UUR-KU-BAALLAYN WELI DHULKA HOOSTIISA BIYO MA KAGA RAADISAY?

 

(Trying my luck on dousing (divining rods) in my farm in search of underground water. Actually I had a good positive response from my rods indicating the possibility of good water bearing aquifer.)

Ka hor intii aanay aqoonta iyo farsamooyinka cusub ee suurtogal ka dhigaya in dhulka hoostiisa waxa ku jira la ‘daalacan’ karo, waxa la adeegsan jiray qalab (qori farraaro leh ha ahaado, ama taar bir ah) si biyo loo helo. Waxa la lee yahay waxa uu qalabkaas fududi falcelin ka bixin jiray tamar koronto ama maqnadiis oo ay bixinayaan biyuhu ama walaxo kale oo dhulka hoostiisa ku jira, aanay se indha qaawani arki karin!

Waxa aad u baahan tahay uun laba birood oo aan dhererkoodu ka dheerayn 40 cm, isla markaana hoos u laabto 7 cm – gacanqabsi ahaan. Mararka qaarna waxa aad adeegsan kartaa hangool laba farraar oo dhaadheer leh. Labada birood oo aad ku qabsato labada gacmood, in is le’egna isu jirsiiso, marka aad dul marto meel ay biyaha hoose ka dhow yihiin, waxa isu imanaya madaxyada labada birood, haddii ay biyo badani ku jiraan, isla markaana ay dhow yihiin, waxa dhacaysa in ay is-weydaartaan.

Goobtan oo aan ceel ka qodayo, dhul aan hore loogu ogayn biyo, ayaa biruhu isu dhaafeen is xooggan. Waana astaan in biyuhu dhow yihiin. Sidaas daraaddeedna igu sii dhiirri gelisay in aan sii qodo.

Kol haddii ay Soomaalidu adeegsato hangoolka, oo weliba sooyaalka iyo degelbaadhistu beryahan dambe soo if bixinayso adeegsiyo kale oo uu lahaan jiray, waxa laga yaabaa in ay Soomaalidii hore taqaannay sida dhulka oommanaha ah loogu adeegsado hangoolka in biyaha lagaga baadho. Maxaa yeealy, waxa dhulka Hawdka ah ee harraadka loogu dhiman jiray lagu sheegaa in meelaha qaar ka jiri jireen ceelal hore, oo DAD XOOG WAAWEYN QODEEN, se aan iminka la garanayn meel ay ahaayeen ceelashaasi. Waxa laga yaabaa in Soomaalidaas hore taqaannay “uur-ku-baallaynta biyaha!”

Meelo ka mid ah Afrika, waxa dhagax-suntaaleyaal (rock paintings) da’doodu jirtay 6000-8000 oo gu’ lagu arkay naqshado dad adeegsanaya farsamadan “uur-ku-baallaynta biyaha”.

Axmed Ibraahin Cawaale