“Waa biseyl siyaasadeed in Xisbiga talada haya doorashadii iyo guddoonkii Baarlamaanka looga guulaysto, haddana madaxweynihii…” Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Muqdisho (SLpost)- Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka Somalia Ee WADAJIR Cabdiraxmaan Cabdishakuur Ayaa Ka Hadley Doorashadii Shir-Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland oo salaasada maanta loogu doortay inuu Golahas Hoggaamiyo Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka soo baxay Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu bisayl siyaasadeed oo dimuqraaddiyadi ku dheehan tahay isla markaana aan dalkiisa Soomaaliya wali gaadhin ku tilmaamay inuu madaxweynaha Somaliland aqbalo oo uu hambalyeeyo guusha Xisbiyada mucaaradku ka gaadheen doorashadii isku-sidkanayd ee Goleyaasha Deegaanka iyo Wakiillada iyo sidoo kale gacanta ku dhigaan Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, halka uu sheegay in dalkiisa Soomaaliya aanu wali heerkaas oo gaadhin isla markaana aanu ka jirin bisayl siyaasadeed oo wax laysku oggolyahay, balse taas beddelkeedana ay ka jirto is-muquunin laysu awood-sheeganayo iyo in tartanka doorashada layska reebayo.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa arrintan iyo qoddobo kale kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxaanu ku bilaabay sidan:-

“Runtii waa biseyl siyaasadeed iyo bilow fiican oo dimoqoraaddi ah in Xisbiga talada hayaa doorashadii, maayarkii Hargeysa iyo guddoonkii Baarlamaanka looga guulaysto, haddana madaxweynihii talada hayey uu hambalyeeyo. Innagu weli waxaynu joognaa doorasho dadban oo weliba qaarkeed tartanka la iska reebayo,” sidaas ayuu yidhi Siyaasigu.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa wakhti kooban kaddib markii uu dhammaaday fadhiga maanta ee golaha wakiiladu doortay Shir-guddoonka, waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabilay saddexda xubnood ee shir-guddoonka Cusub loo doortay, kuwaas oo saddexdooduba ka soo baxeen Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Waddani, kuwaas oo uu Md Muuse Biixi ku hambalyeeyey doorashadooda iyo guusha ay gaadheen oo uu ku tilmaamay mid qaranku wada-leeyahay.

Dhinaca kale, Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu diray farriin siyaasadeed u muuqata jawaabta hadal hore uga soo yeedhay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo sheegay in siyaasiyiinta Soomaaliya yihiin cadowga koowaad ee liddiga ku ah aayo-ka-tashiga iyo guulaha Somaliland gaadhay.

Waxaanu qoraalkiisa ku yidhi,  “Hambalyo guddoonka cusub ee Baarlamaanka Somaliland. Madaxweyne Biixiyow kuwa Muqdisho isku eryanaya waa walaal wax ka halaysan yihiin ee ma aha cadowgaaga ugu wayn”.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka mid ah murashaxiinta u taagan Jagada madaxweynaha Soomaaliya, waxaanu si adag uga soo horjeedaa inta badna dhaliilaa siyaasadda hoggaamineed ee madaxweynaha dalkaas Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Somalilandpost.net