Waa Kuma Masuulka Hanan Kara Xilka Mayirnimo Ee Magalada Borama? – W/Q: Abdikani Daud kalinle

Tan iyo intii ay soo if baxay khilaafkii xoogaana ee xilka qaadidii aan caadiga hayn ee maayirkii magalada borama,iyo waliba xilka xayuubintii aan caadiga ahayn ee ay ku dhawaaqeen kolaha Deegaanka magalada Borama in ay xilka ka xayuubiyeen maayirkii magalada borama Mr, Abdirahman Shidde Bille, oo ayna si ku meel gaadhana ugu doorteen jagada maayirnimo ee magalda borama Mr. Muumin Gadiid Omer , oo ahaa maayirku xigeenkii  magalda borama ee golaha deegaanka ,  hadaba khilaaf ban iyo isqabqabsi aan wali dhamaan raadkiisu, walina ka dhex aloosan golaha deeganka magalada borama, ayaan wali lakala cadayn masuulka loogu imankaro jagada maayirnimo ee magalada borama oo ay golaha deegaanka magalada borama ay na aqoon sanayan maayirka ay xilka ka xayuubiyeen, basle ay u aqoon san yihiin masuulka ay u doorteen in uu si ku meelgaadha u sii hayo jagada maayirnimo ilaa inta la helaayo masuul hanankara  xilka maayirnimo , balse dhanka kale maayirka ayna aqoon sanayn golaha deegka magalada borama ayaa waxa si buuxda u aqoon san dawalda dhexe ee Somaliland oo ay masuul uga tahay wasarada arrimaha guddaha ee somaaliland oo si buuxda u sheegtay in ay aqoon santahay maayirkii xilka xayuubinta ay ku sameeyeen golaha deegaanka magalada borama, Mr, Abdirahman Shide BIlle,

Balse, Khilaafkan ban ee ka dhex aloosan xilka maayirnimo ee magalada borama  ayaa ah mid indha shacabku ay ku hayaan oo ayna hadal hayntiisu ku badan tahay shacabka, masuulka  ku guulaysandoona xilka maayirnimo ama hanan doona , mise waxa uu noqon doonaa midka duwan labada masuul ee isku haya xilka maayirnimo waa abdirahman shide bille iyo Muumin Gadiid Omer oo ay hayeen labadooduba maayirkii magalda borama iyo maayirku xigeenkiisii , balse hada ay dood xoogan kala dhex taalo oo ah masuulka hanankara xilka maayirnimo, Hadaba, dawalada dhexe oo aan  wali goaan ka gaadhin khilaafka xoogan ee ka dhex aloosan magalada borama iyo masuulka qaban doona xilka maayirnimo, balse arintu waxa arintaa waxa looga fadhiyaa in uu jawaab kulul ka bixiyo masuulka ugu sareeya jamuuriyada S/land,  H.E Ahmed Mahamed Mahamoud (Siraanyo)

 Hadaba waa kuma masuulka hanankara xilka maayirnimo ee magalada borama, hadii uu maddaxwayne H.E Ahmed Mahamed Mahamoud (Siraanyo) uu ku dhawaaqo masuulka hanankara xilka maayirnimo ee Borama,balse maxaase shuruud ah oo lagu xidhi karaa masuulkaas, inkasoo uu dhamaaday wakhtigii golaha deegaanku ay xilka loo igmaday balse waxa cad oo muuqada aan loogu darin in ay sii hayaan xilka iyo inkaleba .masuulka hanankara xilka maayirnimo waxa uu noqon karaa  masuul cilmi sare leh oo haga danaha shacabka reer awdal tusana hananka toosan iyo dimuqraadiyada iyo waliba dawlada wadaaga maamulka Suuban ee madaxwayne A.M.M siraanyo, masuulka hananta xilka maayirnimo  waxa uu looga fadhiyaa in uu fuliyo dhamaanba baahiyaha shacabka reer borama tusana habka maamulka suuban looga baahan yahay inuu mariyo shacabka suuban ee bixinaya cashuurta buuxda had iyo jeer looguna abaal celiyo waxa qabad buuxa  oo la taaban karo lana arki karo hadaba maxaa ka mid noqon kara waxayabaha baahida buuxa loo qabo oo ay bulshada reer borama raadinayso.

  1. In lala tacaalo nadaafadda gudaha magalada oo aan la aamin.
  2. In la sameeyo wadooyin isku xidha xaafadaha magalada dhexdeeda iyo hareeraheegaba.
  3. In dib habayn lagu sameeyo wadooyinkii la sameeyey oo hareeraha ka jajabay.
  4. In dib habayn buuxda lagu sameeyo dhamaanaba guddaha dawalada hoose ee borama oo ay indhuhu qaban karayn, dhamaanba dhismayaasha ay ka kooaban tahay xafiisyada  shaqaaluhu.
  5. In dib habayn xoogan lagu sameeyo hoolkii waynaa ee shirarka golaha deegaanka
  6. In dib habayn lagu sameeyo wadooyinka magalada oodhan intii wado ku jirta oodhan la simo.

Masuulka hananta xilka maayirnimo ma buuxin doonaa shuruudaha kor ku xusan iyo kuwa hoos ku xusan labada mana soo bandhigidoonaa qorsho sanadeedkiisa si uu la tashado bulshada kale

  1. In la helo masuul aqoon sare u leh habka maamul ka suuban.
  2. In la helo masuul u daacada ah shacabka reer Awdal oodhan.
  3. In la helo masuul ilaalin kara hanida shacabka  ama hantida dawlada.
  4. In la helo masuul wax qabadkiisu muuqdo mar walba.
  5. In la helo masuul la xisaabtami kara dhamaan ilaha dhaqaale oodhan,

 si loo yareeyo  ku takri falida hantida shacabka ama umada.

Masuulka hananta xilka maayirnimo ma buuxin doonaa shuruudaha kor ku xusan intaa iyo in ka badana ma ku soo kordhin doonaa shacabi waynaha reer awdal si uu kasbado quluubta reer awdal ee ka niyad jabtay ku takrifalida hantida shacabka laga ururiyey ee lagu talagalay in umada waxa loogu qabto waxana loogu dhiso sida hooyooyinka fadhiya cadceeda ee ka fikiraaya sidaa ay u heli lahaayeen nolol maalmoodkooda dhaqaale oo ay ku dhacayso cadeed kulul iyo dabayl qalalan oo wada taha siigo, taasoo ay u dheertahay, hadii ay bixin waayaan lacagta cashuurka ku waajibka ku ah loogu abaal gudaayo aflagaado iyo dhalacayn buuxda balse waxa nasiib daro aha in lagu takrifalo hantida meelaahas oo kale laga soo ururiyey waana waxa laga naxo oo uu damiirku ku siinayn in la cuno ama la burburiyo bulaa sobob laan, balse waxa haboonayd in waxa loogu qabto meelaha ubaahan waxa qabad,  haba u yaraato in hooyinka la dalaadhacaya dhaqaale xumada ee balse sida fiican u bixaya cashuurta lakaabo iyo  kolba hooyadii sida fiican u bixisa lacagta cashuurta si ay dhiri galin ugu hesho maalinta danbe oo ay si buuxda u bixiyaan dhamaantood.

Abdikani Da’uud Kalinle

Borama/ Somaliland