Waa Amar Illaahay Ifka In Aan Isweynaa! – W/Q: Ridwaan Mubaarik Cabdi

Laba aan is hurinoo

Hadanaa aan is haynoo

Intuu caashaq wada helay

RIDWAANHayaan kala fogaado

Kala heeray waayuhu

Mid waliba halkiisuu

La jiifaa haraadkee

Halkaad ku negi tahay

Maxaad caawa haysa

Hawada caafimaadkaaga

Iyo heerka noloshaada

Haynta jeebkiyo siday

hawshu kugu tahayee

hibasha xasuusta hurdo kama seexdo

wadnahaa I habayee kaaguna ma heemaa?

hasaawaheenii ma usoo hilowdaa?

habeenkii koley tahay ma lay kaa horkeenaa?

hareertaada gogosha ma ku habataa gacanta?

sida geel haleela hoos miyaad ka reentaa?

hamuunta iyo xiisaha ma is haysan weydaa?

sida hobol can baxay keligaa ma heestaa?

hambalyada salaantiyo ma heshaa waraaqaha?…. <Xaliimo Khaliif Magool>

 

Waxa hubaal ah in noole kasta oo addunkan ku dul nooli uu yahay mid leh cawaaqib fara badan oo jid gooyo ku noqda rabitaanadiisa gaar ka ah haday tahay jacaylkiisa, hadafkiisa iyo baahiyaha kale ee nolosha ahba.

Waxaan shaki ku jirin in waddooyinkaasi ay yihiin kuwo ay qaban qaanadooda ay leeyihiin dadyow jecel arrimahaas jid gooyada ah iyo falalkoodaba taasina ay tahay mid maanta qalbiyo badan murug ku haysay dhaawacyaday ka qadeen iyo waxay kala kulmeenba.

Waxaan qirsanahay in baahi kasta oo meel kaa gashaa ay tahay mid aanad si dhayal ah ku hanaan karin ilaa imtaxaan aad u marto mooye waayo waxa jiraal ah in tijaabada imtaxaankaasi uu yahay mid lagu qiyaasayo hadba inta uu yahay samir ka aad sidaa iyo weliba heerka sugnaanshiyahay uu daareenkan uu kugu leeyahay.

Waxaan mawduucan u doorbiday in aan ka hadlo sababo dhawr ah awgood oo aan qabno aniga iyo dhamaan dhalinyarada mucaashaqiinta iyo weliba kuwo jidkaas soo haya ee aan weli ku soo dhicin marinkan, taaso ah;

  • In dareenkiiba<jacaylka> noqday mid markasta ay nagag gudban yihiin dadyow aanu u aragnay inay hul noo qodayaan
  • In lamamayaasha isku uurka san isku hibeyntoodii ay noqotay mid loo fasirtayba waddo khaldan inay tahay taasina ay bohoyow ku riday dhalin badan.
  • In lamaano kasta oo abuura nolol jacaylku dhisan ay yihiin maanta kuwo ugu dhibta iyo waxyeelada badan doorarka guurka ee soo mara dhalinteena.

Iyo qaar kaloo badan oo aan la soo koobi karin laakinse aan rajaynayo inay laabaha mucaashaqinta ku qar soon tahay taasina ay mar uun ka soo maaxan doonto qalbiyadooda.

Qoraalka maanta iyo mawduucyadeena dareenka jacaylka waxaan dhamaantii aynu kusoo qaadan doonaa dhacdo Jacayl oo dhab ah oo ka dhacday magalada hargeysa gaar ahaan xafado ku dhow xafada lamagac baxday 150.

Markay tariikhdu ahayd 01-04-2007 waxaa xafadahaas ku noolaan jiray aan filanayana in mid kood lamaanihii waqtigaa ku noolaa uu ku nool yahay, akhyaartaasi runtii tariikhdooda jacaylku waxay ahayd mid u soo ban baxday dibada xafadahaas heer ay dhalinyarada xafadu ay ku sheekaystaan dhacdadoodo oo indho badan yaab ku abuurtay.

Inkasta oo aan filayo in dhacdadan oo buug ahaana ay inoo soo bixi doonto oo hada uu gacanta ku hayo wiilkay beegsatay, hadana waxaan si guud u soo dul mari doona siday wax u dhaceen iyo halka uu ku dhamaaday dareenkoodii iyagoo weli aan kala go’in laakinse dayr adagi ku kala waaban yahay.

“Quman iyo qumane waxay ahayeen akhyaar ku nooleyd xafadaas isla mar ahaantaana ahaa da’yar noloshooda ku salayn jirtay  sidii ay u abuuri lahayeen nolol ku dhisan dareenkooda.

Waxay isku barteen waddo walaaltinimo laakinse markii ay wadadaas jidkeeda ku sugnaayeen muddo sedex bilooda ah, mudadaas kadib waxa ku dhalatay in dareenkoodii uu noqday mid iska gediyey wejigii hore ee ay ku abuureen taaso ay iyagu u arkayeen inay tahay dareenkoodii walaltinimo oo ku istaagay adimo adag.

Muddo markii la waday dareenkaas ayaa waxa qumane ku dhashay dareen ka baaxad roon kii uu horey ula waday quman taasoo naftiisina ku abuurtay hilow badan oo uu u arkaayey xiise inuu hayo laakinse jawigu u ahaa mid ka duwan hawada uu ku sugnaa.

Horaantii bishii sideedad sanadii 2008 ayaa waxa qumane ku dhashay dareen ah in hawadan hagaysaa ay tahay mid dareen Jacayl ku liifaqan yahay oo isla markana ahayd mid niyadiisii ka dhigaty nugul aan u dul qadan karin kala maqnaanshiyahooda.

Waxa qalbigii qumane ku sii baaxad balaadhay dareen uu umalaynaayey in aanay quman la dareensanayn laakinse dhinaceeba ay la ahaaday daala dhac waayo labadooduba waxay ahayeen kuwo la kala baqanayey muujinta dareenkan.

Muddo markii laysku oodnaa si wax laysu sheegaba la garan waayey ayaa waxa dhacday habeen arbaca ah quman oo ku sugan goob cafimaad oo uu daawooyinka ka baran jiray uu quman soo garaacay number keedii isagoo u soo  ban dhigay in uu jiro dareen aanu garanyn macnihiisa , laakinse uu uqaatay inuu yahay dareen Jacayl taaso ay quman lafteedu la qaadatay in ay faqeyn doonan markay hawshu ka dhamaato ay soo garaaci doontoana mardhaw ayay ku war gelisay qumane.

Markii waqtigii la gaadhay ayay quman si aan hagar lahayn u wacday qumane iyadoo rabta inay ka sal gaadho dareenkoodan ku noqday mid afkoodiiba ka dhigay juuq-gab.

Waxa habeenkaas laysla qaatay in dareenkani uu yahay mid mideyn doona qalbiyadooda taasina ay tahay bay yidhaahdeen mid aan baahidiisa muddo qabney. Habeenkaas wixii kadanbeeyey waxa lays la meel dhigay go’aano ay kamid ahayeen “dhinacaaga dheeliga ka dhawr iyo waan ka ilaalinayaa, yaan bad dhaxdeena laga shidin.’’’

Waxaa aas-aas dareenkaas looga dhigay erayo sal dhig u ahaa is afgarashadooda sida “Cammii’ oo ah eray carbeed oo micnaheedu tahay ‘adeer’’, taasoo u ahayd eray ay isla qaateen.

Waxaa la abqaalay dareen madacdanihiisu ahayeen erayo samaani ay ku ladhneyd, dhaqan ay hibasho ku laabneyd iyo raali gelin qalbiga kasoo unkantay, waxaa la ahaa ul iyo diir muddo ka badan 2 iyo badh.

Waxa lasoo wada qaatay nolol Jacayl inteedii ugu macanaa ee ay dhalin yari wadaagi jireen laakinse waxaa intaaba kaga darneyd siday ku mideyn doonan qalbiyadooda iyagoo dhinacyo badan ka tabanaayey daruufo adag oo gaga imanaayey labada garab ee ay kasoo jeedeen lamaanahan oo midkood uu ahaa mid ay dhinacyo badan arrino badan kaga imanayeen sida ;

  • In loo eegayey wiil/gabadha ay gabadhu/wiilku rabtu uu ahaado mid kadhashay/ka dhalatay reer balaadhan taasina ay tahay mid loo doorbidaayey nooc qabiileed iyo wax la halmaala
  • In maal laga rabo laba dhinac midkood hadii uu qof damco taasina ay tahay mid xujo ku ahayd dareenkoodan.
  • Iyo in laba dhinac midkood uu ahaa mid lala doonayey qof kale oo lala rabay in lagu sidko taasina ay ahayd mid u muuqatay in la rabay nolo bilaa xoriyada ah.

Iyadoo ay jiraan caqabahaasi ayay hadan quman iyo qumane ay ahyeen kuwo ku calool adagsanaa ruumeynta dareenkooda jacaylka ee ay muddo bar-baarintiisa wadeen.

Waxay qaadan wayeen bay ku noqotay quman iyo qumane inay si dhib yar leh ay kusoo afmeeraan dareenkoodan ay u arkayeen inay ku meel mari karaan, muddo markii sidaa la ahaa qalbiyadoodana farta ku hayeen “tolow qoorma ayaa la soo afmeerayaa dareenkiinan.’’’

Waxaa dhacday in falaqeyntoodii badneyd ay kasoo dhex saaraan fikir ah inay mideeyaan dareenkooda waayo waxay ahayd wadada keliya ee u banaaneyd, waxaa uu qumane ku dhiiraday in arrintan u soo bandhigo waalidkii isagoo ka cabsi qabay in aan la aqbali doonin nasiib wanaagse si wacan loo soo dhaweeyey codsigiisii ahaa in qoftaas lagu lifaaqo.

Waxaa lays la afgartay in la isa siiyo  quman iyo qumane, waxa si wacan losoo afneeray mideyntoodii, waxay maalintaasi ay u ahayd maalin xusid iyo maamus badan , waxay gaadheen heer ay farxad awgeed isba garan wayeen meel ay ku sugan yihiin iyo meel uu dareenkoodu marayaba, waxa si qumaati ah loo wadaagay noloshii lamaane iyo raxadeedii, waxa la hindisayba fikir ah inay ka faaloodaan qaad dhismeedka uu noqon dono gurigay nolosha ku wadaagi doonan iyo agabka ay ku noolaan doonanba.

Nasiib xumo intii quman iyo qumane ay ku hawlanayeen noloshooda iyo siday u dhisi lahayeena waxay dhinac kamid ah labada garabna ku hawlanayeen sidii noloshaas dhisan loo baabiin lahaa taasina ay u muuqatay fikir khaldan oo waqtigaa go’aankiisu ahaa mid lagu dagdagay.

Waxa bilaamay bur-burintii iyo xidid u saaridii dareenkii quman iyo qumane waxaa soo dhawaatay xabsi u taxaabidii jacaylkii quman iyo qumane iyo sidii loo kala jari lahaa dabarka isku haya, waase lagu guuleystay markii muddo lagu waday hawl galo runtii qaab-dhismeedkeeda loo kala danbeyey.

Waxaa soo dafiicay xidhiidhkii quman iyo qumane, waa lakala baaday hindisihii gurigoodanu wuxuu noqday xaabo lagu idlaysto dabka taaso aan uga socodo markay xaaladu gaadhay in ay quman iyo qumaneba noloshii ay damceen yagleelan ayay talo fara ka bax noqotay tollow ma darbiyada iyo furaashkay wehelkoodu ahaday mise calaf baa isugu laabanoo farxadu waa mid u danbeysa haba danbeysee yaa dhaya kara qalbiyadoodii???.

Waxa kala qaaday qalbiyo isku sidkanaa oo aan marnaba kala maarmin waayo wuxuu midkastaa ahaa mid u huray niyadiisa garabka kale taasina ay ahayd mid u muuqatay inay tahay xalka qalbiyadooda.

Muddo markii cadaadiskaasi quman iyo qumane ku lamaanaa waxay quman u adkaysan weydo cadaadiskaas iyo weliba dilmo u dheerayd nafteeda taaso ku kelitay inay ka jiidh go’do qumane waayo waxa intaas u dheerayd kala doorasho waqtigaa u ahayd laba daran mid door taaso la kala dooran siiyey;

  • Amaba anaga noo  go’
  • Amaba qumane u go’

Taasian ay ku abuuratay quman inay sidaas ku weydo qalbi ku lamaana waaxyaheeda isla mar ahaantaana ay u arkaysay ruuxa keliya ee niyadeeda dugsin kara ay kana heli karto farxadeeda nololeed.

Qumane arrintani waxay ku noqotay af kala qaad iyo amakaak uu garan waayey dhianc uu wax u qaadaba waayo waxay ku noqtay laf-dhuun gashay oo dhinacna u dhaafi weyday, “qumana wuu huri waayey meel uu ka soo celiyana wuu garan waayey’’.

Quamane isagoo sidaa ku waayey quaman ayaa waxa u dhashay wiil uu illahay ka dhex beeray maalmihii ugu farxada iyo xasuusta badneyd noloshooda. Taaso qalbiyadooda ku noqotay mid laxaw kale ku beerta niyadoodii xanuun badana ku sii kicisay nafahoodii waayo waxay rajaynayeen inay abuuran nolol kudhisan hooyo iyo aabbo meel kuwada nool iyo cariirtoodii taasina ay noqotay hami been ah iyo tacabkoodii oo noqday hal bacaad lagu lisay.”””

Halkaasayna ku soo af xidhantay xidhiidhkii quman iyo qumane iyagoo weli ah lamaane aan is hurin ah  laankise buur adagi ku kala deyran tahay.

Waa marxalad adag sida looga gudbaa.

 ‘Waxaan u rajaynayaa lamanahaas in illahay ka yeelo labadii isku soo noqda, dhexdoodana ka hela noloshay ku tamayeen dhisideeda.”

 

Waxaan maqaalkaygan ku soo afmeerayaa erayo uu hal abuuray qumane waqtigaas oo u dhignaa sidan;

 

Dumarkuba  sidoo daba

Ma sina hanaankoo

Way kala horeeyaan,

Ana sebekan maanta ina

Haween kula simo suuroobi weydee,

Muuqaagu inanyahay markaan saaro

Dhaayahay hamuun baan ka qaadaa,

Siday hodaney ila tahay hoygeen,

Samaayee hadmaan ku helayaa…..

 

Email : ridwaan_99@hotmail.com