Ururka SORADI oo Hargeysa ku Qabtay Kulan-weyne lagu faaqiday Hannaanka Wada-hadallada Somaliland iyo Somalia

Hargeysa (SLPost)- Shirweynihii 3aad ee Machadka SORADI oo lagaga hadlayay Qadiyada Gooni isu taaga Somaliland iyo Wada hadaladii dhexmaray Somaliland iyo Somalia ayaa maanta ka furmay huteelka Ambassador ee caasimada hargaysa.

Shirkan oo socon doona mudo laba cisho ah waxaa furitaankiisii ka qayb galay Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta Qaranka iyo Kalluumaysiga, Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Qaranka, Aqoon yahano iyo Marti sharaf kale.

Prof Maxamed Cismaan Fadal oo ah Gudoomiyaha Ururka Soraadi ayaa tilmaamay in ujeedada ay kulan hawleedkan u soo qaban qaabiyeen ay salka ku hayso sidii ay fikir midaysan oo dhaxal gal ah loogu eegi lahaa waxyaabaha Maslaxada u ah qarankan.

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire oo hadal kooban ka jeediyay madashaasi ayaa u mahadnaqay Machadka Soradi ee soo qaban qaabiyay shirkan waxaanu intaas ku daray in qadiyada gooni isu taaga Somaliland ay tahay Masiir iyo aayo ka tashi Umadeed,oo aan gorgortan geli Karin .

Wasiirku waxaa kale oo uu ka warbixiyay horumarka dhinacyada kala duwan ee ay Somaliland ku talaabsatay mudadii ka soo wareegtay dib ula soo noqoshada Madax banaanideeda .

Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada ee Somaliland Mudane C.laahi Jaamac Cismaan Geel Jire ayaa faah faahiyay ujeedada ka danbaysay Wada hadaladii dhex maray Somaliland iyo Somalia, taas oo uu caalamkuna dabada ka riixayay,Wasiirka Kalluumaysigu waxa uu tilmaamay in Xukuumada uu ka tirsan yahay iyadoo maanka ku haysa ka dhabayta himilada iyo higsiga ummada Somaliland ay fursad wanaagsan u aragtay inay ka qayb gasho wada hadal dhex mara  labada wadan si wixii ka dhexeeya loo kala gurto,wasiirku waxa uu hoosta ka xariiqay in talo midaysan lagu wajahay wadda hadaladaas kadib sida uu sheegay markii ay isla qaateen dhamaanba Golayaasha Qaranka ,Xisbiyada Siyaasada, iyo Madaxda Dhaqanka .

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh.Cali Ayaanle oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada ayaa isagu fikir ahaan qaadacay Wada hadal ay Somaliland la gasho Somalia isagoo ku tilmaamay talaabo lagu deg degay.

SOMALILANDPOST.NET/Hargeysa

webmaster@somalilandpost.net