WAA NOOCMA XIDHIIDHKA KA DHAXEEYA BOOLISKA IYO SHACABKA JSL? Qalinkii: Cabdiraxman Yacqub Xasan

jacobHordhac
Ilaalinta jiritaanka dal iyo dadba waxay rabaan xoogag ka hortaga cadawga. Xoogaha Qarankasta leeyahay maaha kuwo haysta oo qudha toobar ciidameed lana baray oo qudha Gaada-ciyaarka. Ciidanka Boolisku waa kuwo ah saaxiibada bulshada ku nool dalkaas waa kuwo leh hanaan furfurnaansho oo saamaxaya ka war helida iyo u dhawaanshaha noocyada kala duwan ee bulshadaasi ka kooban tahay , sidoo kale boolisku maaha soo qabtayaasha iyo xidhayaasha cida loo diro iyagoo oo aan xushmad iyo tixgalin aan siinayn muwaadinka markaa ah eedeysanaha .
Bulshadu kama maaranto amni iyo xasilooni taas macnaheedu wuxuu yahay kama maarmaan ciidanka booliska si u helaan nolol iyo nabad ku dhisan xil gudasho iyo is xaqsiin dhex marta labada dhinac ee kala ah bulshada iyo booliska .
Hadaan ku soo dhawaado ciwaanka qormadan kaas oo ka hadlaya nooca isku xidhnaasho ee  u dhaxeeya ciidanka booliska iyo shacbiga ay ilaaliyaan eek u nool jamuuriyada Somaliland .

Nooca Xidhiidh ee u dhaxeeya Ciidanka Booliska iyo Shacabka Jamuuriyada Somaliland
Ka hadalka xidhiidhka u dhaxeeya ciidanka booliska iyo shacabka waa mid aan looga baran dhamaan qaybaha ay bulshadu ka kooban tahay iyo dhanka booliska waana ta sababtay in ay jiraan kala fogaansho u dhaxeeya ciidanka booliska iyo shacabkooda waxaana lagu cadayn karaa su,aalahan kala ah
1.: Bulshadu maxay ka aaminsan tahay ciidanka booliska ?
2. Maad aragtay xidhiidh ka dhaxeeya booliska iyo shacabkooda ?
3.  Saraakiisha Boolisku door intee leeg ayay ka qaataan arimaha bulshada ?
4. Xubnaha ciidanka boolisku may helaan fursad waxbarasho ?
5. May leeyihiin ciidanka boolisku manhaj ?
Ciidanka boolisku ma taagan oo qudha gaadiska oo qudha waxaa intaa u dheer casharo lagu barayo arimaha
1. Muwaadinimada iyo xaqa muwaadinka
2. Doorka iyo waajibaadka Askariga
3. Xuquuqul iinsaanka
4. Xasilinta Khilaafaadka
5. Hogaanimada
Waana duruus u saamaxaysa hana qaadnimada ciidanka booliska iyo ka fogaanshaha ficilada kakan ee abuura kala fogaanshaha booliska iyo shacabka , Hadaba ciidanka booliska Somaliland door intee  leeg ayay ka qaataan isdhex galka booliska iyo bulshada ?                                                                                                                 Ma jiro Barnaamij isdhex gal oo ay qabtaan Xukuumadihii kala dambeeyay iyo Hogaanka boolisku Somaliland waana ta keentay isku dhacyada soo noqnoqda ee dhexmara qeybaha booliska iyo shacabka kaas oo marmarka qaarkood ayba dhacdo fal dil iyo dhaawac soo gaadha labada dhinacba. Mana jirto xal iyo barnaamijyo wax ku ool ah oo  lagu abuurayo isdhex gal iyo fahansiinta bulshada shaqada ay hayaan ciidanku . Hadaba waxaan rabnaa in hogaanka ciidanka boolisku ay hormariyaan aqoonta iyo garashada ciidanka booliska kadibn sameeyaan barnaamij isdhex gal oo kordhinaya xidhiidhka ka dhaxeeya bulshada iyo ciidanka booliska .

Contact
Name: Abdirahman Jacob Hassam
Title : Security Adviser
Tell: +252634807177
E-mail: jacobhassam@gmail.com