“Waan is-dilayaa haddii aad goosataan,” David Cameroon oo la hadlayey shacabka Scotland

LONDON (SLpost)- Raysal-wasaraha dalka Britain, David Cameroon, ayaa dhawaaq Qiiro xambaarsan kaga qayb-qaatay ololayaasha siyaasiyiinta iyo shakhsiyaadka u ololaynaya Midnimada UK u jeedinayeen Shacabka Scotland oo maanta u dareeray codbixin go’aaminaysa inay ka sii mid ahaadaan Midowga Boqortooyada Britain iyo inay noqdaan waddan Madax-bannaan.

Cameroon_OnionRaysalwasaare David Cameroon oo Saaka intii aan loo dareerin goobaha codbixinta uga digayey shacabka Scotland inay ka go’aan UK, ayaa ku hanjabay inuu Qudha Iska jari doono haddii ay go’aamiyaan inay ka go’aan Boqortooyada UK inteeda kale.

Warkan oo aanu ka soo xigannay OnionNews oo laga leeyahay Maraykanka, waxa ay hadalka Raysalwasaaraha u soo xigteen isaga oo leh, “Scotland-neey, waxaad ogaataan inaan is-dilayo haddii aan goosataan, waan ku dhaaranayaa inaan sidaas yeeli doono,” sidaa waxa yidhi Raysalwasaare Cameroon oo dareenkiisu ka duwanaa sidii looga bartay, isaga oo codkiisu u muuqday mid aan deggenayn oo googo’ayey, waxaana mararka qaar la arkayey inuu siganayey ilmo indhihiisa ka soo daadata.

“Sideen u noolanayaa haddii aad tagtaan? Haddii aad u codaysaan inaad madax-bannaani heshaan, sidaasay ku dhammaatay, immikaba waad isii macasalaamayn kartaan, maxaa yeelatay mar dambe ima arki doontaan. Ka fiirsada waxa aad igu samaynaysaan,” ayuu yidhi Raysalwasaare David Cameroon.

Culayska raysalwasaare David Cameroon ka haysta go’aanka ka soo bixi doona natiijada codbixinta maanta dhiibtay oo subaxnimada Berri la filayo in la shaaciyo, waxa uu kaga duwan yahay madaxda kale ee UK inuu ahaa masuulkii saxeexay codbixin aayahooda lagu weydiiyo shacabka Scotland, isaga oo sannadkii 2012 heshiis codbixinta la saxeexday wasiirka 1aad ee Scotland.

Raysalwasaarihii hore ee Britain, Gordon Brown, oo u dhashay gobolka Scotland ee madaxbannaanida raadinaya, ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeedda gooni-u-goosadka, halka wasiirka koowaad ee Scotland, Mr Salmon, uu safka hore kaga jiro dhaq-dhaqaaqyada gooni-u-goosata ah.

Somalilandpost.net