USA: Dood Kulul oo Dhexmartay Musharrixiinta Jamhuuriga

Washington(SLpost)-Dadka ku tartamaya musharaxnimada Xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxweynaha Mareykanka ee la qabanayo sanadka soo socda ayaa waxa ay yeesheen dood taleefishinka laga sii daayay oo mararka qaar kululeyd.

Doodda ayaa diiradda inta badan lagu saaray siyaasadaha dhaqaalaha.

Labada musharax ee ugu cadcad ee Donald Trump iyo Ben Carson ayaa dulqaad muujinayay inkastoo uu weerraray musharaxa kale ee lagu magacaabo John Kasich, waxa uu ugu yeedhay barnaamijkooda dhaqaalaha inuu ku salaysan yahay mala awaal.

Waa dooddii saddexaad ee taleefishinka laga sii daynayay taasi oo u dhaxaysay toban musharax oo u tartamaya in ay helaan tigidhka musharaxnimada xisbigooda.

Haweenayda kaliya ee ku jirta musharixiintaasi oo lagu magacaabo, Carly Fiorina, ayaa waxa ay sheegtay in qaanuunka Mareykanka ee ka kooban 73-da kun ee bog ay ku soo reebi doonto 3 bog oo kaliye.

Waxana sidoo kale sheegtay in ay tahay musharaxa kaliya ee walwalka ugu weyn ku haysa Hillary Clinton.