Waa Kuma Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland? – Siciid Maxamuud Gahayr

CALI MAXAMED WARANCADE
CALI MAXAMED WARANCADE

Ugu horreyn aan hadalkayga ku bilaabo hambalyo iyo duco oo aan u dirayo Wasiirka Cusub ee Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka mid ah masuuliyiinta aan aqoonta durugsan u leeyahay, aniga oo Alle uga baryayo inuu u fududeeyo xilka loo igmaday. Xilliyada dambena waxa aan si faahfaasan u tebin doonaa Sooyaalka iyo Sifaha shakshi ee Hal-door Warancadde haddii Alle idmo.

Haddii aan arartaas kooban ka gudbo, Cali Maxamed Warancadde oo uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland waa siyaasi caan oo ka soo qaybgalay xukuumadihii kala dambeeyay ee dalka ka curtay iyo axsaabta qaranka, waxa uu ku dhashay magaalada Hargeysa sannadkii 1951-kii isaga oo tacliinta malcaamaddana ka bilaabay degmada Allay baday oo uu ka shaqayn jiray aabbihii oo ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada.

Intaas kaddib waxa uu u soo wareegay Hargeysa oo ku qaatay tacliinta dugsiga hoose/dhexe ee Abusite, aqoonta dugsiga sarena waxa uu ku qaatay magaalda Muqdisho gaar ahaan dugsigii sare ee Allaahi-da loo yaqaannay. Tacliinta sare ee Jaamacadda waxa uu ku qaatay caasimadda Ruushka oo Moosko markii dambena waxa uu ka mid noqday masuuliyiinta sare ee xafiiskii socdaalka ee xukuumadda Soomaaliya, markii uu halkaa muddo joogay waxa loo xulay inuu noqdo Qunsulka Soomaaliya u fadhiya dalkii Liibiya halkaas oo uu uga baxay dalka Tuuniisiya kaddib markii uu xumaaday xidhiidhkii u dhexeeyay Qaddaafi iyo Maxamed Siyaad Barre. Intaas kaddib waxa uu safar gaaban ku soo laabtay Soomaaliya waxaanay isku dhaceen masuul loo cumaamaday haayaddii uu ka shaqayn jiray sidaas ayaannu ku joojiyay shaqadii dawladda milatariga isaga oo u wareegay dhanka ganacsiga.

Markii uu waddanku xoroobay waxa uu ka mid noqday waxgaradka dhexda u xidhay sidii looga gun-gaadhi lahaa loogana dhabayn lahaa xaqiijinta himilada gooni isu-taagga, si gaar ah waxa uu door uga qaatay dedaalladii nabadayneed ee lagu dejiyay xiisadihii colaadeed ee dalka hadheeyay sannadihii 1992-1996-kii waxa uu si gaar ah ugu suntan yahay hawlgalladii lagu qarameeyay qaar ka tirsan maleeshiyaadkii Hargeysa sida uu iiga warramay C/Raxmaan Aw Cali Faarax oo ahaa Madaxweyne ku-xigeenkii Somaliland ee xilligaas hoggaanka dalka hormoodkiisa ka mid ahaa.

Waxa kale oo xusid mudan socdaal uu isaga oo ah Wasiir ka tirsan xukuumadda uu nabadayn iyo waanwaan ugu tegay Oodweyne oo ay gacanta ku hayeen mucaarid ay wakhtigaas xukuumadda iska soo horjeedeen, waxaana ku wehelinayay hal-door kale. Socdaalkaasi waxa uu fure u noqday is-afgarad buuxa oo markii dambe dhex-maray xukuumaddii Cigaal iyo bulshadii markaa diiddanayd, natiijada togan ee dhex martay wefdigii Warancadde la socday iyo garabkii ka soo horjeeday waxa door weyn ka qaatay Alle ha u naxariistee Sudaan Ciise Suldaan XirsiQani, Suldaankii Guud ee Beelaha Galbeedka Burco.

Xilal badan oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Caafimaadka, Ganacsiga, Warfaafinta, Waxbarashada, Duulista Hawada iyo La-taliyaha Madaxweynaha ayuu ka soo qabtay Xukuumadihii Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal iyo Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo ka mid ah dadka ku suntan waxqabadka iyo horumarinta bar-maamuleedyada uu madaxda ka noqdo, waxaana taas lagu muujiyay suugaano badan oo ay ka mid yihiin:

Sida Warancaddaa

Wax la muujiyaa

Mahuraan waxqabad iyo markay, muhindis soo gaadho

Waa kaa madaarkii ka dhigay, sidi Maraykaane

Aadmiga mar soo booqday wuu, wada mafsuudaaye

Macna daran garaadlaa intaas, meelo cay shuba’e

Magacii inuu geesi yahay, waa mid la hubaaye

Maaddada waxqabad Warancaddaan, kala midoobaaye (Cali-duulduul)

Halkuu ka masuulyay goorba

Hubaal Cali baa ka muuqday (Hal-door 2011)

Sannadkii hore waxa loo doortay Murashaxa Xisbiga UDUB ee Jagada Madaxweynaha waxa uu se xisbigaasi ka hadhay doorashada markii ay Guddiga Diiwaagelintu laaleen xilkii UDUB u doortay Cali Maxamed Warancadde iyo ku-xigeenkiisa oo ahaa Axmed Xaaji Daahir. Markii dambena waxa uu Warancadde ka mid noqday masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo uu ka tirsanaa inta aan si rasmi ah loogu magacaabin Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Si kastaba ha ahaatee, Md Cali Maxamed Warancadde waa masuul waayo-aragnimo badan u leh shaqada dawladda gaar ahaanna horumarinta, amniga iyo xallinta mushkiladaha, waxaanu taageero badan ku kasbaday xilkasnimada uu ku hago wasaaradaha uu xilkooda qabto, waana la sugayaa sida uu uga hawl-galo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com