Ururka UK.SLC oo Cambaareeyey Xasuuqii Ciidamada Kililka 5aad (Liyuu ONLF) ka geysteen Gaashaamo

London, 23 March, 2012 (SLpost)- Ururka Somaliland Community in UK (UK.SLC) ayaa cambaareeyey xasuuqii Ciidamada Liyuu ONLF ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya u geysteen dadka ku nool deegaanka Gaashaamo ee gobolka Dhagax-buur, halkaas oo ay ku laayeen shacbi u badan Carruur iyo haween.

Warsaxaafadeed uu ay ku saxeexan yihiin guddiga fulinta ee ururka oo ku sugan magaalada London ayaa u dhignaa sidan:

“Waxaa  shir isugu yimid 21/03/12  Guddida Fulinta ee Ururka  Uk.Somaliland community,Shirka waxaa lagaga wada hadlay  “Xasuuqii Ciidamada Kililka 5aad(Itoobiya)  ay ka geysteen Gaashaamo 17/03/12 .

Ka dib baadhis dheer iyo dood ku saabsan falkii foosha xumaa ee Ciidamada loo yaqaan Lyuu Police ay ka geysteen  degaamada Gaashaamo,waxay  Guddida fulinta ee Ururka Uk.SLC isku raaceen qodobada soo socda:-

1.    Ururka UK.SLC wuxuu halkan TACSI tiiraanyo leh uga soo gudbinayaa  dadkii  Qoysaskoodii Qaraabadoodii sida foosha xun loogu Xasuuqay Deegaanka Gaashaamo,intii dhimatay ILLAHAY naxariistii jano ha siiyo ,inta dhaawaca ahna ILLAHAY caafimaad buuxa ah siiyo.

2.    Ururka Uk.SLC wuxuu ka dalbanayaa Dowlada Federalka Itoobiya in si dhaqso ah loo sii daayo dadkii Shicibka ahaa ee Ciidamada Kililka 5aad  ay sida sharci darada ah uga Afduubeen deegaanka Gaashaamo.

3.    Ururka Uk.SLC.wuxuu  u arkaa hadalkii ka soo yeedhay Wakiilka dalka Itoobiya u fadhiya Hargeysa-Somaliland, “mid meel ka dhac ku ah  guud ahaan shacabka reer Somaliland,gaar ahaan shacabkii si foosha xun loogu gumaaday Gaashaamo, mana hayn hadal ka soo baxay shaqsi masuul sheeganaya”.

4.    Ururka Uk. SLC,wuxuu usoo jeedinayaa Dowlada Federalka Itoobiya iyo Kililka 5aad,in sida ugu dhaqsaha badan sharciga loo horkeeno  “Saraakiishii iyo Askartii ka masuulka ahayd xasuuqii ka dhacay Gaashaamo 17/03/12.

5.    Ururka Uk.SLC-wuxuu ka codsanayaa dhamaanba Dowladaha,Urur Goboleedyada iyo Ururada caalamiga ah in si dhaqso ah baadhitaan loogu sameeyo Xasuuqii Ciidamada Kililka 5aad ay ka  geysteen degaanka Gaashamo 17/03/12, Shaqsiyaadkii  Xasuuqa ka masuulka ahaana si deg deg ah sharciga loo horkeeno.

6.     Ururka Uk.SLC wuxuu  qoraalo u kala dirayaa, warbixin buuxdana ka siinayaa   Dowladaha iyo Ururada kor ku xusan  Xasuuqii ka dhacay  Deegaamada Gaashaamo.

7.    Ugu dambayn wuxuu Ururka Uk.SLC  ka codsanayaa Dowlada Somaliland,Hayadaha Samafalka iyo guud ahaan Jaaliyadaha reer Somaliland ee dibadaha in CAAWIMO(Cunto iyo Daawo) lala soo gaadho dadkii ku dhaawacmay iyo kuwii ku baro kacay Xasuuqii deegaanka  Gaashaamo ka dhacay  17/03/12.”

Allaa Mahad Leh

Guddiga Fulinta UK.SLC

contact: uk.slc@hotmail.co.uk