Waa Maxay Maalinta Jacaylka Adduunku (Valentine’s Day), Maxayse Diintu ka Qabtaa? – W/Q: Mustafe Abiib

  1. Waa ayo Valentine?

  2. Xaggay ka timid xaflada Valentine’s Day?

  3. Maxay ka qabtaa Diinteenu Islaamkeenu?

بسم الله الرحمن الرحيم

السلام عليكم و رحمة الله و بركاته

الحمد لله رب العالمين ، والصلاة والسلام على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين وبعد

Qormadeenan waxaynu kusoo qadan doonaa meeshay ay ka timid ama sababta loo xuso waxan looqaan Valentine’s Day ama Ciida Jacaylka,

Dhawr qiso ayaa la sheegaa inay ku timid sheekadan Valentine’s Day, iyadoo aanay isku dayi doono qisada ugu macquulsan ama ugu xooga wayn in aynaynu soo qaadano.

Hadii aynu ku horayno sida ka cad magaca xafladan ee ah Valentine’s Day wuxuu ka kooban yahay laba qaybood, waa “Valentine” oo ah magac qof iyo “Day” oo ah maalin ama taarikhba koba sidad doontu u dhahoo, haddaba waa ayo Valentine?

Waa kuma Valentine?

Valentine wuxuu ahaa Baadari wayn oo hogaamin jiray Kiniisadihii Roman ka qarnigii labaad, Valentine wuxuu ku dhashay xeebaha Masar, isago isla dalka Masar wax ku bar-baaray kuna bartay cilmiga Hellenistic science magaalada Alexandria ee dalka Masar, cilimgan oo ahaa cimli ka sheekeeya jiritaanka aduunka (kawnka), iyo waxaabaha loo abuuray aduunka.

Sida caadada ahayd qofka si fiican cilmigan u barta kana gaadha heer Macalinimo waxaa  uu tagi jiray Boqortooyadii waynayd ee barigaa jiray ee Roman ka, isagana way u roonayd (fiicnayd) inuu tago Roma, wayo wuxu xambaarsanaa fikir ah diin la odhan jiray Pagan, waa maxay Pagan? Dib aynu ku xusi doonaaye, Valentine  firkirkaas oo uu ku dhisay cilmigan heretical- ka oo kaso hor jeeday Diimahii wakhtigaa, gaar ahaa Roma uu jogay oo lagaga dhaqmi jiray Kaatolik (Cathloic),  waxaanu rabay inuu faahiyo fikirkisaa, shan iyo toban sano markuu jooga Roma, aya laga hor yimid waxaanu is bahaysi la galay dadkii orthodox-ka haystay ee Roma jogay, hasae ahatee walaga saaray Roma, waxaanu u baxsagay Jasiirada Qubrus (Cyprus) halkaa uu ku galay shaqadiisii Macalinimada ahayd, isla Qubrus ayuu ku geeriyooday Valentine sannaddii 160 ama 161 meelahas qiyaasti siday taariikhyanahadu shegan.

Maxay tahay Diinta  Paganku?

Pagan waa diin qadiim ah oo xiliyadi Roman jiri jirtay, maaha diin samaawi ah (nabi ilahay uso dhiibay) waa diin ay samaysteen niman taariikh yahano iyo faylasuufiyiin ahaa,

Valentine’s Day xagay ka yimid?

Marka lagu noqdo taariikhda, bilawgii  hore waa xaflad, waxaa qabsan jiray Roomaaniyintii hore oo haystay Diinta Pagan-ka, xaflada waxa la odhan jiray “LUPERCALIA”  waxana la qaban jiray15 Feb., waxaana maamuusay jiray Ilaahyada la kala odhan jiray JUNO oo ahaa Ilaaha guurka iyo Dumarka, Ilaahba xumaan ka nasahane, isla markaana waa Ilaaha logu magacdaray bisha lixaad (6aad) tirsigga Gregorian  ka ee June. Iyo Ilaaha Pan oo aha Ilaaha Dabeecada (Deegaanka).

Xafladaa ayaa dhalin yaradu ragga ah ayaa macagyo hablood ku bakhtiyaa-nasiib san jiray, ka dibna gabadha kusoo hagaagta ayuu halka ku qaadan jiray, isagoo iskal noolaan jiray si sharci daro ah.

haddaba markii aad ugu baahday caadadan xumi Romaniyiintii, sanaddii 496-kii ayaa Baadarigii la odhan jiray Pope Gelasius badalay xafladii LUPERCALIA ee la qaban jiray 15 Feb., una badalay magaca Valentine’s Day lana qabto 14 Feb., si loga baaqsado in Xaflada Diintga Pagan ka lala mid noqdo, iyadoo markaa aad iyo aad bulshada Kiritanka ugu faaftay xaflada hore, sida ayaa ilaa maanta loo xusaa 14 Feb.

Maxad ka qabtaa Diinteen Islaamku Valentine’s Day ga.?

Marka laga hadlayo diin, markiiba waxaa maskaxdada kusoo boodaysa, Xalal iyo Xaaran, wax Banan iyo Wax Aan-Banaanayn, iyo Amaro ilahay iyo Rasuulkiisu ka digeen ama kugu Booriyeen.

Si kastaba ah ahaatee, marka laga hadlayo ficil ama fal la qabanyo, ha-ahaato hadal, dhaqan, xaflad ama dabaal-dagba, waxa u mus-dambeeda Diinta ay aaminsan yihin bulshadaa ama dadka halka ku dhaqani.

Dhaqanadda ummadi ay lee dhahay waxay ku qotomaan laba shay midkood, Diin ama Caado-dhaqmeen ay ummadaasi leedahay.

Haddii aynu hore u soo tilmaanay in xaflada Valentine’s Day (Ciida Jacaylka) ay ku qotonto Diin oo anay ahayn mid qotonta Caado, isla markiiba waxad garan kartaa inay tahay Caqiido ama wax la aaminsan yahaya oo ah Diin (believes).

Kaba soo qaad xata inay caado tahay, caadona waa ku dayasho lagu dayanayo dad ka horeeyay ama ku la olog ah,

Ku dayasho markuu arinku noqdo Diinteena Islaamka ah qodoba ka yaal, qodobka waa la yidhaa الولاء و البراء, (oo ah yaad ku dayanaysaa (role model), yaase aad ku shisheeye ah), haynu usoo gondo-dagno bal Diinteenu nusuusta ama Aayaddaha ay ku tilmamtay cidda lagu dayanayo iyo qofkii  Gaal ku daydaa dhibkiisa aduun iyo aakhirab.

Yaad la dabaal-dagaysaa marka hore? Is waydii suaashaa, hadii ay jawaabtu noqoto Muslimiinta waxad noqon doonta kuwa ilahay yidhi:

وقال تعالى: {وَالْمُؤْمِنُونَ وَالْمُؤْمِنَاتُ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنْكَرِ وَيُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَيُؤْتُونَ الزَّكَاةَ وَيُطِيعُونَ اللَّهَ وَرَسُولَهُ أُولَئِكَ سَيَرْحَمُهُمُ اللَّهُ إِنَّ اللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ }                    (التوبة: 71)

Kuwa ilahay rumeeyay (ragga) iyo dumarka ilaahay rumeeyay badhkoodba badhkale ayay xigtadooda yihiin (ehel), waxay is faraan wanaaga, waxaanay ka reebaan dadka xumaanta, waxay ooggaan (toosiyaan) salaada, waxay bixiyaan sakada, alle ayay adeecan iyo rasuulkiisa, kuwaa (mu’miniinta) alle aya u naxariisan doona, Ilaha casiiska(cidina ka adkan) ee xikmada badan)

Ama xadiiskii Rasuulka ee ahaa (SWC).

قوله صلى الله عليه وسلم: «مَثَلُ المؤمنين في توادِّهم وتراحُمِهم وتعاطُفهم مَثَلُ الجسد، إذا اشتكى منه عضو ، تَدَاعى له سائر الجسد بالسهر والحُمّى» متفق عليه

Nabigeenu wuxuu yidhi (SC) { mu’miniintu kalgacalkooda iyo isku naxariisashadoodu waa sida jidh kaliya, hadday xubini xanuunsato inta kalena (jidhka) xumad iyo dhafar bad haleela}.

 

Ilaahay (SWT) iyo Rusuulkiisa Muxamed ah (SC) waxay inooga digeen in Gaalada lagaga daydo dhaqan ama caado, iyadoo laso gadhay xataa in la khilaafo haddii ay cubaado aynu iskugu nimaad sida soonka maalintii Nabgi muuse ilahay badda ka badbaadiyay, oo ay yuhudu soonto, muslimintana laba cisho in ay soomaan la inoo suneeyay, bal illa eeg ayaadahan quraanka ah ilahay siduu inooga diggayo Dameeri-Dhaan raacnimadda:

 

قال تعالى: ﴿ لَا يَتَّخِذِ الْمُؤْمِنُونَ الْكَافِرِينَ أَوْلِيَاءَ مِنْ دُونِ الْمُؤْمِنِينَ وَمَنْ يَفْعَلْ ذَلِكَ فَلَيْسَ مِنَ اللَّهِ فِي شَيْءٍ إِلَّا أَنْ تَتَّقُوا مِنْهُمْ تُقَاةً وَيُحَذِّرُكُمُ اللَّهُ نَفْسَهُ وَإِلَى اللَّهِ الْمَصِيرُ﴾ آل عمراي 28

(Yaanay ka dhigan mu’miniintu kuwa gaaloobay ehel ama xigto (jecelaysi) mu’miniinta sokadood, qofka sameeya sidaa (xito ka dhigta gaalada) allah agtiisa waxaba kama aha, ……)

{ يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا عَدُوِّي وَعَدُوَّكُمْ أَوْلِيَاءَ تُلْقُونَ إِلَيْهِمْ بِالْمَوَدَّةِ  }

(الممتحنة: 1)

(Kuwa xaga rumeeyow ha ka dhiganina Cadawga Eebe iyo Cadawga (Gaalada) sokeeye aad jacayl u gudbinaysaan, iyagoo ka gaaloobay xaqa idiin yimid….)

Haddii aynu sheegnay sidday  ay inoog diggtay diinteenu in aynu xidhiidhino Gaalada ama la dabaal dagno, waxaa is waydiin leh, siddee loo xidhiidhiyaa ama loo Ab- ka dhawaystaa gaalda?

Ab- ka dhawaysigga Gaalada waxaka mid ah siday isku raaceen culmidda muslimka ah:

  1. In la cadaysto la dabaal daga xafladahooda
  2. In la cadaysto in looga gargaaro muslimiinta (gaalda dhinaca la saaro)
  3. In la amaano ama lala dhaco xadaaradooda iyo dhaqankooda
  4. In cadaysto u naxariisashada kal- iyo lab (xidhidhka macaamil maha)
  5. In la isku ekaysiyo dhaqankooda iyo labiskooda (iyadoo niyadda la eegayo).

Waxan kusoo gunaanadayaa in dhalintu ka waantawdo u dabal daga ama xafladaha Gaalada, oo ay u dhug yeelato waxay ku saabsan tahay, isla markaana laabta usii daayaan Diintooda macaan ee Islaamka, ilaahaw tubta toosan lagu ha gaaji. Amin amin ya rab.

Qalinkii: Mustafe Abib Mohamed
            +2563-4426103