Waan Xoogsadaa! – W/Q: Mukhtaar (Bulshaawi)

Hiirta-waaberi baan kacaa. Isagana wakhtigaas baanu albaabka isku dhaafnaa. Caruurtaan toosiyaa, quraac siyaa, isuulkana u anbo bixiyaa, markaan dhameeyo, qadadda ayaan u sii raaciya caruurta. Markaan intaas dhameeyo ayaan u baxaa suuqa iyo sidii aan maalin nololeedka qoyska u soo saari lahaa.

Suuqa markaan tago ayaan kolba wixii karaan kayga ah ee aan maalin nololeed ka soo saari karo ku dul dhacaa. Saxmadda iyo is jiidh jiidhka suuqa ayaa maalin oo dhan igu dhaca, uma ban baxo mana dareen siiyo naftayda oo waxa aan ogahay nolsoha caruurtayda ayaan kula jiraa sidii ay u badhaadhi lahayd. Qaar baa I hiifa intaan shaqaysanaayo, qaar baa dhac iyo badheedh ila yimaada dhabarka ayaan sii jeediya oo wan ka sii socdaa meel baa ii cad oo nolol baan dadaal kula jiraa sidii aan caruur biil ay ku noladdaan ugu soo saari lahaa.

Markaan suuqa ka yimaado ayaan haddana casho dab ka saara, caruurta ayaan baylah-tiraa, kadiba wax akhriskooda iyo seexintooda ayaa i xigta. Haddana, halkii bay aroortana iga bilaaban taa sidaas baan ugu noolahay nolol aan kula jirno jihad aniga iyo caruurtayduba.

Noloshu waxa ay micno leedahay oo ay macaan tahay marka la wada nool yahay lakiin marka la kala nool yahay haddana iyadoo guri la wada dagan yahay waa dhibaato. Sidaas darted baan qoraalkan u soo qoray ee ha iga hadhin.

Wuxuu ragu u guursadaa dumarkaa waa inay ku wada noladaan nolol wanaagsan oo macaan. Ninku shaqo tago hooyaduna caruurta iyo guriga ka war hayso. Ha yeeshe, anigaa shaqo taga oo reerka biiliya, anigaa caruurta ka war haya, anigaa nolosha oo dhan ku mashquulsan, xil walba oo guriga yaalay anigu I saran yahay, haday lacag iyo nadaafad iyo caafimaad iyo waxbarasho noqto. Odaygii guriguna aroortii markaan suuqa u siii baxaayo ayuu I soo waydaartaa, casho aan xalay u dhigay iyo quraacdii oo aan imika u dhigay buu intuu is dhaafiyo seex-daa, isaga oo aad moodo inuu indhihiisu toosh yihiin, xalay oo dhaan la soo dilayay ayuu albaabka igu dhaafa, maalin oo dhan ma arko, habeenkina cagtisu naguma badna oo geed baas baa lagu sirxay.

Raggu iyagaa haweenka mas’uul ka ah, waxa Alle isdheereysiiyey, iyo maalkooda oo ay ku masruufaan (dumarka) aawadeed. Marka dumarka wanaagsan ee suubbanooyinka ah waa addeecooyinka dhawra marka laga maqan yahay wixii Alle dhawray (yacni dhowra naftooda iyo arrimaha gurigeeda iyo ninkeeda)”. Suuradda An-Nisaa: Aayadda 34.

Diin iyo daacadda Alle midna ma xasuusna raga jaad ka cunaa, nolol iyo daryeel qoys iyo caruur iyo dumarna hadalkooda ba daa, Illahay ha soo hadeeyo.

Riyaha iyo xooluhu waxa ay cunaan daaqa ka soo baxa dhulka, kuwaas waxba ima dhaamo caleen cagaar ah oo aan khayr u lahayn baa iga dal daldoorisay. Nolosha reerkiisa iyo tiisab shakhsi ahaneedba war uma hayo. Anigu, sidaas dib I shaxadaa oo wax I waydiiya anoo silica iyo sida aan lacagta ku soo hellay iyo shillin kanba uu Alle og yahay, waan ka naxaa oo guntintayda ayaan u furaa wixii Alle ka siiyana waan siyaa bal inuu sidan soo dhaamo in uun. Ka soo rayn iyo daawo midna ma laha meel loo racana ma jirto, tolow ma raga oo dhan baa siddan ah? Ma dumarka soomaaliyeed oo dhan baa sidan igu la nool? Ma cuuruurta soomaaliyeed oo dhan baa hooyo koris ah oo aabayaashii kalintoodi ka gabeen?.

Mar wuu qayilayaa oo duni kale ayuu ku jiraa, mar kalena hurdo ayaa dhaafinaysa waxa ka socda adduunyada; kol ay ahaato naftiisa oo uu hagaajiyo. Maskaxda bina-aadamku marnaba ma madhna oo way shaqaynaysaa se muqawad-ka tiisu shaqadii ayay joojisay oo wax soo saar marnaba male!.

Runta lagama rooroo

Been lama ruqsaystee

Waxa rifay hasheenee

Rajadiyo hankii tirray

Rahan qoodha noqtiyo

Raga qayilaya weeyee

Ruuxdoodu dhimatay!

Khaalid Mustafe Ismaacil “khaalid kileesh”

Caruurta hadday dhib ku timaado, anigaa dabarra,haddii kalena dahab ka yar ee aan haystaan u ibiyaa haddii wax kale ama dhibaato wayn igu soo baxdana amaah ayaan u doona iyo dayn. Noloshu ku qurux badanaa in la wada dhisto, dumarku ku qurux baddanaa inay gurigooda jogaan oo caruurtoda koriyaan kuna dhaqaleyaan hoygoodda. Aabuhu ku qurux baddanaa inuu shaqo tago oo uu jaad ka iskaga tago, inuu caruurtisa koriyo xaaskisana dhaqaaleeyo, inuu caruurta habeenki wax akhriska la qaato oo uu la ciyaaro, xaaskisana ciyaarta cawaysinka la qaato, aax …aax…halkee laga heli sow tan geedkan cagaaran ee ay jaadka ku shegaan noloshii qoyska lagu diray ee loogu daw galay maaha.

Nolosha aan ku jirro oo sidaas ah baan, xaamilo noqdaa. Caruurtii iyo aniguba waan isku dul dhacnaa, yaa u dhaqdhaaqi haddaba waa kanne, markaan fooshu xoog I qabatana naxariis iyo hadal dabacsan kama helo. Anoo daala dhacayaan ummu laa, anoon afartan bixina waxa aan u dhaqaaqa shaqo iyo nolol maalmeedkii, isaguna intaas xataa caqliguusi ma siiyo bal reerkagan shillin ku darso, kuu shaxaad kan baas ee soomaalida lagu qatay ku hellana jaad buu kula roora sidii mid calooshu ololayso oo kale. Haddalka dabacsanina dan buu ahaan lahaa marka shillin ka laga tago ileen waa tii ahayd lacag waa la heli karaa lana waayi karaa.

Dhibka ina haystaa waa maxay? Raggu maxay reerkoodda hoos ugu eegi wayaan? Jaad ku dhibka uu inagu hayo maxaynu u ogaan laa nahay?. Waar ina raggoow, noloshaa ay hooyooyin baddan oo soomaaliyeed ku nool yihiin waa taas, waxa igu dhib baddnayd markaan u baxay nolosha taal Miyiga ee aan soo arkay rag gabay noloshii lagu yaqaanay reer Miyiga oo maalin oo dhan hurda, habeen oo dhana qayilaaya iyo dumar maalin oo dhan aroor iyo xoolaha daaq gayn-toodda ku jirra, habeenkina soo xerro galintoodda iyo lisitankoda ku hawlan. Noloshii ayaa is badalaysa maalin ba maalinka ka danbaysa, waxaynu u sii guuraynaa nolol adag oo ka dhaqan iyo akhlaaqiyaad xun tii horre. Waxa uu dayac wayni ka muuqda caruurtii iyo qoyskiiba, waxa aan daryeel nololeed iyo mid caafimaad, waxbarasho toona aan helayn caruurtii, suuqa marka aad timaado waxa aad arkaysaa rag maalin oo dhan iska qayilaaya oo ayna noloshaniba micno u samaynayn, aan dadaal iyo karti ay nolosha ku badlaaan aan la imanayn, kuwa xataa waxa ay shaxaadka ku helaan aan is odhanayn caruurta u geeya iyo dumar suuqa ka ganacsanayaa oo waxyaabo yar yar oo nolol maal meed ka laga helo ka shaqaynayaa, sida waa laga qurux baddan yahaye ee aynu dib iskugu noqono, sow kan abwaan Abshir Bacadle lahaa maaha sidan …..

Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh.

Gabaogabadii,  jaad-ku waxa uu dib u dhigay nolosheena horru-socd iyo horumar ee dad ahaan, dawlad ahaan, qoys ahaan, iyo waliba shakhsi ahaan. Waxa inagaga baxa lacag malayiin dollar ah waliba maaha sannado, maalin walba iyo daqiiqad walba oo ina soo marta, kuma qabno fa’iido aan ka ahayn WAAN MIRQAAMAY IYO XALAY CIRKAASAN MARAAYAY. Isma waydiino danta inoogu jirta cunitaankiisa iyo dhaqaalaha inagaga baxaaya, isma waydiino noloha qoyskeena iyo ta danta guud sida uu dhibaatada ugu hayo, nin ban waydiiyo aan ku idhi waar maxaad jaad ka ku fashaa iyo balwadan xun markaasu igu yidhi saxiib mukhtaarow waa quud awliyo ee noo daa.

Runtii dadnimadda iyo damiirku inuu ina siiyo maaha in hooyooyin ku suuqa ka xoogsadaan ragguna hurdo iyo qayilaad u kala baxo, damiirku inuu ina siiyo maaha lacagta malaayiin ka doolar ah ee maalin walba xuduudka ka gudbaysa ee aan dib inoogu soo noqonayn, damiirku inuu ina siiyo maaha in caruurta yar yari marka ay arkaan Aabaha oo jaad iyo sigaar cunaaya inay iyakuna baritoole cunan ee waa inaynu ka digtoonano, damiirku inuu ina siiyo maaha in ilmaha yari markuu jaadka barto uu aabihii ku yidhaa kalay guriga ku cun ama uu jaad u iibiyo lakiin waa inuu xal iyo sidii looga joojin lahaa keeno.

Bulshada soomaalida waxa la soo darsay dhibatooyin baddan oo xag nololeed ah, qurbaha ayaad tagaysaa rag wada jalamsanayaan jaad, ileen naftu kama baxdo, lacagteeniba waxa lagu dhisay wadamo iyo magaalooyin markii horre ahaa kuwo liita, waxa ay dayaceen raggu noloshii qoyska iyo toodiba, markaa markay hooyadu suuqa u baxdo ee ay soo shaqaysato ama dalka ha joogto ama dibada ha joogtee ee ay igu tidha waan xoog sadaa manay gar ahayn?.

Illahay siduu khayrku jirro ha ina waafajiyo,aamin.

Mukhtaar Cabdi Sheekh (Bulshaawi)

Mukho4me@hotmail.com