Waa Kuma Masuulka ugu Wax-qabadka Badan Xukuumadda Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo Kartidiisa u Qiray?

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa Wasiirka Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ku tilmaamay inay ka mid tahay wasiirrada xukuumaddiisa ee ugu kartida badan isla markaana shacabka dalka ka kasbatay kalsooni ay arkeen wax-qabadkeeda.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sidaas ka sheegay munaasibad Xalay uu magaalada London ula qaatay Jaaliyadda Somaliland iyo xubno ka tirsan Hoggaanka Xisbiyada mucaaradka, waxaana munaasibadda goob-joog ka ahaa oo madaxweynaha ku wehelinayey socdaalka uu ku gaadh dalkaas Marwada Madaxweynaha Aamina Waris Sh Maxamed Jirde, Wasiirrada Waxbarashada iyo Duulista Hawada Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Md Maxamuud Xaashi Cabdi.

Madaxweynaha-SomalilandMadaxweynaha oo jaaliyadda uga war-bixinayey wax-qabadka Xukuumaddiisa ku tallaabsatay muddadii ay xilka hayeen, waxa uu tusaale u soo qaatay Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo uu tilmaamay inay qayb ka tahay horumarka xukuumaddiisa dalka ka qabatay, isaga oo sheegay in ay wax weyn ka qabatay Waxbarashada dalka.

Madaxweynaha oo wax-qabadka Xukuumaddiisa tusaale ugu soo qaatay Wasaaradda Waxbarashada, waxa uu yidhi, “Dalkeennu intii uu jiray iyo intii ay dawladdani jirtayba wax badan iyo meelo fara-badan baa iska beddelay. Waxyaabo fara-badan baa la qabtay oo waa tii laga wada-warramayey, horena warkeeda waa loo haystay horumar dhinac walba leh, caafimaadka leh, tacliinta leh. Wasiir Samsam, wasiirrada ugu aktifsan ee dalka wax ka qabtay runtii weeye ee tacliinta aad iyo aad u horumariyey.

Bari dhowayto, markaanu ku wareegaynay dalka oo dhan, meel aanu istaagno oo aan laga faaninaynin ma jirin wax-qabashadeeda oo waa tii billadaha lagu wada-siinayey.”

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in aanay xukuumad ahaan diiddanayn dhaliilaha loo jeediyey, isaga oo qiray inay jiri karaan godaloolooyin xukuumaddiisu yeelan karto, balse ay soo dhawaynayaan cid kasta oo talo-wadaag iyo tusaaleba u soo jeedisa isl amarkaan ay qaadanayaan.