Waaya-arag Wehel Ka Dhigo! WQ: Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

HeersareeWaxa jirta maahmaah tidhaahda; “Waarimaysid’e war ha kaa hadho.” Waa maahmaah xikmad mug-weyn xanbaarsan oo soo gudbinaysa in qofku u nool yahay in wax uun laga dhaxlo. Weliba si gaar ah waxay u caddaynaysaa in qofku taariikh iyo magac ka tago isla markaana looga baahan yahay inuu sameeyo horumar nololeed oo wax-ku-ool ah. Qof weliba-na wuu jecel yahay in marka ay tiisu timaado ee uu god-galo in wuxuun lagu xasuusto, laakiin waxa lagu kala duwan yahay hanka iyo hiigsashada. Qof wuxuu ku hammiyaa in laga dhaxlo taariikh, cilmi, aragti-nololeed iyo waaya-aragnimo sugan. Qofna wuxuu ku hammiyaa in hanti uu tabcay laga dhaxlo, halka qof kale aanay midna-ba talada ugu jirin.

Waxa marar badan kaa hor imanaya caqabado nololeed oo mid kastaa halisteeda leedahay. Inta uu qofku nool yahay wuxuu maraa maraaxil kala duwan oo mid kastaa waayaheeda leedahay. Wuxuu la kulmaa horumar, haliso iyo hagardaamooyin kala duwan. Wuxuu yaqaannaa hababka looga gudbo xilliyada adag, kuwo lagu gaadho badhaadhe, kuwa lagu fardaamiyo mashaqooyinka iyo waxyeelooyinka qarsoon. Wuxuu hore u tijaabiyey isku dayo guul-darro ku dhammaaday iyo kuwo uu ku badhaadhay-ba. Dhan kasta oo aad ka eegto qofka waaya-aragga ahi wuxuu ka biyo-keenay nolosha dhinacyadeeda kala duwan. Waa balli uu ka cabbi karo cidda u ooman wax-ka-barashada nolosha la tijaabiyey ee muddada soo jirtay.

Marka aynu leenahay waaya-arag wehel ka dhigo waxaynu u jeednaa wax ka baro, waxa aynu u jeednaa wixii wanaagsan ee wax tar leh ka baro, balse uma jeedno wax kasta ka baro. Waayo, qofka waaya-aragga ahi wax wanaagsan iyo wax aan wanaagsanayn ba wuu soo maray.

Qofku marka uu da’ yar yahay waxa ku jira firfircooni badan oo ku hogaaminaysa inuu wax kasta ka biyo-keeno, iyadoo da’yarta qaar marka lagu waaniyo in ka joogsdaan samaynta wax aan wanaagsanayn ay inta ay is-dhegamariyaan ku dhaqaaqa inay tijaabiyaan waxaa loo diiday amma lagala taliyey, si ay u ogaadaan waxa ku jira waxa loo diiday. Waana sababta waayo-aragnimadu muhiimka ugu tahay qofka da’da yar.

Muddooyinkan danbe waxa si weyn loo dareemaa in dhalinyaradu si weyn u danaynayso inay talada dalka ka qayb galaan, inay xilal sare ka qabtaan laamaha kala duwan ee dawladda, inay doorashooyinka ka qayb-galaan, iyagoo isu arka inay xilalkaa ka soo bixi karaan. Waa run inay aqoon leeyihiin, hal-abuurnimo iyo hogaaminna leeyihiin, hasayeeshee waxa mudan inay wax   badan ka bartaan waaya-aragga siyaasadda. Waxaana arrinta ku duugan laba arrimood oo midda koobaad tahay in qofka da’da yari barto caqabadaha ka hor iman kara ee qofkan ka horreeyey ka gudbay, waa midda labaade inuu isfaham dhex maro siyaasiyiinta cusub iyo siyaasiyiintii hore. Haddii ay waaya-aragnimadaa wadaagaanna waxa saxmi kara halisooyin hore looguu wiiqmay.

Ka soo qaad, waxa aad danaynaysaa in aad diblamaasiyadda barato. Wax aqoon ah uma lihid aan ka ahayn dhega-dhegayn. Kollayba tallaabooyin kala duwan ayaad qaadaysaa si aad xog badan u hesho, hasayeeshee ta ugu mudan ee aad ku go’aan qaadan kartaa waa inaad hesho qof diblamaasi ah oo ku shaqeeyey waxa ay tahay diblamaasiyaddu. Tusaale anigu hadda waxa bartaa diblamaasiyadda, qaladaadka aan sameeyey ee aan gadaal ka saxay waxa ka mid ah; markii aan bilaabayay cidna talo fiican maan waydiin, balse xilli danbe ayaan helay diblamaasi ruug-caddaa ah oo i siiyey talooyin wax-ku-ool ah.

Waxa inta badan dhacda marka uu qofku waxbarasho jaamacadeed bilaabayo inuu ku wareero; “maxaad barataa, kulliyaddee ayaad gashaa, ma caafibaad baad bartaa, mise dhaqaale, mise sharci, mise xibaadka iyo maaraynta, mise mise mise.” Haddii qofka dhalinyarada ahi sameeyo talo uruursi iyo inuu wax badan waydiiyo dadka waaya-aragga ah waxa badan ayaa u kordhaya, isla markaana wuxuu ka badbaadayaa jahawareer iyo khalkahal ku yimaada.

Inta ay maskaxdaadu korayso ee ay da’deedu yar tahay waxa mudan in aad waaya-arragga wax ka barato, la saaxibto kuna xidhnaato. Waxaana qofka waayo aragnimadiisa looga faa’idaystaa laba siyaabood; inuu yahay qof wax qora oo bulshada qoraal ahaan kula wadaagi kara waaya-aragnimadiisa iyo inuu yahay qof bulshada ku xidhan una heellan inuu dadka uga sheekeeyo wuxuu waaya-agga ku yahay. Haddii qofku aanu waxna qorin, dadkana aanu ku xidhayn waaya-aragnimadiisu way qasaartaa oo lagama dhaxlo.

Muddo dhawr sano laga joogo waxa telefishanka Aljazeera qaybtiisa carabiga ka socon jirtay barnaamijyo taxane ahaa oo weriyaha ruug-caggaa ah ee Maxamed Xasanayn Haykal oo 1957 illaa 1974 tifaftire iyo agaasimeba ka ahaan jiray Wargeyska weyn ee Al-ahram, uu kaga hadli jiray waaya-aragnimadiisa iyo waxyaabihii uu goob-joogga u ahaa ee waddamada carabta dhacdooyinkii mahadhooyinka ku reebay ee xilliyo badan gilgilay waqtigii uu shaqaynayey. Wuxuu ahaa barnaamijyo waaya-aragnimo badan xanbaarsanaa. Sidaas oo kale Xaaji Cabdi Waraabe oo lagu tilmaamo odayga Somaliland wuxuu leeyahay waaya-aragnimo nololeed oo qotodheer oo dhinac kasta taabanaysa. Qofka danaynaya inuu wax badan ka ogaado geeddi-socodkiisii nonoleed iyo waaya-aragnimadiisaba wuxuu ka heli karaa buugga Samo-talis ee uu qoray Siciid Maxamuud Gahayr.

Labadan tusaale waxa aan u soo qaatay, waxa mudan in qofku weeleeyo waaya-aragnimadiisa si loola wadaago, wax na looga barto isla markaana looga dhaxlo. Waayo, maalin kasta waxa dhegaheenna ku soo noqnoqda ruug-caddaa hebel oo ay ahayd in wax laga barto oo xijaabtay.

Ciddii kale ee doonaysa inay wax badan ka barato arrimaha la xidhiidha waaya-aragnimada waxay raadsan kartaa buugga la yidhaaho “Waaya-arag” ee uu qoray qoraaga Cabdalla Xaaji Cusmaan Ceeleeye. Buuggaas oo hadda laga heli karto maktabado ku yaalla magaaladada Hargeysa sida Redsea-online oo ku taalla fooqa orietal-ka.

Ganunaanadku wuxuu yahay, sida aad wax badan u ogaado, si aad guul u gaadho, si ay garashaadu u kobocdo, si caqabado badan oo meerta nolosha ah uga badbaado, si aad ummadda wax ugu soo kordhiso, si aad adigu isu ogaado waa inaad hal-ku-dhig ka dhigataa; “waayo-arag wehel ka dhigo dii waxna ka baro.”

 

Cabdishakuur Xaaji Muxumed Muuse (Heersare)

cabdiheersare01@hotmail.com

http://heersaremuxumed.blogspot.com/