“Xisaabtu Waa Maaddo lagu garto Ardeyda Dedaalka badan,Kuwa maskaxda iyo…” (Maths = X iyo Y) – W/Q: Ceelaabe

Tan iyo Markii aan Waxbarashada Dugsiga bilaabey,Marna Maadada Xisaabtu Kamey maqneyn Waxbarashadii xidhiidhka aheyd ee aan ku soo Jirey.Xisaabtu waxa ay ku Jirtey Maadooyinka Quluubta Ardeyda saameynta weyn ku Yeeshay,Waxa ay ku Jirtey maadooyinka laga baqo,lagu dhaco,uguna Imtixaanka adag.Waa Maado Macalinka iyo Ardeygaba qiimeyn wanaagsan ka bixisa.Waa maado ardeygu haddii uu si fiican u fahmo dhaxalsiisa Darajo iyo Dhibco ka badan kuwa Ardeyda kale,Waana mid lagu Jeclaado Macalinka dhigaya haddii si fiican looga fahmo.Barashada Xisaabta Ayaa suuqa ka caan ah,Waxaana la heer iyo martabad taagan Macalimiinta Sayniska dhiga ama laga barto.Macalimiinta Sayniska iyo Xisaabta Ayaa ah kuwa ugu Sareeya ama loogu Jecel yahay Dugsiyada,Soomaaliga oo ah Afkeena hooyo laguna barto Suugaantiisa hodanka ah Ardeydu ma siiyaan Ahmiyad badan,Maaha kuwa la Jecel yahay ama doorka ku leh Tartanku Macalimiinta Taariikhda iyo Juquraafiga,Mana aha kuwa carabiga iyo diinta Islaamka dhiga,Balse waa kuwa Xisaabta iyo Sayniska kuu Dhigaya.

Waa Maado Xisaabtu lagu garto Ardeyda Dedaalka badan,Kuwa maskaxda iyo Fikirka wanaagsan ee sida wanaagsan wax u raadiya.Waa Maado Ardey badani aaney u heynin samir ama Maskax furfuran oo ay kula socdaan ama kaga Shaqeeyaan.Waana Maado macalinku inta uu  Mida fudud isagu ka shaqeeyo adigana laguu Diraayo Mida adag.Macalinka Tusaalaha fudud soo qaata Midka Adagna Ardeyda u dira Ayaan maqli Jirey marka xisaabta laga hadlaayo.Macalin Ardey la wanaagsan kuwo kalena la Xun Ayaan Maqli Jirey.Waana Maado aan ku bartey Ardeyda fasalka kaalmaha hore ugu Jira oo ah iyagu kuwo markasta ka dhisan aadna ugu fiican Xisaabta iyo Luqadaha sida Carabiga iyo Diinta,englishka ama Soomaaliga.Dhalinyar da,yar ah oo aad ugu fiican Fahanka iyo ka shaqeynta Xiisaabaadka Ayaan Arki Jirey sannadihii dugsiga aan ku Jirey.Dhinaca kalena waxaan ku dhex Jiray dad waaweyn oo in badan Fahanka Xisaabta wakhti ku bixiyey kuwaasi oo meel isaga Tiiriyey Guud ahaan Cutubyada hadba xisaabta lagaga Jiro.

Waa Maado magac leh,Maxaa Yeelay dadka oo dhan Ayaa hadal haya,Waa maado laga baqo,Maxaa Yeelay dadka oo dhan Ayaa  si gaar ah u dhiganaya oo Suuqa Kaalin xoogan ayey ku leedahay marka laga tago Luqadaha kala duwan,Waa maado dhibco sare ama buundo sare lagu gaadho,Waa maado fahan iyo Qaacido badan.Badhtamihii 90maadkii Waxa aad uga curtey Somaliland dugsiyada Luqadaha iyo Xisaabta lagu dhigan Jirey.Waxa soo Raacey in si gaar ah haddana loo dhigan Jirey sayniska,Teebka,iyo Meelaha qaarkood Barashada Computerska oo wakhtigaasi wadanka ku cusbaa.Dad badan oo Ardey ah ayey wakhtigaasi ishaadu qabaneysey aniguna aan ku Jirey kuwaasi oo suuqyada ka dhigan Jirey Maadooyinka sida Xisaabta oo kale.Ardey aan Xiisadii fasalka ka wada Fahmin Ujeedadii ama duluucdii casharka Ayaa kasii korodhsan jirey kana Fahmi Jirey dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Baqashada Imtixaanka Qeyb weyn Ayey ka tahay maadadani,Ardeyguna marka uu si gaar ah oo dheeraad ah suuqa uga dhigto Ayuu kalsooni ku helaa imtixaankeeda. Waa maalmaha Ardeyda Xisaabta taqaana la dugsado laguna soo wada uruuro imtixaanka meel aan ka fogeyna lala fadhiisto.Waa marka aad arkeyso dad badan oo wax ku akhriyaaya Masaajidada iskana caawinaaya Xisaabta iyo Furfurideeda ama Helida Natiijada saxda ah.Qofba Maadada uu ku fiican yahay Ayuu ardeyda kaga muuqdaa,Xisaabtase qof kastaa ka baqa waaney yartahay sida lagu helo dad aad ugu wanaagsan.Salaad casar ilaa Cishaa,igii Ayaa isheydu qabaneysey todobaadkii hore Ardey aad ugu mashquulsan Furfurida iyo fahanka Xisaab ay imtixaan iskugu Diyaarinaayeen.Waase meel aan soo marey 15 sanno ka hor.

Maadada Xisaabtu Waxa ay caan ku aheyd, X,iyo Y.X iyo Y ma hadhayaan,Ma dhamadaan,Waana tii aan Maqley qaar yidhi X garanaye 2da dusha ka saarani maxey aheyd.Gen X iyo Gen Y ayaa soo baxey.A,B,C,D,H,iyo Z, Ayaa soo raaca kuwa loogu isticmaalka badan yahay ama dadka wax loogu dhigo.X iyo Y 10naan sanno ka dib maanta waan ka xanaaqa ama ma Jecli in aan Maqlo xisaabaadkii ay ku Jiri jireen.Sayniska iyo Xisaabtuba waxa ay wadagaan A,B,C,D,X ,Y,Z,H in erayadaasi wax lagu raadiyo ama lagu qoro laguna fahmo.

Tan iyo Isku dhufashadii ilaa Wakhtigan Heer Jaamacadeed Dad ayey xisaabtu si uun u dabo socotaa oo aaney marnaba kaa hadheynin.Waxa la soo dhigey Add,Subtract,Divisions,Multiply,Fractions,Decimals,Wholenumbers,Aljebras,Logarthms,Calculas,Tibxaalayaal,Saabley,graphs,diagrams,charts,logics.Miyey dhamaaneysaaba,Miyaad ka xiiso go,eysaaba haddaad fahanto,Miyeyse Cabsideedu kuba deeneysaa.Miyaa la wada heyn karaa Boqolaal Qaacido oo kala duwan.Miyaa la wada keeni karaa Boqolkeeda Buundo.Haa/Maya.

Kuliyada ganacsiga Ayey soo gashey iyada oo Xisaabaad lacageed ah oo Accounting ah.Kuliyada Engineers Ayey ku Jirtaa iyada oo sidii kuwii hore ah.Kuliyadaha barashada Technologyga ayey ku Jirtaa iyada oo Xisaabtii caadiga aheyd ah.Fahanka Tirakoobka ama barashada Statistics ama Bixinta Cashuuraadka ayey xisaabtii ama Xalintii mar kale kuugu Jirtaa.Kuliyada Dhaqaalaha Ayey Xisaabtii kaaga Horeysaa ama aad ugu Tageysaa xitaa Calculastii.Kuliyada Sayniska Ayey kugu sugeysaa kana buuxdaa.Kuliyad aan Ardeydoodu dhigan ama soo arag mar labaad xisaabtii wey yar tahay.Imtixaanada Tijaabada ah ama lagu galo shaqada iyo waxbarashada Ayaa xisaabta iyo Luqadaha lagu qaadaa.Waana kuwa lagu kala reebo Dadka tirada badan.

95,96,97,98,99,2000,01 dugsiyadii lagu baran jirey si gaar ah maadada xisaabta ma xasuusan tahay.Macalimiintii soo bilaabey dugsiyada gaarka loo leeyahay ama Privateska ah ma kala garaneysaa Magacyadoodii.Sannadahaasi waxaan ku Jirey Dad Xisaabta suuqa ka dhigan Jirey marka laga tago Dugsiyadii dawlada ee lagu Jirey.Luqadaha,Computerska,Xisaabta,Teebka etc Ayaanu gelinka danbe u badneyn.Waxaan Garanayaa Xasan cawale oo macalin ah isla markaasina Gelinka danbe Xisaabta dugsiga hoose/dhexe Sheekh bashir ku dhigi Jirey.Shahaadadii berigaasi aan ka qaatey Ayaan Ayaamo ka hor eegaayey.Haldoor Abdilaahi Muuse Qaalib oo ah macalin wax i soo barey isla markaasina aan u hayo Qadarin weyn Ayaa isna ka mid ahaa.Macalin barkhad Ayaan in badan maqli Jirey.Macalimiin dugsiyada sida Farah oomar,26june,sheekh madar,sheekh bashir,dugsiga hoose dhexe 12 ugu dhigi Jirtey gelinka danbena si uun waa loo soo heli karaa.Macalimiinta ugu caansan Wakhtigan somaliland ayaa waxa ka mid ah kuwii Xisaabta iyo Sayniska.Kuwaasi oo hadda ka hawl gala Jaamacadaha wadanka iyo Dugsiyadaba.Miyey Hadheysaa Xisaabtu,Kolba shaadh Ayey soo xidhataa,Wakhtigan Xisaabtii dadka waa weyn Ayey nagu Noqotey oo Keliya X iy Y ayaa meesha ka baxey.2006 Ayaa iigu Danbeysey Mar aan ka fekiro Maadooyin si uun Calculations u leh Markii aan gudoomey Shaahaadada Master Degree MBA.X iyo Y. If X is and Y is ……..Find………