Waa Immisa Wasiirrada Shaqaalaha U Ah Xisbul Xaakimka Kulmiye? – W/Q: Mawliid Aadan Cumar

Mawliid Aadan Cumar
Mawliid Aadan Cumar
Mawliid Aadan Cumar

Hadallada masuuliyiinta qaarkood markay xafladaha iyo shirarka jaraa’id ka hadlayaan waxaad moodaa inay la hadlayaan dad maxaabiis dagaal ah oo dal kale u dhashay , balse uma haystaan inay la hadlayaan shacabkii Somaliland ee ay xilka u hayaan kuna dhex noolyihiin berito marka xilka laga qaadana ay ku noqon doonan.

Xisbul xaakimka kulmiye wuxu ahaa xisbi mucaarid ah oo wakhti dheer ku soo qaatay mucaaridnimada iyo hadalada qalafsan oo mararka qaarkood gacantu la socoto, sidaasi awgeed golaha wasiirada ee xisbul xaakimka kuma cusba mucaaridadu waxay tahay balse waxa jira xubno wasiira ah oo iyagu ku yimid nidaam ka duwan xulashadii xubnaha xisbiga ee madaxweynuhu u magacaabay wasiirada, xubnahaas oo aan ka mid ahayn xisbiga kulmiye balse ah xubno xisbul xaakimka ama madaxweyne Axmed-silaanyo ku magacaabay Boos buuxin beeleed oo golaha wasiirada ah.

Hadaba waa imisa wasiirada shaqaalaha u ah xisbul xaakimka kulmiye ee markay saxaafada kala hadlayaan ama u jawaabayaan mucaaridka laga dareemayo inay xoosato yihiin had iyo jeerna ay iskaga khaldanto ka hadalka hawlaha wasaaradahooda ay maamulaan iyo u jawaabista mucaaridka ama cida dhaliil ka sheegta madaxweyne Siilaanyo ama wasaarad kale oo masuulkeeduba ka jawaabi karo dhaliisha lagu sheegay. Haddaba wasiiradaasi waxay leeyihiin halkudhegyo lagu yaqaan oo inta badan halqabsi ay uga dhigtay bulshadu kadib markay bulshadeena u cuntami wayday hadalada ay warbaahinta kaga hadlayaan, sidaasi awgeed halku dhegyadaasi oo ka turjumaaya magaca iyo wasiirka yidhaahda waa sidan:-

  1. Cidii ka hortimaada madaxweynaha cagaf baan mariayaa.
  2. Madaxweynuhu waa murashax doorkiisi labaad weeye.
  3. Anigaa xidhay xarunta agoomaha yaryare ee gabadhaa Luul Mattan, waxaanan ku wareejiyay ciidanka asluubta.
  4. Ayaxaasi uu naga xoog batay oo waxan kula dagaalano ma haysano balse waxay wasaaradu beertay dalagyo Bariis ah.
  5. Shaqo aan ka qabto somaliland sanadkaas 2014 ayaa la iitiriyaa oo madaxweynahaa Illaahay Hadaayee xilkaa iidhiibay ee walaalahaga reer sool waxan leeyahay Huuno reer hebel hanagaga tagina waynagu kkkkkkkk. Ta kale ogaada aniga iyo wasiir Xirsi waxanu nahay laba wasiir oo siman.
  6. Xildhibaan Cali Aareye waa xildhibaan gobolka salal ah walina muu tagin gobolkii laga soo doortay Madaxweynaha anigaa ka xaal siinaya

 

 By. Mowliid Aadan Cumar

Hargeysa, Tell: 0634410898