Ururro Caalami Ah Oo Jabuuti Ku Eedeeyay Inay Mareykan U Gacan-geliyeen Dad Ay Ku Jiraan Muwaadiniin Reer Somaliland Ah

Jabuuti, (SLP)- Ururro aan dawli ahayn ayaa ku eedeeyay xukuumadda Jabuuti inay ku lug leeyihiin af-duubka dad la tuhmay.

Ururradani waxay sheegayaan in lix qof lagu xidhay laguna jidh-dilay Jabuuti ka hor intii aan loo gudbin xabsiyada Mareykanka ee Afghanistan iyo Guantanamo Bay.

Ururradan oo kala ah isu-tagga caddaalada, Haki Africa iyo guddiga caalamiga ah ee qareenada ayaa baadhay door la sheegay in Jabuuti ay ku lug lahayd muddadii Mareykanka ay dawladduhu dadka la tuhmay u afduubeen ee u dhexeysay 2001 iyo 2008, xilligaas oo uu jiray dagaalka argagixisada ee maamulkii Bush.

Warbixintooda ayey ku sheegeen in Jabuuti ay si qarsoodi ah u xidheen ugu yaraan lix qof oo loo diiday in wax xidhiidh ah ay cid kale la sameeyaan iyagoo la jidh-dilay, si xunna ula dhaqmay.

Dhibaneyaasha ayaa la sheegay inay ahaayeen dad ka yimi Somaliland, Kenya, Tanzania iyo Yemen.

Warbixinta oo lagu sheegay in maxaabiista loo diiday inay la xidhidhaan qareenada ayaa ku eedeynaysa Jabuuti inay u ogolaatay sirdoonka shisheeyaha inay su’aalo waydiiyaan maxaabiista, taasoo jabineysa qaynuunka caalamiga ah.

Warbixinta ayaa ugu baaqday guddiga xuquuqda aadamaha ee Afrika inay wada-hadal la yeeshaan Jabuuti, kuwaasoo lagu go’aansanayo inta xad-gudubku uu leeg yahay. Waxayna ku adkaysay dalkaasi inuu soo bandhigo magacyada dhibaneyaasha iyo halka ay ku dambeeyeen, waxayna ugu baaqeen inay raali-gelin ka bixiso, magdhawna siiso dadka loo gaystay dhibka si loo xaqiijiyo in dhibaatadaas aanay markale dhicin.

 

Somalilandpost.net