Waar yaa yidhi 27ka July ayay Madaxweyne Siilaanyo ka Dhamaanaysaa? Amb. Kaysar Cabdilaahi

Asalaamu Calaykum, Sida uu Dastuurkeenu dhigayo Qodobka 83aad waxa uu Tilmaamayaa Haddii ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka marka ay muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto.
Hadaba iyaga oo Golaha Guurtidu gudanaya Waajibkaas Qaran ee Dastuurki siiyay ayay Muddo Xileedka Madaxweynaha Iyo ku Xigeenkiisa ay u kordhiyeen laga Bilaabo 27/7/2015 oo Xiligii Hore ku eekaa ilaa 27/4/2017. Waa go’aan Sharci ah oo aan mugdi ku jirin.

Waxaana ku Waajib ah Muwaadin Kasta oo Mucaarid ah ama Muxaafid ah Inaan Mugdi iyo Madmadow la gelin Dastuurka iyo Nidaamka Sharci ee Dalkeena u yaalla oo ah mid aynu kusoo Caano maalnay kuna soo liibaanay Mudada uu Qarankeenu dhisnaa.

silanyo iyo kayserHaddii ay Xisbiyada Mucaaridku Dood Sharciyeed ay ka qabaan Go’aanka Guurtida waxa ay Xaq u leeyiihiin inay Maxkamada Sare ee Dalkeena Dacwad u gudbiyaan. Hase yeeshee Looma baahna Xaqna Shacbiga looguma laha in Jahawareer iyo Qas la geliyo. Waxaana lagama maarmaan ah in la ilaaliyo Nabadgelyada iyo Dawladnimadeena. Waxaa kale oo Muhiim ah loona baahan yahay in Mucaarid iyo Muxaafidba laga fogaado Cayda iyo Aflgaadada iyo is Xajiimaynta nusqaanta ah ee Warbaahina la isu marinayo.

Hubaal waxa ah in Shacbiga Reer Somaliland uu yahay Shacbi Xalaal ah oo Waayo-arag ah oo aan Mucaarid iyo Muxaafid midna ka ogolaan doonin wixii nusqaan ku ah Qarankeena. Waxaana lagama maarmaan ah inaynu dhamaanteen ilaaliyo Degenaanshaha iyo Xasiloonida Qarankeena.

Ugu danbayn sida uu Dastuurka Dalkeenu dhigayo Madaxweyne Xilka haya waxa bedeli kara oo qudha Madaxweyne la soo doorto oo Codka Shacbiga ku yimidaada. Waxaa Muhiim ah in laga fogaado in lagu fikiro wax kasta oo ka duwan Doorasho Xalaal ah oo dhacda Xiliga ugu Haboon ee Hay’adaha u xilsaarani ay soo jeediyaan. Waxaa kale oo Muhiim ah in aynu noqono Ummad isku duuban oo ka fogaata Talaabo kasta oo Cadawgeena ka farxin karta.