Waa Kuma Raysal-wasaare Recep Tayyip Erdogan, Hoggaamiyaha ugu dhiirran Dunida Islaamka?

recepMagaciisaoo buuxaa waa Recep Tayyip Ahmet Erdogan. Wuxuu dhashay sannadkii 1954-kii. Wuxuu ku dhashay deegaanka la yidhaa Kasimpasa oo jaar la ah caasimada Istanbul. Aahihii wuxuu ahaa askari ka tirsan ciidan ilaalada xeebaha ee Turkiga. Hooyadii oo la odhan jiray Tensile waxay ahayd gabadh ka shaqaysa horumarinta dumarka muslimiinta aduunka. Waxay ahayd gabadh caan ku ah khudbaha iyo abaabulka bulshada. Waxay dhimatay sannadkii 2011-kii. Halka aabihii uu dhintay sannadkii 1988-kii.

Erdogen iyo Xaaskiisa Aamina

recep2Erdogan oo kasoo jeeda qoys muxaafidiin ah oo diinta Islaamka ku dhagan  ayaa guursaday 1978  xaaskiisa  Aamina Erdogaan oo ah haweenay ku caan baxday  xirashada xijaabka oo aan ku badnayn haweenka dalka Turkiga, iyagoo dhalay  2  wiil iyo 2  gabdhood.

  • Sannadkii 1960-kii ayuu bilaabay dugsigii hoose oo ku yaallay isla-goobtii uu ku dhashay ee Kasimpasa.
  • Sannadkii 1964-kii ayuu bilaabay dugsigii dhexe, waxaanu ka bilaabay magaalada Istanbul. Dugsigan wuxuu ahaa “Islamic school” amma dugsi diini ah. Qoyskooda oo aan dhaqaale haysan aw-geed wuxuu suuqa ku iibin jiray khudaarta. Waxaanu is-kaga bixin jiray lacagta dugsiga uu dhigto. Wuxuu ahaa is-koris.
  • Sannadkii 1969-kii ayuu isna bilaabay dugsigii sare, waxaanu ahaa dugsi-xirfadeed diini ah( Religious vocational High school).
  • Sannadkii 1974-kii ayuu galay jaamacada ku taal Turkiga. Wuxuu bilaabay inuu barto dhaqaalaha iyo ganacasiga. Markii uu jaamacada ku jiray wuxuu aad xariif ugu ahaa kubadda cagta. Waxa kale oo guddoomiye ku-xigeen ka ahaa ururuka ardayda jaamacada.

 

Natiijadii doorashooyinkii Dawladaha hoose ee Turkiga

recep3

  • Sannadkii 1978-kii ayuu guursaday xaaskiisa oo la yidhaa” Emine Gulbaran. Waxay ku kulmeen shir caalami ah oo uu ka qaybgalay, waxaana halkaasi ka bilaabay xidhiidhkooda. Jacayl xagiisa ka yimid ayaa keenay inay is-calfadaan. Wuxuu leeyahay lab inan iyo laba hablood. Inamadu waxay kala yihiin: Ahmet Burak iyo Necmeddin Bilal. Habluhu waxay kala yihiin: Esra iyo Sumeyye.
  • Sannadkii 1979-kii ayuu dhammaystay jaamacadii. Waxaanu bilaabay shaqadiisii ugu horaysay oo ahayd guddoomiyaha xisbiga islaamiga Qaranka garabka dhalinyarada.
  • Sannadkii 1980-kii waxa dalka Turkiga ka dhacay inqilaab milatari. Wakhtigan wuxuu xubin ka ahaa xisbiga daryeel islaamka.
  • Sannadkii 1984-kii wuxuu noqday guddoomiye degmo isagoo metelaya xisbiga daryeelka islaamka.
  • Sannadkii 1985-kii wuxuu u dalacay guddoomiyaha degmada ugu weyn Istanbul. Isagoo xilkan hayey ilaa sannadkii 1989-kii.
  • Sannadkii 1991-kii waxa loo doortay xubin baarlamaan, laakiin waa laga horistaagay inuu kursigaa ku fadhiisto. Waxaana ka mamnuucday maxkamada sare.
  • Sannadkii 1994-kii ayaa loo doortay duqa magaalada istaanbuul, oo wakhtigaasi ahayd magaalada ugu weyn dhinaca ganacsiga dalka Turkiga iyo weliba yurubta bari. Wakhtigan waxa magaalada istaanbuul haystay dhibaatooyin kala duwan sida, biyo yaraan, cidhiidhi waddooyinka ah, khashin tuulaa meel kasta iyo hawo wasakhow. Muddadii uu xilkaasi hayey oo ahayd 1994-kii ilaa 1998-kii wuxuu xaliyey dhammaan dhibtii ka jirtay istaanbuul. Wuxuu sameeyey toddoba biriish oo keenay in laga baxo cidhiidhigii waddooyinka. Shacabka reer istaanbuul ayaa u sacabo tumay qorshihiisa. Taao keentay inay kor-u-kacdo sumcadiisu. Waxa kale oo ku guulaystay shahaado caalami ah oo ay bixiyaan qaramada midoobay.
  • Sannadkii 1998-kii dabayaaqadiisi ayaa lagu xukumay toban bilood oo xadhig ah, ka dib markii ay xoogaysteen xisbigii cilmaaniyiinta ahaa, waxaan waxba kama jiraan lagu tilmaamay distuurkii dalka Turkiga. Waxaana amar lagu siiyey inaanu ahayn duqa magaalada istaanbuul. Waxaanu xukunkiisu dhammaaday horaantii sannadkii 1999-kii.
  • Sannadkii 2001-dii ayuu aasaasay xisbiga cadaalada iyo horumarinta ( AKP)
  • Sannadkii 2002-dii ayuu xisbgia cadaalada iyo horumarintu ku guulaystay saddex-meelood meel kuraasta baarlamaanka. Una dhiganta 34% cododkii la dhiibtay. Laakiin Erdogan muu noqon Raysal-wasaare, waayo muu haysan aqlabiyad uu ku noqdo Raysal-wasaare. Waxaan wakhtigaasi Raysal-wasaare noqday Cabdalla Gul.
  • Sannadkii 2002-dii dabayaaqadiisi ayey maxkamada sare laashay jiritaanka doorashadii baarlamaank ee sannadkaasi dhacday, taasina waxay fursad qaali ah u noqotay Erdogan, waxaanay u suurtagalisay inuu noqdo Raysal-wasaaraha dalka Turikga. Taasina waxay ka dhigtay xisbiga ( AKP) kii ugu horeeyey ee soo dhisa dawlad xisbi keliya ah.
  • Sannadkii 2007-dii doorashadii baarlamaanka ayaa la qabtay waxaana mar labaad guulaystay xisbiga Erdogan(AKP). Arrintani waxay noqotay taariikhda markii ugu horaysay muddo 52 sannadood ee xisbi laba jeer guulaysto. Waxaana mar labaad Raysal-wasaare noqday Erdogan.
  • Sannadkii 2011-kii waxa dhacay doorasho guud dalka oo dhan. Waxa mar saddexaad guulaystay xisbiga (AKP). Ka dib xisbigii ayaa mar saddexaad dib u magacaabay Raysal-wasaare Erdogan.
  • Sannadkan 2013-ka waxa dalka Turkiga gaar ahaan magaalada istaanbuul ka dhacay rabashado gilgilay siyaasad Raysal-wasaare Erdogan iyo dawladiisa. Arrintan ayaa la saadaalinaayey inay u dhamaatay Raysal-wasaare Erdogan iyo mustaqbalkiisa siyaasadeed, balse wuxuu ula tacaalay si xirfad iyo dabac ku jiro, taaso soo af-jartay duufaanadii siyaasadeed ee ku kacay.

 

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in Journalism

Hargaysa, somaliland

calicoomay@hotmail.com

Tix-Raac: The Sun and BBC World Trust.