Ururka SOLJA oo ka hadlay Dhaawac Sarkaal Boolis ahi u geystay Suxufi ka tirsan Warbaahinta dalka iyo Xog-warranka Dhibbanaha

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamuud Cabdi Jaamac, ayaa ka hadlay dhaawac loo geystay Tifaftiraha Telefishanka BULSHO ee magaalada Hargeysa Khadar Macalin Deeq oo mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Boolisku gacmaha ula tagay.

Maxamuud Cabdi Jaamac oo u warramay Telefishanka Star Tv, waxa uu sheegay inuu arrintan kala xidhiidhay taliska Guud ee Booliska Somaliland oo ballan-qaaday inay sida ugu dhakhsaha badan uga hawl-galayaan isla markaana wax uga qabanayaan dhacdadan.

Sidoo kale, Khadar Macalin Deeq oo dhaawacu ka soo gaadhay dhegta bidix, ayaa isaguna warbaahinta uga sheekeeyey sida ay ku timi dhacdada gacan-ka-hadalka ah ee Askarigu dhaawaca ku gaadhsiiyey.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WARBIXIN TELEFISHANKU KA DIYAARIYEY DHACDADAN