“Waa ayaan-darro haddaad tidhaahdo dawladda (Somaliland) Al-shabaab ayay la shaqeysaa, iska celi intaada, annagu dalkayaga waannu difaacnay, cadow dhow iyo mid shishaba waannu iska difaacaynaa”

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wefti uu hoggaaminayey oo dhowrkii Maalmood ee u dambeeyay safar shaqo ugu maqnaa dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaanu si adag uga jawaabay eedaymo indho-la’aan ahaa oo Maamulka Garoowe u soo jeediyey Somaliland.

DSC_0011Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo markii ay isaga iyo Weftiga uu hoggaaminayaa ka soo degeen garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa Warbaahinta kula hadlay qolka nasashada, ayaa Warbixinta safarkiisa iyo cidda ay Jabuuti kula kulmeen ka sokow, jawaab ka bixiyey eedaymo ay Puntland ku sheegtay in Somaliland iyo Al-Shabaab aanay kala garanayn si ay u kala saaraan iyo baaqa ay dalalka caalamku Somaliland ugu soo jeediyeen inay Ciidankeeda dib uga soo qaaddo deegaannada Xadka ay Somaliland iyo Soomaaliya wadaagaan fadhiya si ay amniga u sugaan.

HALKAN KA DHEGAYSO

DSC_0005

SOMALILANDPOST.NET