“Waa in la soo Xidhaa Qofka Bixin Waaya Cashuurta” Maayarka Caasimadda

Hargeysa(SLpost)-Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamed Caydiid Soltelco ayaa ka waramay qalabkii dhawaan soo gaadhay caasimadda in la rakibbay si loo isticmaalo qalabkaasna ay u baahan tahay lacag ay dawladda hoose ku shaqayso isaga oo xusay in ay waajib tahay in muwaadiniintu bixiyaan cashuurta. Waxa kale oo uu faray qurbajoogta dhulal ama guryo ku leh caasimadda in soo diraan wixii cashuur lagu lahaa

Maayarka oo arrimahaas ka hadlayaa waxa uu yidhi “Waxa imika socda dhismaha halkii la dhigayey qalabka, markaas baa la rakibayaa qalabkii. Markaa waxa aynnu u baahanay dhaqaalihii aynnu ku shaqayn lahayn. Dadweynaha waxaan leeyahay horumarku waxa uu imanayaa marka cashuurka la bixiyo. Waxaan dadweyanha ka codsanayaa in ay bixiyaan cashuurta, hadday bixin waayaan laamaha u xilsaaran iyo booliska iyo shaqaalaha cashuuurta waxaan leeyahay waa in la soo xidhaa qofka bixin waaya cashuurta.
Waxaan u sheegayaa walaalahayaga qurbaha ku maqan ee aqalada ku leh Hargeysa- Kuwa kiraysan cidda ay u kiraysan yihiin baa laga qaadayaa, inta kalena waxaan leeyahay cashuurta soo dirra hadday noqoto tii dhulka iyo tii kaleba. Waxaan leeyahay dadweynaha cashuurtii liimaha wixii dhinnaa waa in aad iska bixisaan. Cashuurta aqalada iyo dhulka ee banaan ee seesan ama dayran waa in la bixiyaa. Cashuurta qalada la kala iibsaday, aqal walba waa la diiwaangelinayaa oo olole ayaa socda, qofka aannu magiciisu ku qornaynaw kaalay oo la wareeg.

Waxa kale oo aan leeyahay dadka haysta dhulka beeraha ah, inta la iibiyey maahee inta kale waa in ay cashuurta ku waajibtay bixiyaan. Qofkasta oo la siiyay dan guud annaga ama maamuladii naga horeeyay ee cashuuran waaya inta sanadkaa ka hadhay, dawladda hoose dhulkaa dib bay ula wareegaysaa oo waxa loo arkayaa in uu ka maarmay” Ayuu hadalkiisa ku soo afjaray maayar Soltelco