Waa Kuma Sayid-Aadan Axmed Madar (1790-1899)? – W/Q: Sayid-Axmed M. Yuusuf

Waa hubaal in, inbadan oo cinwaanka maqaalka aragtay aanay aqoon u lahayn magaca Sayid-Aadan Axmed Madar. Laakiin marka aad maqaalkan waxoogaa akhrido, ayaa dad badani ila garan doonaan magaca kor ku xusan. Sababta aan su’aasha inoo soo dhex dhigay, ma aha magac madhan ee waa taariikh dhan oo inna ag taalla. Waa taariikh nool ilaa maalinkaa maanta ah, balse aan wax laga qorin, taasoo ay la qabto taariikh-deenna guud ahaan oo u badan mid aan qornaym. Waxa aan se is leeyahay taariikhda iyo aqoonta uu magacani xanbaarsan yahay waa mid aan sinnaba loo illoobi karin, waana hubaal in wax laga qori doono. Weli wuu jiraa deegaankii uu aasaasay Sayid-Aadan.
Xilli ku beegan 1810-kii ayuu Aadan “IHN” uu u baqoolay Maka Al-Mukarama, si uu u soo xajo aqoon diimeedna uu u soo korodhsado. Halkaas ayuu ku soo bartay aqoon sare oo dhinacyada aqoonta diinta Islaamka ah. Waxa uu halkaa kula kulmay ama u ahaa macallimiin culimo caan ka ahayd caalamka Islaamka, gaar ahaan dariiqadii Axmadiya ka sii gaar ahaan Dandaraawiyah. Waxa loo soo diray Sayid-Adan carrigii soomaaliyeed ee uu markii horeba ka yimi. Waxa uu sitay tilmaamo uu ku socday. Isaga iyo xertiisiiba xilli ku beegan 1830kii ayey yimaaddeen Berbera. Waa ay sii dhaafeen oo waxa ay degeen goobta loo yaqaan guriga Dariiqada ee ku yaalla magaalada Sheekh. Xilligaa magaalo ma jirin deegaankii ugu horreeyey waxa ka aasaasay Sayid-Adan Axmed Madar. Halkaa kuma ekaan, ee muddo yar ka dib waxa uu u dhaafay dhinaca deegaanka Oodweyne, gaar ahaan Dariiqada Xaaxi, oo uu ka furay dugsi diinta lagu dhigto.
Labada gooboodba inkastoo lagu baran jiray Qur’aanka Kariimka, Axaadiistii Nebiga “CSW” waxa intaa dheeraa, in dadka lagu wacyi geliyo wanaagga, walaaltinimada iyo in laga fogaado tollaysiga qaldan ee u horseedi kara xumaanta iyo diin la’aanta. Waxa uu uga dhigay eray halqabsi ah “Waxa aynu nahay Ikhwaan”. Dhammaan dadka deegaankaas ku soo xidhmay waxa ay noqdeen dad iska xiga dadka intiisa kale. Iyagoon isku bahaysan qabyaalad ee ku walaaloobay dar Ilaahay. Bilawgiiba sida sooyaalka aad ka dheehanayso waxa la sameeyey xeerar u gaar ah deegaanka hoos yimaadda Dariiqada Sheekh iyo Xaaxi. Dhinaca wax soosaarka waxa la bilaabay in wax la beerto, sida hadhuudhka oo ahaa ka ugu mudnaa xilligaas. Waxa kaloo sooyaalka ku cad in xertii la socotay Sayid-Adan ay u badnaayeen dad ka soo raacay dhinaca deegaanka loo yaqaan Gubanka.
In wax la beertaa waxa ay u ahayd, yoolka ugu horreeya ee degsiimo lagu aasaasi karayey. Waxa kaloo xusid mudan in deegaankaas laga fogeeyey geela oo ahaa xoolaha ugu qaalisanaa dadka soomaalida. Waxa se aad dareemaysaa in uu Sheekhu u arkayey in aan geeljire deggenaani meelna u soo marin. Waayo, beddelkeeda waxa ka muuqata in uu Sayid-Aadan ku dhiirrigeliyey in lo’da la dhaqdo, taasoo ahayd ilaa maantana ah xoolaha ugu badan ee lagu dhaqdo deegaanka Dariiqada. Waxa aynu garan karraa in aan Q-19aad lo’du ku badnayn dhulkeenna, balse tani waxa ay ka mid noqonaysaa, wax yaabihii uu horseeday Sayid-Adan A. Madar. Dhawr sannadood ka dib waxa ay noqotay goob loo soo doonto barashada diinta Islaamka. Waxa laga iman jiray deegaanno aad u kala fog. Waxa kaloo ay noqotay goobta looga gurmado marka colaadi dhacdo, oo lagu kala dhex galo beelaha xurguftu dhextaal. Waxyaabaha u saamaxay in ay dhex u ahaadaan beelaha oo dhan waxa ka mid ahayd, culimada oo ka koobnayd beelo kala jaad-jaad ah. Waxa la odhan karaa beelaha dega Somaliland ilaa dhinaca Soomaali-galbeed way yartahay beel ka maqan deegaankaas.
Waxa aynu si yar u odhan karnaa waxa uu dhisay Sayid-Adan dawlad leh kala danbayn. Marka aynu halkaa marayno dadka qaar baa malaa ay u soo baxaysaa uun xertii dhulkeenna ku badnaan jirtay. Waxa aan jeclahay in aan xuso in aan Qaadka/Jaadka la oggolayn in lagu cuno, iibiyo, laguba arko deegaankaas. Sigaarka ama buuriga kalena la mid buu ahaa oo lagama oggolayn Guriga Dariiqada. Arrimahaas waxa ay aad ugu kala taggan yihiin culimadii dhinaca galbeedka gaar ahaa Harar. Waxa xusid mudan in markii uu Ingiriisku yimi dalkeenna aanuu muddo dheer soo dhaafin magaalada Berbera. Markii uu soo dhaafay ee yimi dhinaca magaalada Sheekh, waxa uu ka codsaday Culimadii markaa joogtay in la siiyo deegaan. Waxa uu u weydiisanayey, Ingiriisku xoog kumuu qabsan dhulkeenna, ee heshiis buu ku yimi. Waxa kaloo uu iska ilaalinayey in lagu kaco, oo lagu fahmo hawlaha uu damacsanaa sidaa awgeed buu u weydiisanayey Culimadii Dariiqada Sheekh in ay siiyaan meel uu dego. Sida aan maqlay, nimankii caddaanka ahaa waxa ay codsadeen in degsiimo laga siiyo, meel u dhaxaysa qudbiga Sayid-Adan (oo markaa sii mootanaa) iyo Sheekh Quddub—nin ka mid ahaa culimadii xilligaa oo la odhan jiray Xaaji Abokor Cabdulle Sugulle IHN-tee, ayaa yidhi: “Maya lagu siin maayo halkaas, oo gaal iigama muuqan karo labada qudbi dhexdooda ee halkaas baanu ku siinnay”. Meesha la siiyey waxa ay ku dhowdahay halka maanta uu maro dawga Sheekh ee laamiga ah (Maaha kii hore). Beri danbe ayuu Ingiriisku soo degey halkii uu rabay.
Si aan maqaalkani u dheeraan. Kollayba garatay Sayid-Adan Axmed Madar, oo laga yaabo in aanaad hore u maqal ama aad maqashay uun magaca Sayid-Aadan oo keliya. Aan soo koobo oo xuso waxyaabo u gaar ah ama summad u noqon kara deegaankii uu aasaasay Sayid-Aadan. Waa marka hore, deegaanka uu degey, isagu hore uma deggenayn, beeshiisuna ma deggenayn. Taasi waxa ay ku tusaysaa sida uu ugu soo kordhiyey dadkeenna in la wada degi karo, oo laga bixi karo qabyaaladda iyo is tolaysiga, waanuu ku guulaystay. Maxamed Cabdille Xasan, waxa uu soo maray Guriga Dariiqada xilli ku beegan 1901kii, oo uu ka rabay kaalmo. Wax badan markii ay isla eegeenna waa ay ku diiddeen qaabkii uu wax u doonayey. Khilaafkaa-soo sii xoogaystay, waxa uu gaadhay in bilawgiiba uu Maxamed C. Xasan uu taageero ka helay deegaanka Oodweyne, halkaasoo uu ciidan ka soo diray si ay u soo qabqabtaan Culimadii Dariiqda, balse ma ay dhicin taasi. Waana markii ugu horraysay ee laga qaxo Dariiqada Sheekh, kuna beegnayd 1903-05 Waa markii ay ku gabyeysay Qoran Sugulle Shugxiye:
” Insigii la soo diray, markuu nagu arooryeystay, Qarraxdoo in doora ah, markii nalagu Eedaamay. Ilaahiyo Asyaadduba markay nala itaalaysay, Ashahaado mooyee, markii qaylo la illoobay. Waxba yaan aroosiyo la helin, Aqallo waaweyne, waxba yaan adduuniyo la helin umaradeenniiye. Xamdi mahad, Allahayoow haddaan nala agoomaynin.”
Waxa la yidhi, markii la soo weeraray waxa aroos ahaa Qoran Sugulle Shugxiye IHN-tee inankeeda oo ahaa Xaaji Cabdi Xaaji Abokor. Cidna kuma dhiman weerarkaas. Waxa kaloo laga qaxay Guriga Dariiqada 1941kii, markii talyaanigu qabsaday dalka Somaliland. Waxa uu ula yimi maamulkii talyaanigu culimadii dariiqada waxyaabo ay qaadan kari waayeen, waxa ay arkeen in uu xoog ku qabsaday dalka oo waxa uu doono uu samayn karo. Go’aan waxa ay ku gaadheen in ay ka guuraan Gurigii ay jeclaayeen. Waxaanay galeen buuralayda waaweyn ee dhanka galbeed kaga beegan magaalada Sheekh. Dugsiga sare ee Sheekh ee caanka ah, waxa oggolaaday in halkaa laga dhiso dhulka na siiyey Culimadii Dariiqada. Dugsiga dhexe ee Sheekh injineerkii dhisay oo ahaa ijnineerkii ugu horreeyey ee ahaa muwaadin reer Somaliland ah waxa uu ahaa Cali Sheekh Maxamed Jirde oo uu dhalay Sheekhal Dariiqihii xilligaas–labadoodaba IHN-tee. Culimadii soo martay Guriga Dariiqada ee magaca ku lahayd inkastoo ay badnaayeen aan ku soo gunaanado dhawr ka mid ahaa. Xaaji Nuur Guuleed, Xaaji Abokor Cabdulle, Xaaji Jaamac Hannas, Xaaji Adan Faarax Yuusuf, Xaaji Maxamed Cabdi Kariim, Saalax Yacniile (Oo isaga iyo ubadkiisiiba laga yaqaan dhulka soomaalidu degto oo dhan) Sheekh Maxamed Jirde, Xaaji Nuur Cabdalle, Xaaji Xasan, Xaaji Maxamed Siraad (oo ahaan jiray Qaaddi Quddaadka Somaliland), Xaaji Cabdillaahi Diiriye “Gamgam” (Oo xubin ka ahaa baarlamaankii ugu horreeyey ee Somaliland1960kii), Maxamed Shire Maxamed (Gaab) (oo ka mid ahaa aabayaashii aasaasay waxbarashada casriga ah xilli ku beegan soddomaadkii), Sheekh Aadan Xasan “KULMIYE” (oo ahaa raggii aadka ugu caan baxay nabadaynta beelaha), Macallim Qaasim (Oo ka mid ahaa raggii aasaasay SYL dhinaca Somaliland), Aw Xasan Xaaji Adan *Oo maanta ka mid ah culimada ugu da#da weyn ee ku sugan Guriga Dariiqada.
Ma dhammayn karo, ee waa uun inta Ilaahay idmay in aan halkan ku qoro. Intii dhimatay Ilaahay ha u naxariisto inta nool Ilaahay caafimaad ha siiyo, aamiin. Waxa aan si gaar ah halkan duco uga dirayaa Macallin Qaasim oo ah tiir u taagan wanaagga iyo waxtarka dadka, kuna soo jiray ilaa yaraantiisii. Ilaa maanta oo uu noolyahay ah astaan u taagan malcaamadihii iyo dugsiyadii lagu baran jiray Qur’aanka. Ka bilaw Berbera, Sheekh, Burco, Oodweyne, Xaaxi, Haqayamalaasle, Go’da weyn ilaa deegaanka ku teedsan jidka Hargeysa iyo Berbera u dhexeeya, ayaa aan hubaa in uu ka aasaasay malcaamado ay ka soo qalin jebiyeen, oo qur’aanka ku soo barteen kumaankun qof oo maanta kala jooga daafaha adduunka. Maanta wuu caafimaad qabaa, da’baase haysa. Ilaahay noloshiisa caafimaad ha ugu dhammeeyo, aamiin. Ducadaa Macallin Qaasim baan ku soo gunaanadayaa qoraalkan.

Alloow Eex ma tiraabine, aqoon haygu cadaabin.

W/Q:  Sayid-Axmed M. Yuusuf
Sweden