WAA SIXIR SIYAASIGU (Maanso) – W/T: Cabdirisaaq Maxamed (Abwaan Oday)

ODAYMaansadani waxay soo baxday Gu’gii 09-Jan-2012 oo uu tiriyey Hal-abuurka da’da yar ee Cabdirisaaq Maxamed Cabdilaahi (Abwaan Oday) waxay maansadani hogatusalaynaysaa, Bulshada waxaanay Daaha ka faydaysaa in siyaasigu yahay qof danayste ah oo jecel inuu ku guuro Bulshada inta maangaabka ah ee aan lahayn Aqoon iyo han durugsan toona, sidoo kale waxay ka hadlaysaa isku duubnida iyo wax wada qabsiga Bulshadeena iyo inay ka feejignaadan cid kasta oo dibin daabyo kula kacada amaba ula timaada Qarankeena.

  1. Sool iyo sanaagiyo
  2. Saaxil iyo nugaal iyo
  3. Surad buuraheediyo
  4. Sodii booramaadeey
  5. Dib u socod ma fiicnee
  6. Sareediyo barwaaqiyo
  7. Samo iyo wanaag iyo
  8. Xidigaha siraatiyo
  9. Cirka sare aad gaadhide
  10. Yuu siyaasi waalane
  11. Hadaba salaw colaadeed
  12. Kuu sudhin horaadkee
  13. Haku seexan waligaa
  14. Meelaan la saxar tirin
  15. Saligaagu yuu noqon
  16. Sayme dhiigle iyo hoog
  17. Umadood sadqaysiyo
  18. Salaw iyo dagaaliyo
  19. Saqda dhexe caruurtood
  20. Saska aad ku beertiyo
  21. Salbabakha khiyaamada
  22. Safsaf lugaha haw goyn
  23. Yeey noqon sursuuriyo
  24. Meel aad ku silicdoo
  25. Sodan saniyo dheeraad
  26. Iyo sabanka aakhiro
  27. Qoomamayso saaxiib
  28. Seetee hungurigoo
  29. Sabarkiyo dhexdaadana
  30. Xaaraan aad ku siibtiyo
  31. Yeey marin sunuud xumi
  32. Runta lama sariigee
  33. Yaan Been la soo xaday
  34. Si yar ruuxana kuu galin
  35. Bal ogow saleeliga
  36. Sabi iyo caruuriyo
  37. Mid saqiira mooyee
  38. Ruuxii sameeyaa
  39. Sahal inuu ka jabi karo
  40. Bal ogow sawaxanada
  41. Sumbo iyo maraadiyo
  42. Suko iyo qof liitiyo
  43. Mid siloona mooyee
  44. Ruuxii ku soogmaa
  45. Inuu saawir yahayoo
  46. Caqli uba siyaadayn
  47. Waxan saawasaawee
  48. Waa qaali sabankuye
  49. Seken yaanu kaa lumin
  50. Nin siyaasad liigtoo
  51. Subag iyo gadhoodhiyo
  52. Sita hilib la solayoo
  53. Ubadkiisa soo dhigay
  54. Yurub seeraheediyo
  55. Suuqyada ameerkika
  56. Yuu saw habkaagiyo
  57. Soortaad cunaysiyo
  58. Saadkiyo gaadhkiyo
  59. Sixinkaaga kaa qubin
  60. Safarad iyo xanuun iyo
  61. Kugu beerin sooyaan
  62. Suudigu kulayal iyo
  63. Waa olol ku saaqee
  64. Ha u qaadan sagal roob
  65. Dadaka saanad milatari
  66. Inaad siiso maahee
  67. Maxaa siidh la beertiyo
  68. Sadarada tacliintiyo
  69. Inta lagu sanaadiyo wax
  70. Soo saar u diideen
  71. Maxaa wiil sindheeriyo
  72. Hablo wada siyaakhoo
  73. Saydhinyaa laafyaha
  74. Sulug wada xajiiniyo
  75. Saymaha dagaalkiyo
  76. Saran seer uglisaan
  77. Guryo samo adoo yaal
  78. Seerma wayda curatiyo
  79. Meelsaacle joogoo
  80. Sumalkiyo baraarkiyo
  81. Sangihii u foofoofeen
  82. Saranseer abaareed
  83. Iyo sulufka caydheed
  84. Marana looma saaree
  85. Sabadaad ku nooshay
  86. Dadku soobir caydhiyo
  87. Sabool qaawan yuu noqon
  88. Arinkii ku seegiyo
  89. Adiguna sirtaa bogo
  90. Hawna noqon siyaasiga
  91. Wax salaanka lagu koro
  92. Xadhiga aad suryaysoo
  93. Surka adiga kuu gala
  94. Haysku soohin waligaa
  95. Aar sooma jeeste’ ah
  96. Saraha dhexdoodiyo
  97. Sinta iyo halbawlaha
  98. Haku dhaagin siloonyahow
  99. Colaad gayiga saaqdiyo
  100. Uur xumo siyaadiyo
  101. Utun sii lignaatiyo
  102. Saxriir la eediyo
  103. Inta lag sulaaqmiyo
  104. Qabiil lagu sureeriyo
  105. Sagam-daaq xajiimo le
  106. Haw suul dhabaalayn
  107. Fidmo seexatoo nagi
  108. Gaas iyo saliid iyo
  109. Haku darin saabaal
  110. Eray sami wuxuu jaro
  111. Soof iyo bilaawiyo
  112. Soodh laguma gooyee
  113. Umad sabo ku wad nool
  114. Oo seedi iyo xidid iyo
  115. Soof wadaago ah
  116. Suladkiyo ardaayada
  117. Olol iyo dab haw sudhin
  118. Nabadaa samaaniyo
  119. Surer iyo wanaaglee
  120. Hadaan seeska loo dhigin
  121. Salaad faral la oogiyo
  122. Tacliin lagu sumsumaiyo
  123. Suuq miayaa la aadaa
  124. Sarif iyo dhaqqliyo
  125. Saro maala jeexaa
  126. Sariir aad ku gamadiyo
  127. Moobilada siraatiyo
  128. Silis maala qaataa
  129. Dhakhaatiirta sare iyo
  130. Saynis yahan ma kulantaan
  131. Hadal wada laxaniyo
  132. Weedh wada arbeebiyo
  133. Eraygaygu haku solo
  134. Anaguna safaadiyo
  135. Manaqaano salawgee
  136. Sitiinkii hortiibaa
  137. Soohdimaha dalkaygani
  138. Saancadaale gaaliyo
  139. Soomaaliyoo idil
  140. Saaxiib yaqaanee
  141. Soomaalilantuna
  142. Sidaad adigu moodiyo
  143. Wax sokeeya maahoo
  144. Garaadada wax saafiyo
  145. Boqoriyo salaadiin
  146. Cuqaal sama jeceliyo
  147. Culimiyo saraakiil
  148. Sabi iyo dad waawayn
  149. Ayaa wada saxeexoo
  150. Soomalilaand yidhi
  151. Saac iyo ugbaadiyo
  152. Meel sadadu taalaa
  153. Salka loogu joojoo
  154. Sagaashan iyo kawdii
  155. Beeluhu sinaaniyo
  156. Saami qaybsi wacanabay
  157. Sal fudayd ma fiicnee
  158. Sadex magac ku dhaarteen
  159. Sanad kalana waatii
  160. Si wayn loo codeeyoo
  161. Sagaashan iyo todobaa
  162. Sawdkooda siiyoo
  163. Soomaaliland mid weeyoo
  164. Inay kala socdaashan
  165. Wax sayn saaban weeeyoo
  166. Sacab timaha yeeshiyo
  167. Saabuun xoorin waydiyo
  168. Dameer sina madaw iyo
  169. Wax suurooba maahee
  170. Horta taa iskaga samir
  171. Wax hadaad saluugtana
  172. Ceeb iyo sawaxan iyo
  173. Soomal haad colaadeed
  174. Beesha looma saaree
  175. Aynu saafno eelkee
  176. Sali nabada oo wacan
  177. Salaka kaalay oo dhiga
  178. Hadii saar dagaaliyo
  179. Suuldaaro nacab iyo
  180. Kugu jiro sangaaluhu
  181. Dhaaxaan ku saaanyee
  182. Waan kaa saari doonaa
  183. Jiib sululux leeyiyo
  184. Kaaraha silsiladale
  185. Suug iyo baron iyo
  186. Yaan sabanku kula tagin