Waano iyo digniin – Golaha Baarlamaanka Soomaaliland

Ansixinta xeerka Bangiyada dulsaarka ku shaqeeyaa waxay noqon doontaa astaan diin la’aaneed iyo arin burbur dhaqaale oo baahsan dalka u horseeda.

Waxaanu ogsoonahay in xubno baaralamaanka ka tirsani dabada ka riixayaan sidii loo ansixin lahaa xeerkan oo golaha hor yaalay muddo sanado ah, xeerkaas oo baal marsan distoorka dalka, diinta bulshada soomaaliland sidoo kalena jidaynaya arimo halis dhaqaale, mid amni iyo dhibaatooyin kale u keeni kara dalka iyo dadkaba.

Dhammaan dadka hawshaas ku hawlan waxaanu ugu naseexaynaynaa inay bulshaday u dhaarteen u tudhaan, Alle ka cabsadaan, aakhiradooda dhowrtaan.

Dhammaan muwaadiniintu waxay xaq u leeyihiin si keli keli ah ama qaab wadareed inay culays u saaraan golaha wakiilada, haddii ay u muuqato inay faraha kula jiraan wax danta bulsho iyo diinteeda meel ka dhac ku ah, iyagoo arintaasna u maraya hab qaanuuni ah, sida qoraalo, warsaxaafadeed, mudaharaad iwm.

Allah waxa uu leeyahay “Kuwa iimaanka lehow Alle ka cabsada oo Ribada ka taga haddaad Alle iyo maalinta danbe rumaysan tihiin, haddaad sidaas yeeli waydaan ogsoonaada dagaal ay idinla geli doonaan Alle iyo Rasuulkiisu” Aayadaha 278-279, Albaqarah.

Gacanta xeerkaas diidmadiisa loo taagaa waa mid miisaanka xasanaadka culaysin doonta, gacanta ansixintiisa loo taagaana waxa hubaal ah inay tahay mid Alle iyo Rasuulkiisa xukunkooda lagu diidan yahay, cadho Allena u badheedhay.

Waxaan rajeynayaa in dhaartii ummaddan loo dhaartay ee kitaabka lagu dhaartay la xasuusto, cadhada Allena aan lagu dhiiran.

Waxaan faafin doonaa maqaal si faahfaahsan uga warama xeerkan, taariikhdiisa, sida uu distoorka dalka iyo sharciyada kale ee dhaqangalka ah u burinayo iyo weliba inaan wax baah ah loo qabin haba yaraatee.

Dr. Abdulqani Hussein Mohamed