Ururka WIJA oo Madaxweynaha ku Bogaadiyey Xubnaha Haweenka ah ee uu Golihiisa Xukuumadda Ku Kordhiyey

Hargeysa (SLpost)- Ururka Suxufiyiinta Haweenka Somaliland ee WIJA, ayaa madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku bogaadiyey magacaabista Xubnaha haweenka ah ee uu ku soo daray GolihiisaWasiirrada Isbeddelkii uu dhowaan ku sameeyey Xukuumaddiisa.

Sidaana waxa lagu sheegay Qoraal ay ku saxeexantahay Agaasimaha Fulinta ururka WIJA Fahma Yuusuf Ciise, kaas oo qornaa sidan: “Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, wuxuu isku-shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiirada, wuxuuna xubnaha cusub ku soo daray laba haween ah; marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, wasiirka Deegaanka iyo horumarinta Miyiga iyo marwo Shukri Xariir Ismaaciil, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada.

Sidaa darteed, marka hore waxaanu Madaxweynaha ku hambalyaynaynaa magacaabistiisa wasiirada cusub ee haweenka ah, kuwaasoo ah xubno hawlkarnimo iyo shaqo wanaag looga bartay, horena wax badan ugu soo qabtay haweenka, bulshada iyo guud ahaan Somaliland.

Waxa farxad noo ah in marwo Shukri Xariir ay ka mid tahay aasaasayaashii WIJA (Somaliland Women in Journalism Association), hoggaanka ururkana ay xubin ka tahay. Sidaa si la mida, ururka WIJA wuxuu ku faraxsan yahay in marwo Shukri Xaaji Baandare ay tahay qof ku haboon wax ka qabasahada wasaarada loo magacaabay, iyadoo aynu ognahay dhibaatada haatan lagu hayo Deegaanka Somaliland.

Dhamaan gabdhaha suxufiyiinta Somaliland iyo ururkooda WIJA waxay ku hambalyeynayaan marwa Shukri Xariir Ismaaciil iyo marwo Shukri Xaji Ismaciil Bandare xilalkaa loo magacaabay, waxaanay Illahay ka baryayaan in uu u fududeeyo.”

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo waxa hore ugu jiray Laba xubnood oo Haweeen ah kuwaas ay k amid yihiin Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, waxaanay magacaabista cusub ee madaxweynuhu tirada Haweenka Golaha Wasiirrada ku jira ka dhigaysa Afar Xubnood oo isugu jira Laba Wasiir iyo laba Wasiir ku-xigeen, taas oo ka dhigaysa Xukuumaddii ugu horreysay Somaliland ee saami-qaybsi intaas le’eg maamulka dalka kaga qayb-galisa Haweenka.

SOMALILANDPOST.NET