US oo xidhay saldhiga drones-ka Ethopia

US(SLpoat)-Mareykanka, ayaa sheegay inay xidheen saldhigii diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Ethopia.

Safaarada Mareykanka ee Addis Ababa, ayaa sheegtay in saldhigga Abra Mich oo qiyaastii boqol kilomitir kaanfur ka xiga magaalada xarunta aan loo baahneyn.

141020075443_space_us_drone_640x360_reuters_nocredit

Warbaahinta gudaha, ayaa ka hadashay saldhigaasi markii la dhisay sanadkii 2011kii, balse ilaa xilligaasi Mareykanka si cad uma xaqiijin jiritaankiisa.

Qubarada ammaanka, ayaa sheegay in loo adeegsaday weerarada xagjiriinta Somaliya.Ethpaia, ayaa isbahaysi la ah Mareykanka, waxayna u dirtay Soomaaliya boqolaal ciidamo oo la dagaalama ururka Alshabab.

Mareykanka, ayaa saldhig militeri oo weyn ku leh Jabuuti, halkasi oo ay ka qaadaan weerarada diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.