“Waar dadkii waa dhimanayaan ee waa in aynu wacyigelin u sameynaa, waa in…” – Guddoomiye Saleebaan

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Md Saleeban Maxamuud Aadan, ayaa guddi wacyigelineed oo ka kooban xildhibaannada Golahaas u saaray khatarta cudurka COVID-19 oo xilligan faro-baas ku haya bulshada.

Guddoomiye Saleebaan oo shir-guddoominayey fadhigii maanta ee golaha Guurtida oo loo qaybiyay Xeerka Aasaaska hay’adda shaqaalaha dawladda iyo maamulka shaqaalaha Dawladda oo dhawaan ka soo gudbay Golaha wakiillada, ayaa ka hadlay khatarta uu xannuunku xilligan ku hayo bulshada oo uu sheegay inaanay u hoggaansamin digniinaha khatarta xannuunka laga siiyey.

“Dad badan ayaa diidan inay is talaalaan, dad badan ayaa diidan inay is-takooraan haddii xannuun ku dhaco. Waxaa loo baahan yahay in aynu wacyigelin sameyno.

Waar dadkii waa dhimanayaan ee waa in aynu wacyigelin u sameynaa, waa in warbaahinta aynu ka baahinaa wacyigelin la xidhiidha xannuunka Covid-19,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Guddoomiyaha Guddida Arrimaha bulshada waxaan farayaa in xildhibaanada inta ugu hadal karsan guddidiina aad u saarto wacyigelinta xannuunka safmareenka ah ee Covid-19,” ayuu yidhi Md Saleebaan Maxamuud Aadan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net