Waalidii Mirqaanka Jaadka

 

Waa sheeko dhib iyo dheefba le oo taabanaysa xaalado adag oo nololeed kuna waa jahan waaqaca iyo duruufaha aan la nool nahay TIMIR YARE waa wiil dhalin yaraa oo magaalda hargaysa soo galay 2006dii isaga oo ka yimid dhinacaa iyo hawdka magaalada burco muu garanayn meel uu ku soo hagaago iyo jiho uu u kaco se qorshihiisu waxa uu ahaa in uu caasimada somaliland ee hargaysa mar uun cagaha dhigo kana shaqaysto si uu uga mid noqdo tujaarta kule daaraha dhaadheer waxa uu qabay hami sare waxa uu ogaa halkii uu ka yimid miyi iyo dhibkii yaalay haddii ay tahay tacabka xoolo dhaqista oo guris iyo garaacidba lahaa abaarihii baahsanaa ee uu ka soo orday waxa hamigiisu ahaa in uu mar uun cagaha saar TOGII-HERER iyo HARGAYSA HADHWANAAG.

TIMIR YARE gaadhiga uu ka soo raacay hawd oo noo ciisu ahaa ka ay reer guuraagu u yaqaanaan DHIGO-DHEERE waxa uu ku soo raacay dayn uu ku soo helay dirqi iyo damiin wax uu socdaba waxa uu soo gaadhay halkii u ku soo jeeday iyo HARGAYSA.

Ma haysto meel uu ku hagaago haddi ay tahay hurdo iyo cunaba mana garanaayo masab ahaan iyo magac ahaanba meel iyo cid uu magan sadaba badh tamaha suuqa HARGAYSA ayuu dhigay gaadhigii

DHIGA-DHEERAHA ahaa ee siday muu ahayn xariif tuulo oo gaadhiga dushiisa cid kulama uu saaxiibin ee waa allow sahal fikir oo is waydii xageed u dhaqaaqdaa maskaxdiisu is waydiisay yaad ku hagaagtaa garan waa, isu jawaab oo yidhi cidna.

TIMIR YARE waa nin fikir ahaan xora xoogiisana ku kal soon ma yaqaano baryo iyo dawaro midna,

wuxuu baala daymoodaba

tirabadnida dadka iyo gaadiidkana ku dawakho cadceeduna liiqa sii dhigtay marba marka ka danbaysana laga sii caraabaayo magaaladii

TIMIR YARE talo ku cadaatay waqtiguna ku soo urur is waydii xageed u kacdaa maxaa meel baastan ku keenay ayaa kuu miciina dadku miyaanay ku arkayn miyanay ahayn muslimiin is gargaarta sowtii la lahaa muslinku wuu ia gargaaraa ma in aad barido ayay doonayaan oo aad dawarsato dawaradu waa ceeb sawdigan xoogle ee kura xooglahaa miyanay xoogaaga arkayn su,aalahaa iyo kuwo kale oo badan ayaa ka dhex guuxay maskaxdiisa daqiiqad kastana is waydii TIMIR YARE kun su,aalood oo kala nooca

Wuxuu socdaba kolba jiho baala daymoodaba is giijiyaba goor salaad makhriba ku hagaag MASAAJID laga adimay ee daan kii salaada halkaa ku tukay makhrib iyo cishe.

TIMIR YARE isku qanci in halkani tahay MASAAJIKII ILLAAHAY cidina aanay ka la hayn ee uu caawa halkanba iska seexdo gara oo markii laga dareeray MASJIDKII gaadhayna xiligii WADDAADKU alabaabada u xidhaayay MASAAJIDKA dhaayaha saar wiilkan yar ee koonaha MASAAJIDKA islaabay ku soo dhawaa WADDAADKII oo waraysay TIMIR YARE isna u waran una dhigdhig xaaladiisa nololeed iyo waxa uu ku sugan yahay WADDAADKII si fiican buu u soo dhaweeyay TIMIR YARE casha gee oo seexi habeenkii subaxnimadiina waagii markii uu cadaaday kula kalaha WADDAADKII TIMIR YARE hudheel cunto oo uu ku ogaa in aan shaqo laga waayin intabadana dhalinta soo gasha abaabul kasaar u ah markii uu gacanta u galiyay mulkiilihii hudhaalka TIMIR YARE shaqo la sii loo dir SAABAANKA ama WEEL-XALIDA oo ah halka shaqada u horaysa ee hudheelada laga bilaabo inanka maalin ka shaqeeya SAABAANKA kuma soo noqdo maalin labaad se TIMIR YARE wuu ka duwan yahay kuwaa shaqada ka taga intaa mooyee wax kaleba mahayo oo taasaa naruuro u ah isaga.

TIMIR YARE waa wiil maskax furan kuna faraxsan shaqadiisa waana wiil dhago nugul la qabsay hudheelkii shaqadii SAABAANKANA ka dalaca xaga hore lakeen kuna farax miisaska masax sifiicana u dhalaali

SAABAANKA dad isma ay arki jirine

TIMIR YARE baray macaamiishii hudheelka dadkii iswada jeclaa oo si hagar la,aana uga shaqee hudheel kii

TIMIR YARE waa salaad sax aan salaad salaad ku darin safka hore iyo jamacana ku dedaala waana aamin xalaal cuna oo wixii uu shaqaysto ee xoogiisa ah mooyee aan waxa kale u hunguroon ka hel oo ku farax mulkiilihii hudheelku

TIMIR YARE sagaal magac oo amaana u bixi DEEQ, DARWIISH,BARKHAD, DUCAYSANE, kolba mid ugu yeedh.

Lasoco qaybaha hadhay

Qore : NUURADIIN IBRAAHIN AW ABDI (diini).

Tel 063-4421963

25/08/2015