Waa Maxay Sababta ay u kala Qaalisan yihiin Qiimaha Jagooyinka iyo Dhismayaasha Xaafadaha Magaalada Hargeysa ? (Warbixin)

Hargeysa (SLpost)- Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland oo 20-kii sanno ee u dambaysay si xawli ah u sii ballaadhanaysa, wakhtiganna dhismeyaal casri ahi ka socdaan goobaha faras-magaalaha ah, waxa wali dhulka bannaan gacanta ku haya dadka shacabka ah oo lahaanshiyahoodu meesha ka saaray jaan-goynta Qiimaha lagu kala iibsado oo xaafadaha magaaladu aanay Isku mid ahayn.

hargeisaIn kasta oo Qiimaha dhulka bannaan ku xidhan yahay goobta uu ku yaallo hadba sida ay ugu dhow dahay adeegyada muhiimka u ah nolosha bulshada, sida biyaha iyo adeegsiga suuqyada, haddana waxa jira goobo ka mid ah caasimadda oo qiimaha Baloodhka guri laga dhisi karo uu ka qaalisan yahay ama la mid yahay Dhisme ku yaalla goob kale oo xaafadaha magaalada ka mi ah.

Hargeisa city.Axmed Cumar Axmed (Timo) oo ka mid ah suxufiyiinta ka hawl-gala hay’adaha warbaahinta Somaliland qaarkood, ayaa war-bixin uu ugu kuur-galay sare u kaca Qiimaha dhulka iyo dhismayaasha iyo sida ay xaafadaha caasimaddu ugu kala Qaalisan yihiin u diyaariyey Idaacadda Af-Soomaaliga ku hadasha ee Hirad oo maamul ahaan hoos-tagta FREE PRESS oo ah urur caalami ah oo tabobarro iyo Qalabka warbaahinta ku taageera suxufiyiin badan oo ka hawl-gala dunida dacalladeeda, kaas oo xafiis ku leh magaalada Hargeysa.

HALKAN KA DHEGAYSO

hargeisa city hargeysa city

SOMALILANDPOST.NET