Waardiyihii hore ee Bin ladin oo geeriyooday

Yaman(SLpost)-Nasser al-Bahri oo ahaa waardiyihii hore ee Osama Bin Laden ayaa geeriyooday isaga oo muddo dheer xanuunsanaa, dad waaxda caafimaadka ee Yemen ka tirsan ayaa sidaasi BBC u sheegay.

151228035244_naser_al_bahri_304x171_bbc_nocredit

Waxay sheegeen in Bahri, oo Yemeni ah uu geeriyooday Sabtidii isaga oo ku sugnaa Isbitaal ku yaala magaalada Koonfurta ku taala ee Mukkala, waxaa la rumaysanyahay in uu da’da afartameeyada ku jiray.

Bahri, oo sidoo kale loo yaqaanay Abu JAndal, wuxuu ahaa darawalkii madaxii hore ee Al-Qaacida markii uu Afghanistan ku sugnaa.

Bahri waxaa xabsiga Guantanamo Bay laga siidaaay dalka Yemen-na lagu celiyay 2008-dii.

Wuxuu ku luglahaa weeraro ay malayshiyaadka Islaamiyiinta ah ka gaysteen Bosnia, Soomaaliya, iyo Afghanistan sagaashameeyadii, laakiin markii dambe wuu ka haray Afkaarta Al-Qaacida.

Bin Laden waxaa dilay ciidammada gaarka ah ee Maraykanka kaddib markii ay weerar ku qaadeen gurigii uu ku sugnaa oo ku yaalay magaalada Abbottabad, ee dalka Pakistan, bishii shanaad ee 2011.