Virus vs Drones: Furin kale oo dagaal oo ku Furantay Milatariga Maraykanka Wakhti uu ku jiro Hawl-gallada Argagixisada

Washington, (SLpost)- Iyada oo dhawaan la xusay sannad-guuradii 10aad ee bilowga duullaankii Maraykanku ku qaaday Afghanistan, waxa xaqiiqo ah oo jirta inuu haddana dhex dabbaalanyo la-dagaallanka nooc argagixiso ah oo ka duwan tii uu hore ula dagaalamayey. Wararka laga helayo Milatariga dalkaas ayaa sheegaya inay khaatiyaan ka joogaan Viruses-ka Computerrada gala oo faro-baas ku haya xarumaha laga hago diyaaradaha aan duulliyeyaasha lahayn ee ka hawl-gala dalka Afghanistan iyo goobaha kale ee uu dagaalka kaga jiro Maraykanku.

Majaladda Wired oo maalintii Jimichii soo daabacday warbixin uu diyaariyey qoraaga caanka ah ee Noah Shachtman kaas oo sheegay in saamaynta Virus-ka la dareemay laba todobaad ka hor. Viruskan oo noociisa lagu sheegay ‘keylogger’ waxa uu diiwaan-geliyaa amar kasta oo la fuliyey wakhti ay diyaaradaha aan duuliyeyaasha lahayn hawl-gallo ugu maqnaayeen meel dibadda ka ah dalkaas.

Drones-ka waxa laga maamulaa xarunta oo ku taala Gobolka Nevada ee Marayka

Xog laga helay Milatariga Maraykanka ayaa sheegaya in nooca Virus-kani uu dhowr jeer iska caabbiyey isku-day lagaga saarayey computerrada saldhigga Creech Air Force oo ku yaala duleedka magaalada Indian Springs ee gobolka Nevada.

Waxa la sheegayaa in Maraykanku aanu weli soo dejin diyaarada, inkasta oo wararku sheegayaan in Viruskani aanu wax saamayn ah ku lahayn dhaq-dhaqaaqa iyo la-wareegista hawsha ay diyaaruhu wadaan.

Mid ka mid diyaaradaha Drones-ka nooca loo yaqaanno REAPER ee loo malaynayo in Virus-ku saameeyey

Si kasta ha ahaatee, Alex Knapp, oo warbixinnada ku qora majaladda Forbes, waxa uu rumaysan yahay in Virus-kani uu saameeyey Diyaaradaha iyo xarumaha laga hago. “Haddii weerarkani yahay mid ku-talo gal ah, markaa waxa suurto-gal ah in macluumaadkii isaga gudbay habka isku-xidhnaanta, loo wareejisan karo meelo kale oo aan la aqoon, inkasta oo wakhtigan aanay jirin wax caddayn ah oo jirta,” ayuu yidhi Alex.

Somalilandpost.net

yaasiin_29@rocketmail.com