda—waxay aaminsan yihiin  sida ay u fahansan yihiin waxa aanu ka wada hadlayno iwm—-Tariq Aziz (Ciraq) wuxuu ka mid ahaa raggii iigu adkaa ee aan wada hadal la galo,wuxuu yaqaanay sida hadalka loo yidhaahdo-wuxuu yaqaanay sida Dunidan aynu ku nool nahay u qaybsan tahay,—-laakiin waxaa u talin jiray nin Keli taliye ah—- hadii  kelitaliye ku xukumo ,markasta waxaa kugu adag go,aan qaadashada”
  6. Madaxweynihii  1aad ee Somaliland:-  Madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland Md. C/raxman  Axmed  Cali – Tuur(naxariistii jano ILLAHAY ha siiyo),wuxuu yidhi  — waa deg degaysaan –deg degnu ma fiicna,ee waxaa fiican in aanay dib u dhici wixii  hore u dhacay—inagoo isku dhan reer Somaliland ayaa fiican in aynu Soomaaliya u tagno,oo wada hadalo—haddii aynu qaybsanaan ku tagno  ama aynu isbarbar yaacno way inaga guulaysanayaan ,inagana waxaa inagu dhacaya wixii 60kii wax ka daran.
  7. Madaxweynihii 2aad ee Somaliland :- Madaxweynihii 2aad ee Somaliland Md. Maxamed  X.I.Cigaal (naxariistii jano ILLAHAY ha siiyee) wuxuu yidh — Way fududahay sida la idiin karbaashaa —–way howl yartahay sida  hogaan la idiinku xidhaa.
  8. Madaxweynihii 3aad ee Somaliland :-  Madaxweynihii 3aad ee Somaliland Md.Dahir Rayaale Kaahin  wuxuu yidhi  — “Cidina ma dooran karto  cid ay deris la noqonayso—ILLAHAY ayaa inagu wada abuuray geeska Africa –deris baynu nahay –derisku xaq ayuu isku leeyahay— adigu  deriskaaga gacanta u tag—hadii uu doono isagu  ha ku diidee”!!.

 

  1. Abwaankuu weynaa ee Ibrahim Gadhle—ILLAHAY  naxariisto jano ha siiyi  isaguna wuxuu yidhi :-

“Taariikh da’ weynoo, 
Degmadeenu leedahay, 
Aan idiin dul-xaadshee, 
Lixdankii dadkaygoow, 
Markaad Dawladnimadii, 
Diiqada u bixiseen, 
Degdegsiinyo mooyee, 
Doqonniimo ma ahayn, 
Manaydaan denbaabine, 
Shanta kala dab-raacdaa, 
Dermo qudha ah u gogosheen, 
Isku-duubnideenniyo, 
Daacad baw horseeddeen,  
Geeluba hadduu dido, 
Duq baa loo hoggaanshaa, 
Sida loogu deyduu, 
Geesina u diriraa, 
Anna laba-daryaalii, 
Waxaan Daacad uga baxay, 
Dhulku yaanu Daaliyo, 
Dooloow u kala go’in,  
Siday labada daamood, 
Dab u wada kulaalaan, 
Dibi keliday lay qalay, 
Qoys qudh ah dibbiradii, 
Waxa aan ka door-biday, 
Duubiga shan lagu cuno.

 

———–la soco qayb ta dambe  7aad —–

ALLAA   MAHAD  LEH

Abdi M.Saleiman(Mingiste)

      Political Analyst

abdi_saleiman@hotmail.com