Vladimir Putin oo markii saddexaad loo dhaariyey Madaxweynaha Dalweynaha Ruushka

[M]oscow (SLpost)- Raysal-wasaarihii hore ee dalka Ruushka Mr. Vladimir Putin ayaa markii saddexaad loo dhaariyey xilka madaxweynaha dalkaas oo uu dhawaan ku guulaystay.

Siday ku warantay wakaaladda wararka ee Reuters, munaasibad kooban oo guriga dalkaas looga taliyo ee Kremlin lagu qabtay, Mr. Putin waxa uu u dhaartay qabashada xilka, iyadoo ay jidadka dibadda ka ah ka socdaan mudaharaadyo rabshado wata oo lagu diidan yahay qabashadiisa hoggaaminta Ruushka inuu markale ku soo laabto.

Mr. Putin oo 59 jir ahi, waxa uu dalka Ruushka soo xukumayay ilaa 2000, xilligaas oo ahayd markii koowaad ee uu Madaxweyne noqdo, iyadoo afartii sannadood ee u dambeeyayna uu ahaa Raysal-wasaaraha dawladda Moscow.

Hadda dhaarintiisan muddo-xilleedka 6-da sannadood ahi, waxay xafiiska ku hayn doontaa ilaa 2018, iyadoo xilligaasna uu fursad u haysto inuu u ordo sidii uu xilkaas u qaban lahaa mar afraad. “Waxaan shaqada u tixgelin doonaa sida aabaha qaranka iyo in qarankeenu uu macno u leeyahay noloshayda,” ayuu yidhi Mr. Putin oo la hadlayay 3000 kun oo qof oo marti-sharaf ahaan u yimi hoolka aqalka Kremlin.

Xilliga ay dhaarintu socotay, waxa jidadka caasimadda Moscow ka socday dibad-baxyo lagaga soo horjeedo in kooxda Putin qabato talada Kremlin, iyadoo ay mudaharaadyadaas abaabulayeen ilaa 1000 kun qof oo ka mid ah dhaqdhaqaaqayaasha mucaaradka, kuwaasoo qaarkood ay Booliska isku dhaceen, lagana hortegayay rasaasta rabadhka ah.

Dibad-baxyada lagaga horjeedo Madaxweynenimada markii saddexaad ee Putin, waxa loo xidhay ilaa 120 qof oo uu ku jiro hoggaamiyaha xisbiga Mucaaradka Boris Nemtsov, iyadoo Axaddii shalayna xabsiga la dhigay inka badan 400 boqol oo dad ah oo doonayay inay mudaharaad la hormaraan guriga Kremlin.

Laakiin, ka dib markii uu si uu dhaarto gacantiisa dulsaaray nuqul ah oo ka mid ah Dastuurka dalka Ruushka, Mr. Putin waxa uu ku dooday wanaajinta dimoqraadiyadda dalkaas. “Waxaynu doonaynaa in aynu noolaano, kuna noolaano dal Dimoqraadi ah oo qof kastaaba xaq u leeyahay fursadaha dalbashada shaqo iyo awoodiisa. Waxaynu doonaynaa in aynu noolaano, kuna noolaano guusha Ruushka, loona tixgeliyo ta ugu wanaagsan dunida, ugu furfuran, ugu daacadsan, saaxiib ahaana loogu jecelyahay,” ayuu yidhi Madaxweyne Vladimir Putin.

Madaxweynaha xilka wareejiyay, Dmitry Medvedev oo isna hadal ka jeediyay munaasibadda, waxa uu afartii sanadood ee u dambeeyay u soo shaqeeyay sida saaxiib yar oo uu leeyahay Mr. Putin.  “Waxaan ku soo shaqeeyay sidii aan ku balanqaaday u dhaarashadaydii xafiiska oo ah in aan si furan oo daacadnimo ah wax kasta ku qabto,” ayuu yidhi Mr. Medvedev.

Wakaalada Wararka ee Reuters waxay sheegtay in la rejaynayo in Salaasada beri uu Mr. Putin si rasmi ah Mr. Dmitry Medvedev ugu magacaabo Raysal-wasaaraha dalka Ruushka.

SLpost News/Hargeysa