Villa Soomaaliya Hadmay Miyirsan Doontaa?

Heerka garasho ee bani’aadamku wuu kala duwan yahay. Wuxuu ku kobcaa aqoonta iyo waayaha. Wuxuu ku kala duwan yahay hadba sida loogu dhaqmo, oo noqon karta mid waxtar ama mid waxyeello leh, mid Caddaalad ku dhisan iyo mid Caddaalad-darro ku dhaqanta.

ALLE ha u naxariistee Marxuum- Faarax Galooley oo u dhashay Gobolka Banaadir- labadii Ra’iisul-wasaare ee ugu horreeyey xornimadii lixdankii ka bacdi, markay Villa Soomaaliya magacowday, wuxuu yidhi; “Cabdirashiid iyo Cabdul-rasaaq mooyaane inta kale ma Rooti baa” Labadaas Ra’iisul-wasaare waxay u dhasheen gobolka Bari ee Soomaaliya.

ALLE ha u naxariistee Madaxweyne Cabdirashiid Cali Shar-ma-arke wuxuu Ra’iisul-wasaare u magacaabay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal oo isbeddel weyn ku sameeyey qaab dhismeedkii iyo jawigii Siyaasadda ee dalkii Soomaaliya. Hase ahaatee jawigii cusbaa ee siyaasadeed ma raagin.

Laba sanno kadib 1969-kii Golihii sare ee kacaanka ee uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre, ayaa Villa Soomaaliya inqilaab ku qabsaday.

Muddadaas Marxuum-Faarax Galooley qaab siyaasadeedkii iyo doorashooyinkii markuu ka yaabay wuxuu yidhi “Nin Dooran bay na leeyihiin Doorta”

21 Sannadood kadib halgankii hubaysnaa ee SNM iyo gacan siinteedii SNC ayaa soo afjaray Taliskii Villa Soomaaliya 1991kii. Labada jabhadood midna lalama tashan, waxana Villa Soomaaliya gacanta ku dhigay Cali Mahdi iyo Kooxdii Maano-feesto ee magaalada Muqdisho.

Iskahor-imaadyadii sannadkaas ka bilowday Soomaaliyadii Talyaanigu xukumi jiray wali way socdaan. Talisyadii iskaga dambeeyey Villa Soomaaliya, nooc kasta oo ay ahaayeen deganaansho kumay soo celin dalkaas.

Xaaladda Villa Soomaaliya maanta ayey ugu liidataa. Ciidamo shisheeye oo ka socda ama u adeegaya dano kala duwan, mararka qaarna iska soo horjeeda ayaa hadba lagu soo kordhinayaa. Dhab ahaan maanta Villa Soomaaliya faraha waxba uguma jiraan.

Jawaabtu waxay tahay waxay Villa Soomaaliya miyirsan doontaa:-

  • Marka shacbiga Soomaaliya ay ka quustaan riyada midnimo dambe oo Jamhuuriyadda Somaliland la yeelato.
  • Marka shacbiga Soomaaliya ay fahmaan in Villa Soomaaliya ay ka dambayso kala qaybsannaanta iyo iska-hor-imaadka shacbiga iyo gobollada dalkooda.
  • Marka shacbigu ogaado in Villa Soomaaliya taliskeedu yahay, magac kastaba haloo bixiyee mid aan ka duwanayn kii kaligii taliyihii hore u soo maray.
  • Markay shacbigu ku qasbo in nidaamka federaalka ah ee ay qaateen sida uu yahay Villa Soomaaliya u ogolaato in lagu dhaqmo.
  • Marka la joojiyo farogelinta Villa Soomaaliya ku hayso Garsoorka iyo Baarlamaanka dalkaas.
  • Marka lagu qasbo Fiilada in Banaadir ay noqoto gobol sida gobollada kale ee dalkaasi.

Ugu dambeyn waxaan leeyahay Villa Soomaaliya waxay miyirsan doontaa marka shacbiga dalkaas ku nooli ay ogaadaan in fikirka fiiladaasi yahay mid u eg “Dameerkii lagu yidhi Beri baa darane bur dhaaf, ee ugu jawaabay ‘yaan dabadey dareemaba bixin’

Waxa qoray; Xuseen Cali Nuur

Hargeysa, Somaliland.